Nageria iyo Somalia maxaa laga Ansixiyay?.

0
Wednesday January 08, 2020 - 15:29:48 in Wararka by
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nageria iyo Somalia maxaa laga Ansixiyay?.

    Nageria maxaa Faqri ka dhigay? Somaliya Halkaa Ceel oo kaliya, ma Badbaadi karnaa? Ceelkee?. Nageria Masuuliyiin hore ayaa Ansixisay Sharci shidaal oo loo soo diyaariyay. waa wadanka tira ahaan Africa ugu Dad badan, lehna "Human Resource&quo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nageria maxaa Faqri ka dhigay? Somaliya Halkaa Ceel oo kaliya, ma Badbaadi karnaa? Ceelkee?. Nageria Masuuliyiin hore ayaa Ansixisay Sharci shidaal oo loo soo diyaariyay. waa wadanka tira ahaan Africa ugu Dad badan, lehna "Human Resource" tayo leh. dhinaca Beerahana wax soo Saar fiican leh.( in kasta oo la igu yiri: Hotelkii aan deganaa Yaanyada waxaa laga keenaa yurub,sharciga Hotelada Qaar ayaa sidaa ah)

Nageria waa wadan leh Macaadin badan sida Dahabka, soona saaro Shidaal badan (F.S:1aad).

Dakhliga Dowlada 75% waxa uu ka yimaad Shidaalka. waa wadanka leh keeydka 2aad ee ugu badan Africa. Caalamkana waxa uu uga jiraa kaalinta 12aad ee soo saarka shidaalka.

Dadkiisa 90 Million oo ka mid ah waxa ey ka hooseeyaan Leynka Faqriga ” bellow poverty line” waa kala bar in ku dhaw 48%. Ethiopia oo aan Shidaal leheyn ayaa ah 24% kaliya, kenya oo aan Shidaal leheyn 16% bellow the line. Nageria, Qofkiiba maalintii waxaa soo gala in ka yar $2.

Shidaalka 40% waxaa soo saara Shirkadda "Shells” oo Anagaba Heshiis nala gasahy Sannadkii hore. wadanka waxaa ka mamnuuc ah in laga dhiso warshada Shidaalka sifeeyso. Shidaalka raqiis ayaa looga gataa, Dibadda ayaa lagu soo sifeeyaa, kadibna dib ayaa loogu soo celiyaa oo Balaayiin Dollar ey ku bixiyaan. weliba shirkadahaa waxaa loo sameeyay Cashuur dhaaf aan caadi aheyn.

Nageria, waxaa ka jira Laba Dabaqadood dhinaca dhaqaalaha, sida ka muuqato Nolosha Magaalada Lagos, ( F.S: 2aad).


Dabaqada sare waxaa ey ku noolyihiin, halka aan taaganahay. (F.S:3aad), Dabaqadaa waxaa hogaaminayo Rag uu ka mid yahay, Mr. Aliko Dangoto oo ah Ninka Nagerianka ah ee Africa oo dhan ugu Taagirsan. Dabaqada hoose ee isla Magaalada (F.S: 4 & 5aad).

Shidaalka waxaa Gacanta ku hayo Shirkad Magac ahaan ey Nageria leedahay oo la yiraa: Nagerian National Petroleum cooperation NNPC, oo fasaxyada bixiso, dakhilgana soo ururiso, una Badan Nagerian asalkoodii Qurba joog ahaa, Dakhliguna badana sooma gaaro Bangiga dhexe. Sannadkii 2016 waxaa la xaday $16 Billion, kii xigayna 30 Billion. Inta yar ee soo xarooto waxaa lagu bixiyaa Deymo ma dhamaato ah, oo haddii aad Deyn iska bixiso ama lagaa cafiyo dib laguu siinayo , si laguu maamulo.

Dalku waa Federal Gobal kasta waxaa heysta Hogaamiye ah Burcad Batrool, Qofkii isku daya in uu ka horyimaadna waa la weeynayaa. Dowlada dhexe toos uma xukunto, Xattaa haddii wadanka Afgambi ka dhaco Dowladda dhexe Gobalada uma gudbi karto, waxna kama bedeli karto, sababta oo ah waddama kale ayey ku tiirsan yihiin,Ciidan beeleed ugaar ahna waa leeyihiin.

Shacabkii Baahnaa ayaa bilaabay in ey Tubooyinka Shidaalka Gaar ahaan Niger Delta ey dalooliyaan oo sidii Calaqii ey Keymaha ku sifeeyan, Sannadkii tagay 2019 waxa ey Shacabku Bililiqeeysteen in ka badan 22 Million Fuusto gaar ahaan tuugada loo yaqaan Delta Avengers. Degaankiina waa sii baabayaa environmental disaster.
weey adagtahay in siriqdaa Mar hore ey Masuuliyiintu saxiixeen si fudud looga baxo, sida ey ii sheegeen Madaxweynihii hore ee Nageria Mr.Obasanjo iyo Gudoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe Mr.Sunusi.( F.S: 6 & 7aad)….Laakin Somalia weli fursad ayaa jirto.

FG: Somalia,Waxaa jira Ceel Shidaal oo dhinaca Berriga ah oo laga soo saari karo 1Million /Fuusto oo Shidaal ah Maalintiiba, Muddo 100 Sanno ah. xaguu ku yaal. Baraawe iyo Kismayo dhaxdooda dhinaca Jubada Hoose….maxaa i ogeeysiiyay ?.in aad ogaato ayaa khatar ah, Allaa wax dilo.
walba Ceelkaa oo kaliya ma naloo badbaadi karaa. Haa…….Ha Quusan, Ha quusan.

FG:Arragtidaada xur ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax,wixii dhimanna ku dar.


Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip