Sawirro:-Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Safiirka Midowga Yurub Ee Somalia

0
Wednesday October 09, 2019 - 21:51:40 in Wararka by
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Safiirka Midowga Yurub Ee Somalia

    Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 09-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga yurub u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo. Kulankaana wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 09-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga yurub u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo. Kulankaana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo midawga yurub sidii loo dardar-gelin lahaa. Ugu danbayntiina madaxweynaha Somaliland oo uu kulanka ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa safiirka iyo midawga yurub ku bogaadiyey xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo midawga yurub iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan.Sidoo kale, waxa lagu lafo-guray mashaariicda horumarineed ee midawga yurub iyo Somaliland iska kaashadaan hirgelintooda iyo diyaar garawga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo safiirku sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin wixii kaalmo ah ee ay kaga qayb-qaadanayaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

    




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip