Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ah oo la soo bandhigay iyaga iyo hubkooda

0
Thursday October 10, 2019 - 22:26:31 in Wararka by
  • Visits: 394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ah oo la soo bandhigay iyaga iyo hubkooda

    Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee degmada Garbaahaarey ee xarunta gobolka Gedo. ayaa maanta saraakiil ka tirsanaa Xooggaga Al-Shabaab oo isa soo dhiibay iyagoo hubkooda wataan ku soo bandhigay gudaha Saraakiisha oo 2 ahaa, islamarkaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee degmada Garbaahaarey ee xarunta gobolka Gedo. ayaa maanta saraakiil ka tirsanaa Xooggaga Al-Shabaab oo isa soo dhiibay iyagoo hubkooda wataan ku soo bandhigay gudaha Saraakiisha oo 2 ahaa, islamarkaana ku hubeysnaa qorayaha Ake 47 ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Guuliye Xareed Muxumed iyo Cabdalle Naasiri Ibraahim.

     Ciidamada dowladda ayaa sheegay in ka hor inta aysan soo goosan, raggaasi ay xiriir la soo sameeyeen, islamarkaana ay soo dhoweeyeen.

dhanka kale waxa ay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka sheegeen in xubnahaasi in  loo gudbin doono laamaha qaabilsan, islamarkaana in muddo ah lala socon doono dhaq dhaqaaqooda.

         ilaa iyo haatan ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Ururka Al-Shabaab oo ku aaddan raggaasi la sheegay in ay dhankooda ka soo goosteen.

     Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii dambe ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay kordhiyeen howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip