Canada oo ku dhawaaqday in wasiirkeeda arrimaha dibada uu ka qeyb gali doono Shirka Istanbul ee Soomaaliya

0
Saturday February 20, 2016 - 09:37:33 in Wararka by
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Canada oo ku dhawaaqday in wasiirkeeda arrimaha dibada uu ka qeyb gali doono Shirka Istanbul ee Soomaaliya

    Madaxda caalamiga ah ee la filayo in ay ka qeybgalaan Madasha Istanbul ee loogaga hadli doono arrimaha Soomaaliya todobaadka soo aadan, ayaa mas,uuliyiinta ka qeybgali doonta waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibada ee Canada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda caalamiga ah ee la filayo in ay ka qeybgalaan Madasha Istanbul ee loogaga hadli doono arrimaha Soomaaliya todobaadka soo aadan, ayaa mas,uuliyiinta ka qeybgali doonta waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibada ee Canada.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Canada ayaa lagu sheegay in Stephane Dion uu Istanbul kula kulmi doono madaxda Soomaalida, wakiilo ka kala socda Africa iyo Bariga dhexe isaga oo kala hadli doona arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan dhamaadka sanadkaan

‘’Ka qeybgalka mudane Dion kulanka heerka wasiir ee Istanbul waxa ay caddeyneysaa mar kale sida ay Canada uga go,antahay taageerada dadaalka caalamiga ah ee lagu baadi goobayo xaslloonida iyo nabadda Soomaaliya, horumarka Soomaaliya wuxuu gundhig u yahay amaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Africa’’ ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Dibada Canada.

Madasha Istanbul ayaa waxaa lagu wadaa in ay kasoo baxaan go,aano kama danbeys ah oo wadada loogu xaarayo doorashooyinka lagu wado in ay ka qabsoomaan Soomaaliya gaar ahaan kuwa labada aqal iyo tan madaxweynaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip