Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida oo saaka hortagaya Baarlamaanka

0
Saturday February 20, 2016 - 10:51:29 in Wararka by
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida oo saaka hortagaya Baarlamaanka

    Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Hey'adda Nabadsugida Qaranka ayaa maanta lagu wadaa inay hor-tagaan Baarlamaanka Soomaaliya, si ay su'aalo ugaga jawaabaan Xildhibaanada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Hey'adda Nabadsugida Qaranka ayaa maanta lagu wadaa inay hor-tagaan Baarlamaanka Soomaaliya, si ay su'aalo ugaga jawaabaan Xildhibaanada.

Mas’uuliyiintan qaabilsan dhinaca ammaanka ayaa waxaa su’aalo laga weydiinayaa arrimaha ku aadan baaritaanada lagu sameynayo Xildhibaanada Baarlamaanka, marka ay ka dhoofayaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka hor-yimid in baaritaan lagu sameeyo, iyagoo ku dooday inay leeyihiin xasaanad, isla markaana ay tahay mid xadgudub ku ah dastuurka, kaasoo dhigaya in Xildhibaanka la baari karin, gurigiisana aanay Ciidamo geli karin.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo todobaadkii hore su’aalo uga jawaabay Xildhibaanada ayaa sheegay in aanay jirin amar ka soo baxay oo lagu baarayo Xildhibaanada.

Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Jen. C/raxmaan Tuur Yare ayaa todobaadkii hore mar uu ka soo degayay garoonka diyaaradaha waxaa uu maray baaritaanada garoonka, isla markaana kabaha iyo suunka siibaya, si uu ugu dhiira geliyo mas’uuliyiinta dowladda inay maraan baaritaanada.

Weerarkii Diyaaradda Daallo kadib waxaa la adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo shacab iyo Mas’uulna si isku mid ah loo baarayo hadii uu ka dhoofayo garoonka iyo hadii uu ka soo degayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip