Madaxweynaha Puntland Oo Safar Aan La Shaacin Ku Gaaray Magaalada Boosaaso

0
Sunday September 22, 2019 - 11:41:00 in Wararka by
  • Visits: 275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland Oo Safar Aan La Shaacin Ku Gaaray Magaalada Boosaaso

    Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta waxaa gaaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo. Madaxweynaha Puntland ayaa safar dhanka dhulka ku tegay Magaalaa Boosaaso,kaasi oo ahaa m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta waxaa gaaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo. Madaxweynaha Puntland ayaa safar dhanka dhulka ku tegay Magaalaa Boosaaso,kaasi oo ahaa mid aan horey loo sii qorsheyn,isagoona ka soo ambabaxay Magaalda Garoowe. Wariyeyaal ku sugan Boosaaso ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland la doonayay in loo sameeyo soo dhaweyn,isla markaana la diyaariyay dawdeyne farabadan oo la geeyay Koontaroolka hore ee laga soo galo Boosaaso,hayeeshee Madaxweyne Deni uu iska agmaray isaga oo saaran gaari Qafilan. Inta uu ku sugan yahay Magaalada Boosaaso Madaxweyne Deni ayaa waxaa kulamo uu la qaadan doonaa Wafdi ka socda dowladda Imaaraadka oo saacadaha soo socda tegaya halkaas,iyadoona ka wada hadli doona arrimo kala duwan.Sidoo kale waxaa la sheegay in dadkii ku sugnaa Koontaroolka laga soo galo Boosaso ay kamid ahaayeen Mas'uuliyiintii Maamulka Degmada, Gobolka, Ganacsato iyo Odayaal dhaqameed iyo dadweyne kale. Waa Safarkii labaad ee Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku tego Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bare tan iyo markii loo doortay xilka Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip