Sawirro:-Shir Looga Hadlayo Deyn Cafinta Soomaaliya Oo Ka Furmay Addis Ababa

0
Tuesday September 10, 2019 - 21:41:30 in Wararka by
  • Visits: 333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Shir Looga Hadlayo Deyn Cafinta Soomaaliya Oo Ka Furmay Addis Ababa

    Waxaa Maanta Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ka furmay mid ka mid ah shirarka muhiimka u ah deyn Cafinta Soomaaliya. Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka socota hey'adda Lacagta Aduunka ee IMF,waxaana dowladda Soomaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Maanta Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ka furmay mid ka mid ah shirarka muhiimka u ah deyn Cafinta Soomaaliya. Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka socota hey'adda Lacagta Aduunka ee IMF,waxaana dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, xubno ka tirsan Bangiga Dhexe iyo labada Xafiis ee Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha. Dowladda Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigi doonta wixii u qabsoomay 3-Bilood ee la soo dhaafay iyo in ay ku dadaasho sidii ay u sii horumarin laheyd Maamul wanaaga Maaliyadda Dalka. Shirkaan Maanta ka furmay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa uu socon doonaa Muddo kooban."Markale ayaan fileynaa in ay soo baxdo natiijo wax ku ool ah oo muujineysa guusha iyo horumarka dhaqaalaha Soomaaliya"ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

    




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip