Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacowday guddiga farsamada dhismaha Galmudug

0
Wednesday October 09, 2019 - 21:46:07 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacowday guddiga farsamada dhismaha Galmudug

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday Guddiga Farsamada maamul dhisadda Galmudug, kaas oo ka shaqeyn doona arrimaha maamulkaasi oo dhowaan doorasho galaya. Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday Guddiga Farsamada maamul dhisadda Galmudug, kaas oo ka shaqeyn doona arrimaha maamulkaasi oo dhowaan doorasho galaya. Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u Heshiisiinta ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo kala matalaya beelaha Galmudug. Wareegtadan ayaa waxaa wariyeyaasha u akhriyay Ku simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Isaaq Maxamed Maxamuud, isagoo bulshada Galmudug ka codsaday in ay la shaqeeyaan guddiga cusub ee loo magacaabay ka shaqeynta dhismaha Galmudug. Guddigan cusub ee la magacaabay ayaa iska dhex dooran doona Guddoomiye iyo ku xigeen iyaga oo intaas kadibna bilaabi doono howsha farsamo ee lagu dhisayo Galmudug. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa garwadeen ka ah doorashada ka dhici doonta Galmudug waxaana la filayaa in ay geedisocodka doorashadu uu dhowaan bilaaban doono. Lifaaqa hoose ka akhriso magacyada guddiga farsamada dhismaha Galmudug.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip