Puntland oo xabsiga dhigtay Siyaasi caan ah

0
Monday December 02, 2019 - 12:43:49 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo xabsiga dhigtay Siyaasi caan ah

    Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa xabsi ku yaalla waxaa mar kale lagu xiray Siyaasi deegaanada Puntland caan ka ah, kaasi oo lagu Magacaabo Muuse Cali Jaamac. Sababta loo xiray Siyaasi Muuse Jaamac ayaa lagu sheegay inay tahay, kadib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa xabsi ku yaalla waxaa mar kale lagu xiray Siyaasi deegaanada Puntland caan ka ah, kaasi oo lagu Magacaabo Muuse Cali Jaamac. Sababta loo xiray Siyaasi Muuse Jaamac ayaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii isaga iyo Odayaal kale oo la xiray ay dhaliil kulul u jeediyeen Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland ayaa Muuse Cali Jaamac ka qabtay Gudaha Magaalada Boosaaso, isla markaana waxaa la dhigay Xabsi, kaasi oo ay horey Puntland u xiray, kadib markii lagu eedeeyay inuu Akhriyay War-saxaafadeed kasoo baxay Shir looga soo horjeeday Puntland.

Intaasi kadib xiligaas Siyaasi Muuse Jaamac ayaa waxaa lasoo taagay Maxkamad ku taalla Boosaaso, waxaana ay amartay Maxkamadda in xabsiga laga siidaayo Siyaasiga, hayeeshee mar kale ayaa la xiray.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii labda Nabadoon oo eedeeynu jeediyay Puntland lagu xiray Magaalada Boosaaso, sidoo kalena kasoo horjeestay heshiiska DP World iyo Garoonka diyaaradaha Boosaaso loogu dhiibay Shirkad laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip