Qaar ka mid ah website-yadi ay dowlada amartay in la mamnuuco oo si rasmi ah loo xiray

0
Saturday February 20, 2016 - 09:54:28 in Wararka by
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar ka mid ah website-yadi ay dowlada amartay in la mamnuuco oo si rasmi ah loo xiray

    Marki ugu horreysay taariikhda warbaahinta casriga ee Soomaaliya ayey Dowlada Federaalka Soomaaliya ku guuleysatay in ay ka mamnuucdo gudaha dalka in laga daalacdo qaar ka mid ah baraha internetka ee lagu qoro af Soomaaliga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marki ugu horreysay taariikhda warbaahinta casriga ee Soomaaliya ayey Dowlada Federaalka Soomaaliya ku guuleysatay in ay ka mamnuucdo gudaha dalka in laga daalacdo qaar ka mid ah baraha internetka ee lagu qoro af Soomaaliga.

Amar kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu mamnuucay in gudaha dalka Soomaaliya laga aqristo ilaa iyo 35 website oo ay Dowlada ku eedeysay in ay warar isugu jira marin habaabin iyo akhlaaqdarro ku fidinayaan mujtamaca Soomaalida.

Wasaarada boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya ayaa laga yaabaa in ay tallaabadani qaaday isla markaana dhaqan gelisay xayiraada website-yadani.

Hadii aad isku daydo inaad furto qaar ka mid ah website-yadaasi ama barahaasi internetka adiga oo jooga meel ka mid ah Soomaaliya ayaa waxaa kuusoo baxaya qoraal ku qoran afafka Soomaaliga, Carabiga iyo English-ka oo dhahaya ‘’Website-kan waa la xadiday’’.

Waa marki ugu horreysay oo ay Dowlada Soomaaliya ka xirto hawada Soomaaliya qaar ka mid ah websiteyo si rasmi ah ama si aanan rasmi aheyn.

Dad badan yaaa aaminsan inn tani ay calaamad u tahay horumarka xaga tiknoolojiyada ee ay qaadeyso Dowlada Soomaaliya ee ku wajahan xaga warbaahinta, hase yeeshee dadka u dooda xurriyatul qowlka ayaa ku eedeeynaya dowlada in ay ku xadgudbeyso xaqa ay wariyaasha iyo milkiilayaasha websiteyada ay u leeyihiin in ay kusoo bandhigaan fikradahooda xorta ah.

Bishii November ee sanadki tagay ayey aheyd marki ay ku dhawaaqday Dowlada Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday in ay xanibeyo ilaa iyo 35 website oo ka mid ah kuwa ku hadla afka Soomaaliga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip