Roob Khasaaro Geystay Oo Ka Da'ay Deegaano Ka Tirsan Puntland

0
Monday September 09, 2019 - 09:10:20 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 11
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roob Khasaaro Geystay Oo Ka Da'ay Deegaano Ka Tirsan Puntland

    Wararka aan ka heleyn deegaano ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay halkaas uu ka da'een roobab xoogan oo dabeylo watay. Roobabka ayaa sigaar ah uga da'day deegaan lagu magacaabo Hood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyn deegaano ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay halkaas uu ka da'een roobab xoogan oo dabeylo watay. Roobabka ayaa sigaar ah uga da'day deegaan lagu magacaabo Hoodaa oo ka tirsan ee Gobolka Gardafuu ee Puntland,waxaana uu da'yay saacado dhowr,isla markaana ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in Roobka uu biyo badan dhigay Wadooyinka deegaanka Hoodaa oo ka tirsan ee Gobolka Gardafuu ee Puntland.Sidoo kale Roobaka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro nafeed iyo hantiyadeed,waxaana ku dhintay hal ruux,iyadoona uu burburiyay in ka badan 25 guri oo ay ka mid tahay Xarun caafimaad oo halkaas ku taallay. Maalmihii la soo dhaafay ayaa deegaano ka tirsan Gobolka Gardafuu ee Puntland waxaa laga soo sheegayay in halkaas ay jiro xaalad Bani'aadanimo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip