Madaxweyne Xasan oo dardaaran u jeediyay ciyaartoyda 11 jirada Somaliyeed (Daawo) 19th February 2016 byLaacib

0
Friday February 19, 2016 - 23:28:35 in Wararka by
  • Visits: 512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan oo dardaaran u jeediyay ciyaartoyda 11 jirada Somaliyeed (Daawo) 19th February 2016 byLaacib

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho uu kula kulmay ciyaartoyda 11 jirada Somaliya, oo ka soo laabtay dalka Qatar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho uu kula kulmay ciyaartoyda 11 jirada Somaliya, oo ka soo laabtay dalka Qatar.

Ciyaartoydan, ayaa dalkaasi kaga qaybgalay tartanka kubadda cagta ee iskuulada dalalka Jaamacadda Carabta. Saddex kulan oo ay ciyaareyna waxay barbar-dhac kula galeen ciyaartoyda dalalka Qatar, Sacuudiga iyo Emirate-ka Carabta. Laba kulan oo kale oo saaxiibtinimo ah oo middi laga badiyay, midka kalana ay badiyeen, ayay la ciyaareen ciyaartoyda Oman iyo Lubnaan.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa ciyaartoyda ku ammaanay inay ka farxiyeen dadka Somaliyeed dal iyo dibadna, aadna loogu riyaaqay wacdarihii ay ka dhigeen tartankii ay kaga qaybgaleen dalkaasi Qatar.

Madaxweynaha, ayaa bogaadiyay ciyaartoydan oo laga soo kala xulay iskuulada ku yaala Magaalada Muqdsiho, wuxuuna kula dardaarmay inaanay kala taggi, isla-markaana ay isku duubnaadaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballanqaaday in Dowladda Somaliya ay abaalmarin doonto ciyaartoydan, isagoona xusay inay u dadaaleen Somaliya, Somaliyana ay abaalmarinayso.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku celceliyay dardaarankiisa ku aadan inaanay dhalintan kala tagin, oo ay isu duubnaadaan, isla-markaana ay sii wadaan tababarada kubadda cagta.

Madaxweyne Xasan, ayaa tilmaamay in waxa magaca dalka iyo haybadda ummadaba soo noolleeya, uu ugu horeeyo isboortiga, sidoo kalana uu yahay waxa dadka walaaleeya, sida uu yiri.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip