Laftagareen"Dad waxa jira ka naxaayo horumarka KG loomana joogsanayo"

0
Monday December 02, 2019 - 10:49:22 in Wararka by
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laftagareen"Dad waxa jira ka naxaayo horumarka KG loomana joogsanayo"

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu ku tallaabsaday sanadkii uu joogay horumar ballaaraan,isla markaana ay jiraan dowlado taageero Cusub u balan qaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu ku tallaabsaday sanadkii uu joogay horumar ballaaraan,isla markaana ay jiraan dowlado taageero Cusub u balan qaaday. Waxaa uu sheegay in safar uu dhawaan ku tegay dalka Jabuuti loo ballan qaaday in dowladda Jabuuti ay ka qeyb qaadan doonto qalabeynta iyo Dhismaha Isbitaalka Magaalada Marka iyo dekadda degmada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay jiraan dad ka naxayo oo aan jecleen horumarka Reer Koonfur Galbeed,hayeeshee dadkaasi aan dheg jalaq loo siin doonin sida uu hadalka u dhigay.

"Dadka horumarka iyo dowladnimada koonfur Galbeed ka naxaayo waan ognahay loomana joogsan doonin,dalkaan iyo dadkaana waxaa ay xaq u leeyihiin oo ah Ganacsi iyo Amni ay heli doonaan ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ay jiraan dad dhaliilsan siyaasada uu ku Shaqeeyo Maamulkaas,kuwaas oo u badan taageerayaasha Muqtaar Roobow oo kamid ahaa musharixiintii Koonfur Galbeed balse haatan u xiran dowladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip