Dowladda Federaalka Oo Sheekh Shariif Ku Xayirtay Garoonka Aadan Cadde

0
Sunday September 22, 2019 - 19:24:46 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 16
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka Oo Sheekh Shariif Ku Xayirtay Garoonka Aadan Cadde

    Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa lagu xanibay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahnaa Magaalada Kismaayo,iyadoona loo diiday inay u duulaan halkaas. Sheekh Sha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa lagu xanibay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahnaa Magaalada Kismaayo,iyadoona loo diiday inay u duulaan halkaas. Sheekh Shariif iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa Maanta u ambabixi lahaa Magaalada Kismaayo,halkaas oo uu doonayay inuu uga qeyb galo Xaflada Caaleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dhawaan dib loo doortay. Sarkaal ka tirsan Xisbiga Himilo qaran oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in sax ay tahay in Sheekh Shariif la xanibay,balse uusan Garoonka tagin Kaliya ee loo diiday diyaaradiisa markii la ogaaday inuu u duulo Kismaayo. Dhawaan ayay aheyd markii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ku amartay diyaaradaha aada iyo kuwa yimaada Magaalada Kismaayo inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho."Sheekh Shariif gurigiisu ayuu jooga Laakin waa run in diyaaradisa la xanibay"ayuu yiri Sarkaal ka tirsam HIMILO qaran oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho. Dhinac kale Hay'adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa Maanta Shirkadda diyaaradaha ku amartay in 24-saacadood ka hor soo ay dalbadan fasaxa ah inay u duuli karaan Magaalada Kismaayo. Si kastaba Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),iyadoona ay ka qeyb galayaan sida uu qorshuhu yahay Madax kala duwan oo lagu Casuumay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip