Ammaanka Xudur oo la adkeeyay & RW Kheyre oo ku wajahan

0
Monday September 09, 2019 - 09:19:50 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ammaanka Xudur oo la adkeeyay & RW Kheyre oo ku wajahan

    Waxaa aad loo adkeeyay Ammaanka guud ee Degmada xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool, iyada oo lagu wado in saacadaha soo socda uu halkaasi tago Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo haatan ku sugan Magalada Baydhabo. Gudaha degmad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa aad loo adkeeyay Ammaanka guud ee Degmada xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool, iyada oo lagu wado in saacadaha soo socda uu halkaasi tago Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo haatan ku sugan Magalada Baydhabo. Gudaha degmada Xudur ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda & kuwa AMISOM oo siweyn amniga u adkeynaya,waxaana sidoo kale Wadooyinka degamadaasi la suray booray lagu dhejiyay Sawirka Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in degmada Xudur ay gaaraan wafdi horudhac u ah safarka Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,kuwaas oo diyaarinaya soo dhaweynta wafdiga Ra'iisul Wasaaraha. Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tago degmada Xudur waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doonaa mashaariicyo hormarineed,isaga oo sidoo kale booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda & kuwa Kooonfur Galbeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip