Aqalka sare ayaa Aqalka hoose ku yiri: waa in Mushaarka naloo badiyaa 3 sabab aawgood.=Nasashada Jimcaha.Q-182aad=

0
Friday January 10, 2020 - 12:18:32 in Wararka by
  • Visits: 1046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka sare ayaa Aqalka hoose ku yiri: waa in Mushaarka naloo badiyaa 3 sabab aawgood.=Nasashada Jimcaha.Q-182aad=

    1-Nin Bukaan ah ayaa Dhakhtarkii ku yiri: Daktoore, Maalin waliba Saacadu marka ey tahay 7-da Subaxnimo ayaan Saxaroodaa. Daktoorkii: Taasi waa caafimaad, in aad Arroortii Saxarooto. Bukaankii: Ee, ee, ee, Laakiin Datoore, 9ka Subaxnimo ka hor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin Bukaan ah ayaa Dhakhtarkii ku yiri: Daktoore, Maalin waliba Saacadu marka ey tahay 7-da Subaxnimo ayaan Saxaroodaa. Daktoorkii: Taasi waa caafimaad, in aad Arroortii Saxarooto. Bukaankii: Ee, ee, ee, Laakiin Datoore, 9ka Subaxnimo ka hor Hurdada kama tooso. ( F.S: 1aad) ( Shaqada aan waqtigeeda lagu qaban, iyo Sariirta aan looga kicin Salaada Subax, sidii Musqul ayey u soo uraan) 2-Xaliimo, ayaa Seygeedii Faarax ku tiri: Xabiibi i sug waqti yar, waxaan marsanayaa "Make up". Faarax: Gacaliso, ma Adigaaba u baahan "Make up". Xaliiimo: Xabiibii, aad ayaan ugu helaa markaaad i amaaneeso. Faarax: Haa, Waxaad u baahanahay Qaliin qurxin ah in laguugu sameeyo. ( F.S: 2aad) ( Haddii Siyaasigu yiraa: Haweenku, waa laf dhabarkii bulshada, ha weeydiiyeen. Maxaad ula jeedaa?) 3- Shirkii Dhakhaatiirta Aduunka ee looga hadlayay xiriirka ka dhexeeyo Caafimaadka Qofka iyo Shaqada, ayaa Dhakhtar Yuhuud ahi waxa uu yiri: dhinaca Caafimaadka Wadankeeygu Horuumar weyn ayuu ka sameeyay, Qof ayaan Kilidii ka bedelnay oo mid Qof kale ayaan ku xirnay, hal Bil kadib waxa uu bilaabay in uu Shaqo raadsado. Kii Jarmalak ayaa yiri: Qof ayaan Sanbabka ka bedelnay, 15 Cisho kadib waxa uu bilaabay in uu Shaqo raadsado. Kii Ruushka, Anaguna Qof ayaan Wadnihii ka bedelay oo mid Kale aay ku xirnay, 7 Cisho kadib waxa uu bilaabay in uu Shaqo Raadsado. Kii Somaliga ahaa ayaa yiri: Annagu Maskax ayaan bedelnay, Diaspora intii ugu Maskaxda yareeyd oo kaliya,ayaan ka soo xulanay, Xil ayaan u dhiibanay, 3 Sanno kadib Wadankii oo dhan ayaa wada Shaqo doon noqday. ( F.S: 3aad) ( Shaqa la'aan miyaa ka jirto Somaliya? Ma ogi) 4- Oday Cali kuus oo 50 jir ah iyo Xaaskiisa oo Qurbaha ka yimid ayaa degay "Apartment" ey Xamar ka kireeysteen, si ey ugu nastaan Dalka hooyo oo ey u soo hiloobeen. Oday Cali kuus ayaa Xeebta Liido ku bartay Gabar la yiraa Hani Qooto oo 20 jir ah ,kana tirsan Police-ka Bac ka sii- oo ka careysan Gabar Qurba joog aheeyd oo Saaxiibkeed ka wadatay. waxa ey ku tiri: waxaan rabaa in aad habeenkii oo dhan aad Gurigeeyga ila joogto. Waxa uu ku yiri: Taasi suura gal ma ahan, oo Xaaskeeygii ayaa ila joogto. Waxa ey ku tiri: Taa iska daa Anigaa xalinayo. Hani, Habeenkii ey doonto in uu Cali kuus la joogo, iyada oo labisan Dharka Ciidanka ayeey u timaad Gurigiisa, waxa eyna ku tiraa: Adeer Argagixisaa lagaaga shakiyay, isoo raac, isaga oo jeebeeysan ayeey ku ridataa Gaarigaa, Xaaskana waxa ey ku tiraa: Cid ha wicin, si aan loogu qaadan in aad Argagixiso la xiriiree. Subixii ayeey soo celisaa, iyada oo leh, weli Baaritaankii waa noo socdaa, Dalka haka bixina, laakin u maleeyn maayo in Ninkaagu uu Dambi leeyahay. Xaaska Cali kuus, Batuulo Miskiin ayaa uga mahad celiso ,Hani sida ey Ninkeeda ugu soo celisay isla subixii.( F.S: 4aad) (Ku dage lama dago, ee kiisa kalaa la dagaa, miyaa? Haweeynka yaan la dagin) 5- Jaariyadii, ayaa Xaaskii Agaasimaha ku tiri: Mushaarka ha la ii badiyo 3 sabab Dartood: Marwadii: ii sheeg Sababta 1aad? Jaariyadii: waan kaa cunta karis fiicanahay? Marwadii: yaa kuu sheegay? Jaariyadii: Ninkaaga. Marwadii: Tan 2aad na? Jaariyadii: waan kaa dhar feereeys fiicanahay . Marwadii: yaa kuu sheegay? Jaariyadii: Ninkaaga. Marwadii: tan 3aad na? Jaariyadii: Sariirta waan kaaga fiicanahay. Marwadii: oo careeysan ayaa Gacanta xoog uga qabatay, Naayaa, Taana ma Ninkeeygaa kuu sheegay. Jaariyadii: Maya, Darawalkaa ii sheegay. ( F.S: 5aad) ( Aqalka sare ayaa Aqalka hoose ku yiri: waa in Mushaarka naloo badiyaa 3 sabab aawgood. Waan idinka kharaj yarnahay oo waan idinka tira yarnahay. Aqalka hoose: yaa idiin sheegay? Aqalka sare: Wasaaradda Maaliyada. Tan 2aad waan idinka laaluush qaadasho yarnahay. A/hoose yaa idiin sheegay? A/Sare: Wasaarada Maaliyada. Tan 3aad: Hal maalin ayaan Ansixinay, mashruuc Baabi'nayo Mustaqbalka Ummadda. A/hoose: taana Wasaarada Maaliyada miyaa idiin sheegtay? Maya, Wasaaradda Batroolka). 6- Oday Axmed oo 70 jir ah ayaa isaga oo Habeenkii Xaaskiisa la baashaalayo, waxaa ku soo booday xanuun Wadnaha ah. Isbitaalkii ayaa la geeyayay Qeybta-Gargaarka deg dega ah "ICU". Saddax Cishu kadib ayaa laga soo saaray. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Waad sigatay, Laakin hadda waxaan sameeynay dadaal fara badan. Wadnahaagu waxa uu u shaqeeynayaa sida markii aad aheeyd 20 jirka, Xaaskaagana waxaad la baashaali kartaa intii aad doonto, weliba Adigoo dareemi doono yaraantaadii. Odaygii markii uu Gurigiisa Tagay ayuu, Xaaskiisii Xaliimo Ali Faarax yare, ku yiri: Dhakhtarkii waxa uu ii sheegay in Wadnaheeygu uu aad u caafimaad qabo,intii aan doonana aan baashaali karo,weliba Anniga oo 20 jir la mid ah. Caawana Cashar ayaan ku siinayaa. Xaaskii ayaa ku tiri: Maya, Damiirkeeyga ayaa ii diidayo, in aad igu dul dhimatid Adiga oo baashaalayo, mana ogolonaayo ilaa dhakhtarku uu ii soo qoro Qoraal uu ku leeyahay waa u bogsaday Wadnihii, intii uu doono ayuuna baashaali karaa. Oday Axmed, Dhakhtarkii ayuu u noqday, Arrintii ayuuna u sheegay. Dhakhtarkii ayaa soo saaray Feylkiisii "prescription pad". Waxa uuna u qoray Warqad uu ku leeyahay. Oday Axmed waa Kilyantigeeygii, waxaan cadeeynayaa in Caafimaadka Wadnihiisu uu wanaagsan yahay, sidii 20 jirna uu ugu baashaali karo weliba sidii uu doono. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: ii sheeg Xaaskaaga Magaceeda oo saddaxan. Oday Axmed ayaa Xoogaa fekeray oo ku yiri: Datoore, hal magac ha ku qorin ee ku bedel "To Whom It May Concern" –"dhamaan Cidii ey khuseeyso". ( F.S: 6aad) (Afrika waxaad ku arkee wafdi,Hal Wasaarad ka socdo, oo Dibadda kula kulmayo 10 Wasaaradood. Ma waxa uu wataa warqad wakaalad ey ku taal , Cid kadaa loo wakiishay–"To Whom It May Concern" taasu Maamulka Dowligaa kuma jirto) Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip