Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa warqad furan u diray Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyagoo uga ashtakoonaya faragelinta Ciidamada Itoobiya ku hayaan arrimaha gudaha Soomaaliya.
Warqada ka soo baxday Madasha Xisbiyada Qaran oo ku qornaa afka English-ka ayaa sidoo kale lagu ogeysiiyay Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Yurub, Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo Turkiga.
Madasha ayaa ugu baaqay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya inuu wax ka qabto tallaabooyinka guracan ee Ciidamada Itoobiya ka wadaan gudaha Soomaaliya, iyagoo xusay in arrimahaas ay saameyn karto biladdii uu dhowaan ku guuleystay ee Nbel Peace Prize.
Halkan hoose ka akhriso Qoraalka:-
Madasha Xisbiyada Qaran oo ashtako ka dhan ah faragelinta Ciidamada Itoobiya u diray Abiy Ahmed