Gabadhaada ha Gudin si ey Nin u noqoto!!! War Somaaliyeey, war Somaaliyeey iska Jira.

0
Thursday November 14, 2019 - 17:11:51 in Wararka by
  • Visits: 1332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadhaada ha Gudin si ey Nin u noqoto!!! War Somaaliyeey, war Somaaliyeey iska Jira.

    Haddii Aragti Cilmiya laga hadlayo, waa muhim in kalmadaha qaar la isticmaalo si bulshadu u fahamto. Wajiga 1aad. Hadda Ka hor waxaa naloo keenay Mashruuca loo bixiyay " Gudniinka Fircoowniga ". Horta Gabdhaha Reer Fircoon mala gudi jir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii Aragti Cilmiya laga hadlayo, waa muhim in kalmadaha qaar la isticmaalo si bulshadu u fahamto. Wajiga 1aad. Hadda Ka hor waxaa naloo keenay Mashruuca loo bixiyay " Gudniinka Fircoowniga ". Horta Gabdhaha Reer Fircoon mala gudi jiray? Mise magacaa Gudniinkaa naloo xumeeynaa?Meeydkoodii weli "Ahraamta" ayuu yaal ee hala fiiriyo. (F.S:1aad)

Gudniinka waxaa loo qeeybiyaa 4 Qeeybood.

1-dhiig halaga keeno.
2- qeybta Sare ha laga jaro.
3- Gudniin dhaawacaya Jirkeeda.
4 Yaan la gudin.

Labada hore lama diidana laakin No 3 & 4aad waa khalad. Diinteena ayaa leh ( Haddii ey isku tagaan Labada gudan ) taa oo muujinee in Gudniinka aan la xarimin guud ahaan .

Hadda Somalidu waxa ey Maree No. 4aad yaan la gudin, markii hore NGO-yada ayaa naloo Soo marsiiyay, Laakin hadda waxaa sharciyeey Dowlada.,in aan la gudin Gabdhaha, Dibadda iyo Gudaha dalkana waa Ka bilaabatay, in wiilasha la gudi karo, laakin Gabdhaha aan la gudin . Waxaa nalaga dhaadhacsiiyay in aan khaldanahay iyana ey saxan yihiin.

Wajigii 2aad.

Laba Usbuuc Ka hor Maxkamadda Sare ee Dalka Najeriya -Magaalada Caasimadaa ee Abuji oo ey fadhiyaan 5 ta Xaakim ee ugu sareeyso oo ey Shir gudoomineysay Mary Odili ayaa Go’aamisay in Haweeneyda la yiraa: Isiama Adeyenai oo leh ” K” dherer kiisu yahay 8 inch loo Aqoonsado in ey tahay Nin, dacwadaa oo socotay 7 Sanno, Iyo Weliba in Haween kasta oo "K ” keedu gaarayo 7.5 centimeter ama 3inch in loo Aqoonsado Nin. Isiama ayaa Ku faraxday Go’aanka ( F.S: 2aad)

Isiama Adeyeni ayaa tiri: Ninkeeygii hore "K” keega ayaa Ka dheeree Xubintiisa taranka. Sharcigaan Cusub waxaa Ka faa’ iidayo 600 Haween Najeeriyaan ah ayaa la yiri.

Inna Shavchenko oo ah Haweeney Faransiis ah oo u doodo Xuquuqda Haweenka ayaa tiri: Tani waa guul u Soo hoyatay Haweenka Africa. (F.S: 3aad)

Sharcigani waxa uu Haweenka Xaq u siinayaa,in Passport- Ka iyo warqada Aqoonsiga loogu Qoro in sharciyan loo Aqoonsado Nin, in ey yeelato dhaxal, Qaraabdu ma garaaci karto, shaqooyinka Ragga waa loo ogol yahay, Haweena wey Guursan kartaa ileeyn lama gudini.

Ogoow Najeeriya waa wadan Muslimiintu Ku badan yihiin, Siduu noqonaa dhaxalku? In iyada oo Haween ah ey haween kale guursato ? Wax ma dhali karto oo weli waa Haween.

Wadanka Ugaandha Sharcigu waxa uu leeyahay Haweenkii "K” gaarayo 5 centimeter ama 2inch, waxaa loo Aqoonsan karaa Nin sharciyan, illaa iyo intii sharcigaan la Soo saaray Sannadkii 2011 waxaa Sharciyaa Nin nimada ogolaaday in ey qaataan 11 Haweena oo Reer Ugaandha ah.

Ogoow wajiga 2aad ee Ka hortaga Gudniinka Fircoownigu waa sidaa. faham halka laguu wado Somaliyeed, wax badan oo nagu Soo galay NGO ayaa 20 Sanno kadib Noqon doono Sharci xamaraan ah.

Ogoow wajiga 3aad waa Mashruuca Naaxinta "K” oo loo Soo saari doono Daawo lagu naaxiyo, si aad Suuq ganacsi u noqoto, Gabadhaaduna ey Ku dhihi doonto Aabe/Hooyo wiil ayaan ahay.Abuurka Alle yaan la bedelin, waa iga Talo.

Gudniin Xaaraan ma ahan haddaan Qofka jidkiisa wax loo geeysaneeyn oo xad Ka Bax aan laga dhigin, Raggaba gudniinkoodu xad ayuu leeyahay.

Somaaliyeey, Mashaariic badan bilaawgeeda waad fahamteen ee Dhamaadka loo socdo ma fahamteen?.

FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay, ee hore iyo hareerba halka laguu wado hubso, in wax cilmi ah laga doodana ceeb ma ahan, in waxa dunida hareeraheenaa Ka dhacayo aad ogaatana waa Aqoon kororsi.

Qore: Yahya Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip