C/Raxmaan C/Shakuur Oo Sheegay In Maanta Lagu Xayiray Garoonka Aadan Cadde

0
Thursday October 10, 2019 - 22:56:51 in Wararka by
  • Visits: 333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/Raxmaan C/Shakuur Oo Sheegay In Maanta Lagu Xayiray Garoonka Aadan Cadde

    Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay Xayiraad lagu saaray Garoonka Aadan Cadde inta uusan bixin kahor. C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay Xayiraad lagu saaray Garoonka Aadan Cadde inta uusan bixin kahor. C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu sheegay xiyaarad kooban Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmeen isaga iyo wafdi uu hogaaminayay xili ay kusii jeedeen Magaalada Kismaayo,hayeeshee markii dambe lasii daayay. War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayuu ku shaaciyay in xariyaad Maanta lagu saaray Garoonka Aadan Cadde.

 

Kismaayo ayaan soo gaarnay, ka dib xayiraad kooban oo aan maanta kala kulanay aniga iyo wafdigayga gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde”ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Warar goor hore soo baxay ayaa sheegayay in Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo wafdigiisa muddo kooban lagu hakiyay Garoonka Muqdisho, ka dib markii Laammaha amniga Garoonka ay sheegeen in aysan heynin macluumaadka bixitaankiisa wafdigiisa,hayeeshee markii dambe wadabadallo dhexmaray laammaha ammaanka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa loo oggolaaday inay safraan.

Si kastaba C/raxmaan C/Shakuur iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif aSheekh Axmed yaa hal diyaarad u raacay Magaalada Kismaayo,iyagoona halkaas uga qeyb galaya Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo dhawaan halkaas ka dhaceysa. ka dib markii ay dhowr jeer hakad galay ka dib markii diyaaradah wafuudda ka qeyb geli lahyed lagu xanibay muqdisho 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip