Mogadishu Times
  • Home
  • About Us
  • Wararka
  • News In English
  • Sports News
  • Maqaallo
  • Video Updates
  • Contact Us
SOMTEL
Hormuud

Wasaaradda Boostada oo faahfaahin ka bixisay nuxurka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada

0
Friday November 29, 2019 - 20:07:31 in Wararka by
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Boostada oo faahfaahin ka bixisay nuxurka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada

    Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Isgaarsiinta ayaa soo dhoweysay ansixinta Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada, taas oo ah middii ugu horreysay ee uu dalku yeesho. Siyaasaddan ayaa looga gol leeyah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Isgaarsiinta ayaa soo dhoweysay ansixinta Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada, taas oo ah middii ugu horreysay ee uu dalku yeesho. Siyaasaddan ayaa looga gol leeyahay in lagu taageero sidii loo xaqiijin lahaa yoolasha ugu waaweyn ee Qorshaha Horumarinta Qaranka, tubaha qaranka iyo Hiigsiga Fog ee Xukuumadda ee ah sidii Teknoolojiyada loogu adeegsan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada. Waxaa sidoo kale istiraatiijiyadan ay xoojineysaa sidii wada-shaqeyn iyo isku-xirnaan ay u yeelan lahaayeen dhinacyada kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Qeybaha ugu waaweyn ee ay Siyaasaddu xoogga saareyso shanta sano ee soo socota waxaa ka mid ah kordhinta helitaan internet tayo leh oo qiime jaban; dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta; ilaalinta xogta macaamiisha; bixinta adeegyada dadweynaha ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, beeraha (e-government, e-health, e-business, e-agriculture and e-education), dhismaha hannaanka dhaqaalaha ku saleysan internetka, iyo sidii loo abuuri lahaa xog badan oo afkeena ku qoran oo laga heli karo internet-ka. Isagoo u warramayay warbaahinta ka dib ansixinta, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in siyaasaddan ay ku timid wada-tashiyo muddo dheer qaatay oo lala yeeshay dhammaan daneeyeyaasha kala duwan ee siyaasaddan. Dalkeena ayaa leh mid ka mid ah isgaarsiinta ugu casrisan qaaraddan Afrika, hase yeeshee waxay ku shaqeyn jireen suuq uusan ka jirin sharci iyo siyaasad. Hase yeeshee, saddexdii sano ee la soo dhaafay waxay Wasaaraddu waqti badan galisay sidii loo sameyn lahaa nidaamkii iyo sharcigii lagu dhaqi lahaa shirkadaha. "Hadda waxaan leenahay sharci, hay'ad isgaarsiineed, iyo siyaasad qaran…taas waxay micnaheedu tahay inaan leenahay nidaamkii sharci iyo siyaasadeed ee lagu sii horumarin lahaa, isla markaana ay ku soo jiidan karaan maalgashi dheeri ah," ayuu yiri wasiirka. Ugu dambeyntii wasiirka ayaa u mahadceliyay Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Siyaasaddan; wasaaradaha isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada, daneeyeyaasha kale ee fikirkooda ka soo dhiibtay muddadii wada-tashiyada iyo Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo taageero farsamo ku caawisay sidii loo heli lahaa siyaasad casri ah. Ra'iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo shirka guddoominayay ayaa ugu baaqay wasaaradaha iyo hay'adaha kale ee dawladeed, shirkadaha ganacsiga, iyo hay'adaha ka shaqeeya horumarinta inay gacan ka geystaan fulinta siyaasaddan, iyadoo hawlahooda dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada ku saleynaya siyaasaddan.

  • No Comments yet...

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured

  • No image

Friend Us on Facebook

Follow us on Social Media

  • FacebookFacebook
  • TwitterTwitter
  • youtubeYoutube
  • Google+Google+
  • RSS FeedRSS Feed
 
Copyright © 2011 - 2025 Mogadishu Times All Rights Reserved. Site Designed & Developed by Ileys Inc