HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 9-KA SEP 2019-KA

0
Monday September 09, 2019 - 09:00:58 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 9-KA SEP 2019-KA

    Faah Faahin:-Dil Ka Dhacay Magaalada Baydhabo Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay shee gayaan in Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed halkaas uu ku dilay Nin la sheegay inuu ahaa shacab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah Faahin:-Dil Ka Dhacay Magaalada Baydhabo Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay shee gayaan in Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed halkaas uu ku dilay Nin la sheegay inuu ahaa shacab. Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Gelinkii dambe ee Shalay,isl markaana waxaa geystay askari ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed,kaas oo rasaas qeybaha Sare ee Jirka ugu dhuftay Ninka shacabka ahaa. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Marxuumka la dilay uu watay gaari nooca raaxada ah,waxaana lagu toogtay meel u dhaw garoonka kubadda Cagta ee Dr Ayuub, halkaasi ku sugnaa Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Qaar ka mid ah Ehelada Ninkaas ayaa goobta uu falka ka dhacay tegay,iyagoo halkaas soo qaaday Meydka Marxuumka. Dhinaca kale warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in markii uu ka dhacay falka dilka ahaa ka dib hawada laga saaray shirkadaha Isgaarsiinta M/Baydhabo iyo kuwa Internet-ka,welina lama oga sababta keentay arrintaas. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay uga hadlayaan dilkii ka dhacay meel u dhaw garoonka kubadda Cagta ee Dr Ayuub xili uu halkaas ku sugnaa R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Xigasho radioDalsan.com

Duqa Muqdisho Oo Kulan La Qaatay  Agaa simeyaasha Gobolka Banaadir

     Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna du qa M.Muqdisho Md.Cumar Maxamud Maxam ed (Cumar Finish) ayaa kulan gaar ah la qaat ay agaasimayaasha Dowlada hoose ee Xamar iyo G/Banaadir kaas oo ujeedkiisu ahaa isbara sho iyo dardaaran ku aadan sidii loo xoojin lah aa howlaha kala duwan ee lagu horumarinaa yo bilicda Caasimadda.

     "Waxaa Shalay kulan gaar ah la qaatay ag aasimayaasha Dowlada hoose ee Xamar iyo G /Banaadir kaas oo ujeedkiisu ahaa isbarasho iyo dardaaran ku aadan sidii loo xoojin lahaa howlaha kala duwan ee lagu horumarinaayo bil icda Caasimadda”ayuu yiri Guddoomiye Cum ar Finish.

    Kulankaan oo ka dhacay Aqalka Dowlada hoose ee Xamar ayaa waxaa goob joog ka ah aa guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaa dir iyo xog’hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyadoo duqa M/Muqdisho Md. Cumar Finish uu mid mid u xogwareysanayay agaasi mayaasha uu kulanka la qaatay.

RW Kheyre Oo Kormeeray Qaar Kamid Ah Wasaaradaha Koonfur Galbeed

   Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Xasan Cali Khe yre oo ku sugan M/Baydhabo ee Xarunta G/Ba ay ayaa kormeeray qaar kamid ah Wasaarada ha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kormeerka R/Wassaare Kheyre ayaa waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Koonfur Galbe ed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaas.

    Wasaaradaha uu booqday Xasan Cali Khey re ayaa waxaa kamid ahaa Wasaaradaha Mali yada iyo Qorshaynta ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana waxaa kusoo dhaweeyay Madaxda Wasaaradaha iyo shaqa alaha ka shaqeya

       Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kormeer ku tegay Xarunta Madaxtooyadda Ko onfur Galbeed ee M/Baydhabo, isa goona ku soo wareegay Xafiisyada kala duwan ee leed ahay Xarunta.

     Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan M/ Baydhabo inuu kor meer kale ku tego Goobo muhiim ah oo ku yaalla halkaas

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Iyo Dhigg iisa Turkiga Oo Kulan Yeeshay                      Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS.Eng. C/hi Cali Xasan ayaa Magaalada Izmir ee dalka Turkiga kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga dal kaas Ruhsar Pekcan.

      Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa lo oga wada hadlay xiriirka labada dal iyo arr imaha ganacsi iyo mashaariicda horumarineed ee Turkiga ka fulinayo gudaha dalka Soomaa liya. Sidoo kale Eng. C/hi Cali Xasan iyo Ruh sar Pekcan ayaa ka wada hadlay sidii loo fulin lahaa heshiisyo dhanka ganacsiga ay kala saxi ixdeen Soomaaliya iyo Turkiga,isla markaana la isaga kashan lahaa Arrimaha ganacsiga ee u dhexeeya labada dal.

      Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dalka Soomaaliya Eng. Cabdull aahi Cali Xasan ayaa dalka Turkiga ku tegay Casuumaad uu ka lehay dhiggiisa dalkaas Ruh sar Pekcan,isagoona ka qeyb galay bandhiga gancsiga 88-aad ee lagu qabtay dalkas Turki ga.

Boqorka Sacuudiga Oo Wiilkiisa U Magacaa bay Xil Wasiir

     Boqor Salmaan Bin C/Casiis waxa uu soo saaray Wareegto uu wiilkiisa Amiir C/casiis ugu magacaabay Wasiirka cusub ee Tamarta, waana markii ugu horreysay ee Amiir ka tirsan qoyska xukuma Sacuudiga ee Al-Sacuud uu madax ka noqo Wasaaradda Tamarta.

   Wasiirka cusub waxa uu ka weyn yahay Walaalkiisa ay isku Aabaha yihiin ee Amiir Maxamed Bin Salm aan, kaasi oo ah Ninka ugu awooda badan Sacuudiga ee ay ka go’do Tal ada iyo Maamulka Sacuudiga.

     Wasiirka cusub ee Tamarta, Amiir C/Cassius oo takhasus u leh Hawlaha Tamarta waxa uu ka soo qalin jeb iyey Jaamacadda Batroolka iyo Macdanta ee King Fahad University of Petroleum and Minerals.

    Waxa uu xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Tamarta, Khaalid Al-Falix, kaasi oo maalmo ka hor laga qaaday xilka Guddoomiyaha Shir kadda Shidaalka Dowladda Sacuudiga ee ARAMCO.

     Dhinaca kale, Boqor Salmaan waxa uu ma anta soo saaray Wareegto Boqortooyo oo uu xilka kaga qaaday Wasiir-ku-xigeenkii Tam arta, C/casiis Al-Kariim.

Boqorka weli ma magacaabay Wasiir-ku-xig eenka cusub ee Wasaaradda Tamarta ee Sacuudiga. Magacaabista Wasiirka cusub ee Tamarta Sacuudiga ayaa ah mid ku cusub dal kaasi, maadaama shanti Wasiir ee isaga dam beeyey xilkaasi ran iyo sanadkii 1960-kii uusan midkoodaba ka soo jeedin Qoyska haya Tala da Boqortooyada Sacuudiga.

       Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga waxaa soo food saaray Dhaqaale-xumo dhanka Shida alka, waxayna inta badan sannadkan 2019-ka soo saaraan maalintiiba wax ka yar 10 milyan oo Barmiil oo shidaal, kaasi oo ka hooseeysa Hiigsiga Dowladdaha ku bahoobay Ururka dal alka dhoofiya Shidaalka Caalamka ee OPEC.

Meydka Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka AMIS OM Oo Laga Helay Magaalada Muqdisho

     Meydka Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Mid owga Afrika ee AMISOM oo ka soo jeeda dalka Uganda ayaa waxaa la helay Guri uu ka degganaa Xarunta AMISOM ee Xalane ee M/Muqdisho.

Sarkaalka Meykiisa laga helay Xarunta AMI SOM ayaa magaciisa la gu sheegay Edward Bag onza,waxaana uu ahaa mid kamid ah kaaliya yaasha Taliyaha Booliska AMISOM ee Sooma aliya.

    Ilaa iyo hada lama oga waxa sababay Gee rida Saraalkaas ka tirsanaa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM kana soo jeeda dalka Uga nda,waxaana inuu dhintay xaqiijiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM,waxaana Meydki isa la helay 7-ka Bishan September.

      Sidoo kale ma jiro wax war ah faahfaahin ah oo laga bixiyay Geerida Edward Bagonza, waxaana uu kamid ah noqonayaa Saraakiil badan oo Uganda uga dhintay gudaha dalka Soomaaliya.

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Dib U Heshiisiinta Galmudug

     Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad G/Galmudug ayaa waxaa ka socda shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug,ka asi oo Khamiisitii la soo dhaafay uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

     Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Ergo ka la duwan oo dhammaan ka kala socota beela ha deegaannada Galmudug,kuwaasi oo ku su gan M/Dhuusamareeb.    

     Shir-weynaha ayaa inta uu socdo waxa ay reer Galmudug uga tashanayaan dhismaha do wad gobaleedka Galmudug iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda in maamulka ay dhisanayan uu noqdo maamul ku hoggaamiya waddada horumarka, xariir wa naagsanna la leh dowladda federaalka Soom aaliya.

     Warar la helayo ayaa waxaa sheegayaa in Shirka markii uu furay R/Wasaare Kheyre aan dib la isugu soo laaban,hayeeshee Shalay dib uu furmi doono Shirka,waxaana goobjoog ka noqonaya inta uu socdo Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Maxa med Cabdi Sabriye.

    Ammaanka guud ee M/Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay,waxaana sugida am niga iska kaashnaya Ciidamo gaar ah oo ka tir san dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Odayaasha Baladweyne Oo Ka Soo Horjees tay Amar Ka Soo Baxay Dowladda Feder aalka

    Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gob olka Hiiraan ayaa waxaa Shalay waxaa kulan ku yeeshay Odayaasha dhaqanka Hiiraan, waxaana kulankooda ay uga hadleen Amar dowladda ku bixiyay in Ciidamo looga qaado Magaalada Baladweyne.

Odayaasha dhaqanka M/Baldweyne oo warba ahinta la hadlay ayaa ka horyimid Amarka do wladda Soomaaliya ku bixisay in Ciidamo laga daabulo Baladweyne,isla markaana la geeyo deegaano ka tirsan Galgaduud gaar ahaan M/ Dhuusamareeb.

    Sidoo kale Odayaasha ayaa dowladda So omaaliya ku eedeeyay in faragelin ay ku heyso shacabka Magaalada Baladweyne,taasina ay tilmaameen in ay tahay wax aan dul-qaadan karin.

     Waxaa kaloo Odayaasha ay dalbadeen in Magaalada ay si deg deg ah uga baxaan Sar aakiil ka socota dowladda dhexe oo ku su gan Baladweyne,isla markaana Habeenhore halkaas gaar ay. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan ay ka soo horjeedaan in Ciidamo lagu daabulo Gobol ka Galgaduud.

     Ciidamada la sheegay in loo qaadayo Go bolka Galgaduud ayaa la sheegay in aysan hu beysneyn,hayeeshee dowladda ayaa sheegtay in wixii hub iyo agab ciidan ah loo dhameystiri doono marka ay tagaan deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug.

Kheyre Oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed

      Ra’iisul Wasaaraha XFS Md; Xasan Cali Khayre, ayaa Shalay guddoomiyay shirka gola ha Wasiirrada Dowlad Gobaleedka Koofur Gal beed oo looga hadlay dar-dar-gelinta shaq oo yinka tubaha Koonfur Galbeed.

Md;Khayre, ayaa she egay in ku shaqeynta tubuhu ay qeyb ka no qoneyso dejinta nid aam lagu      shaqeeyo mustaqbalka, loona baahan yahay in wadajir looga howl-galo si loo fududeeyo hir-gelinta halbeegyada tubaha ee muhiimka u ah u adeegidda Bulshada, gaaridda hadafyada waaweyn  ee Qarannimo iyo hir-gelinta himil ooyinka Bulshadu ay leeyihiin.

      R/Wasaaraha oo golaha Wasiirrada u sheegay in socdaalkiisa uu qeyb ka yahay dha geysiga Bulshada si loo helo fikirkooda horum arineed, wuxuuna intaa raaciyay in ay muhiim tahay wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo maamul Gobaleedyada si loo hirgeliyo qorsha yaasha horumarineed ee Shacabka lagu gaarsiinayo amni hagaagsan, caafimaad iyo waxbarasho tayo sare leh oo Lacag la’aan ah.

Md; Xasan Cali Khayre ayaa Madaxweynaha K/Galbeed ku ammaanay wax qabadka ballaa ran ee maamulkiisu qabtay intii uu xilka hayay iyo sida uu tusaalaha wanaagsan ugu yahay wada-shaqeynta Dowladda dhexe iyo maamul Gobaleedyada Dalka.

    R/Wasaaraha XFS, ayaa intaa ka dib korm eeray qaar kamid ah wasaaradaha  iyo Mada xtooyada DGK/Galbeed, wuxuuna howl wadee nnada wasaaraha ka xog wareystay hannaan ka ay u wadaan shaqada loogu adeegayo shacabka Koonfur Galbeed.

Trump Oo Ka Baxay Wada-Xaajoodyadii Uu La Lahaa Ururka Daalibaan

     Madaxweyne Trump oo Habeenhore hadlay ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyey Wada-xaajoody adii qarsoodiga ee ay la lahaayeen Hoggaami yayaasha Ururka Daalibaan, kadib, markii ay Kooxdaasi sheegatay mas’uuliyada weerarkii ka dhacay caasimadda Afganistan ee Kabul ee lagu dilay Askari Maraykan ah iyo 11 qof oo kale.

  Waxa kale oo uu baajiyey Shir Qarsoodi oo ay la yeelan lahaayeen Hoggaamiyayaasha u gu waa weyn Daalibasn, kaasi oo la filayaa inuu Shalay oo Axad ah ka dhacaan Dhism aha Madaxtooyada ee Camp David ee Gobal ka Maryland ee dalka Maraykanka. Donald Tr ump waxa kale oo uu tilmaamay inay u qorsha ysnayd inuu la kulmo Madaxweynaha    Afgan istan, Ashraf Qaani.

      Madaxweyne Trump oo qoraalo Taxane ahaa soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa she egay inaan Daalibaan la aamini Karin, maadaa ma ay sii wadaan dilalka, waa sida uu hadalka u dhigay.

      Wada-xaajoodyadii Nabadda ee Maraykan ka iyo Daalibaan ayaa u muuqda mid burbur ay, kaasi oo la filayaa in lagu soo af-jaro daga alka Afganistan iyo in Milliteriga Maraykanka ka soo baxay dalkaasi.

Si kasta ha ahaatee, Askarta Maraykanka ee sanadkan lagu dilay Afganistan waxay gaar ayaan 16 Askari.

Qaraxyo Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Lagu la Eegtay Sh/Dhexe & Khasaaro Ka Dha shay     Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabe ellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM Shalay laba qarax oo kala duwan lagula eegtay meel ku dhow Degmada Mahadaay ee Golkaas.

     Qaraxyada oo ahaa Miino nooca dhulka la gu aaso ah ayaa waxaa Ciidanka AMISOM la gula eegtay deegaan lagu magacaabo Buur ane oo ka tirsan Sh/Dhexe oo ay Saldhigyo ku leeyihiin Ciidamada,waxaana uu qaraxa dhacay xili halkaas ay ku sugnaayeen.

     Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxada oo soo gaaray Ciid anka AMISOM,waxaana Khasaaraha ugu bad an  uu ka dhashay qaraxa Koowaad.

Ugu yaraan Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa ku geeriyootay qaraxii ugu hore eyay,halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawac meen sida ay sheegeen dadka deegaanka.

      Sidoo kale qarax labaad ayaa haleelay Cii dano gurmad ahaa ugu socday Ciidankii lala qaraxa hore lala eegtay,waxaana ka dhashay Khasaaro,hayeeshee weli lama shaacin inta uu la egyahay.

       Intaasi kadib Ciidanka ayaa howlgal ka sa meeyay deegaanka Buurane oo hoostaga  De gmada Mahadaay ee G/Sh/Dhexe,isla markaa na waxaa kusoo qabteen dad u badan Dhalin yaro,kuwaasi oo ay uga shakiyeen falal amni darro.

      Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiishan Ciidanka AMISOM oo ay uga hadlayaan qaraxyadii Shalay ka dhacay dee gaanka Buurane ee Gobolka Shabeellaha Dhe xe,mana cid sheegatay Mas’uuliyada weera rkaas.

Ergooyin la kulmay Al-Shabaab oo lagu xiray Shabeellaha Dhexe

     Wararka laga helayo deegaano ka tirsan G/ Sh/dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciid amada Dowladda Soomaaliya ay deegaanka Ceel-Baraf ee Gobolkaasi ku xireen xubno ka mid ah ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka.

     Ergooyinka la xiray oo isugu jira rag iyo Dumar ayaa wararku waxa ay sheegayaan inay gaarayaan ilaa 50,kuwaas oo tegay dee gaanka Al-Kowsher ee degmada Aadan-Yab aal,isla markaana ay ka mid ahaayeen ergo oyinkii tegay deegaannada ay Maamulaan Al-Shabaab.

     Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in ergooyinka lagu xiray Ceel-Bar af loo diiday cuntadii iyo weliba inay la xiriiraan eheladooda,kuwaas oo dhibaatooyin culus ay soo wajaheen.

     Mas’uuliyiinta Maamulka G/Shabeellaha Dhexe iyo Saraakiisha ciidamada weli kama hadlin xariga Ergooyin ka mid ah kuwii soo xu lay Xildhibaannada GSh ,waana deegaankii 2a ad oo ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ee er gooyin lagu xiro,waxaana 7aadkii hore lagu xiray M/B/weyne ee Xarunta G/Hiiraan.


Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Gaaray Mag alada Harare Ee Dalka Zinbabwe

    Xidigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo guul Taariikhi ah ka gaaray Xulkii Zinbabwe lu gta 1aad ee Koobka  Adduunka oo ka dhacay Dalka Jabuuti,ayaa gaaray Magaalada harare ee Dalka Zinbabwe.

     Xiddigaha Bad-weynta (Ocean stars) ayaa Shalay caasimadda Zinbabwe ee Harare, iyagoona halkaas lagu soo dhaweeyay wax ayna ciyaari doonaan lugta 2-aad ee is-reere ebka Koobka Adduunka.

     Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsi yadda Soomaaliya Col; Maxamed Aadam Jimc aale Koofi qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray ayuu ku sheegay in kalsoooni weyn ay ku qabaan xulkeenna in guul kale oo Taariikhi ah ay ka gaaran Lugta labaad.

     kubaddu waa cad iyo madow  kalsooni weyn ayaannu ku qabnaa Xulka Qaranka So omaaliya sida geesinimada leh ee ay Calanka u difaacayaan wiilasheena”ayuu yiri  Col; Max amed Aadam Jimcaale Koofi .

      Ciyaartooyda iyo Macallimiinta Xulka Kub adda Cagta Soomaaliya ayaa 1-0 kaga adkaa day xulka Zimbabwe, kadib ciyaar is-reeb-reeb ahayd oo ku dhex martay Dalka Jabuuti, taasi oo loogu diyaar garoobayo Koobka Adduunka ee 2022 oo ka dhici doono  Dalka Qatar.

RW Kheyre Oo Lacag Badan Ku Wareejiyay Bahda Isboortiga Koonfur Galbeed

    R/WasaarahaXFS, Md. Xasan Cali Khayre, ayaa dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ku wareejiyay 150,000 Doolar oo lagu horumari nayo garoonka ciyaaraha Dr. Abuub ee maga alada Beydhabo.

    Garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub ee casriyeyn ta lagu sameynayo ayaa qayb ka qaadanaya is-dhexgalka bulshadda, horumarinta ciyaa raha iyo soo saarista dhalinyaro leh xirfad ciya areed wanaagsan oo qaranka ku matala tarta mada caalamiga iyo kuwa heer gobol.

      Wasiirka Ciyaaraha Koonfur Galbeed, Cali Dhuux, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay taageerada dhaqaale ee uu ugu deeg ay barnaamijka horumarinta garoonka ciyaar aha magaalada Beydhabo.

R/Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maalin ka hor, isaga oo la hadlaya kumannaan ka tirsan bulshada Beydhabo ayaa ballaan qaaday in la horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub si dhallinyaradu ay u helaan fursad ay ku hor umariyaan xirfaddooda ciyaareed.

Wadatashi ku saabsan Arrimaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo lagu qabtay Muqdisho

     Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nu ur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo ka qeyb galay Kulanka Wadatashiga Arrimaha Web iyada dal ka oo Shalay lagu qabtay magaalada Muqdi sho ayaa sheegay in Guddiga Dowl adda ee arr inkan u xilsaaran in lagu sugayo sahan dhamm eystiran iyo siyaasadda ku aa ddan ka faaiide ysiga wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

      Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Khuburo ka tirsan Jaa macadaha dalka, Guddiga Diblumaasiyadda Biyaha Xuduudaha ka Gudba iyo Wasaarada ha la shaqeeya, Xubno ka tirsan Bulshada Ray idka ah iyo Xeeldheerayaal Soomaaliyeed oo ku takhasusay khayraadka biyaha ayaa lagu soo bandhigay talooyin wax-ku-ool ah oo ku wajahan diyaarinta siyaasadda biyaha, hanna anka wadaagga biyaha xuduudaha ka gudba ee dalalka dariska ah iyo tayeynta Guddiga he er Qaran ee arrinkas u xilsaaran.

       "Shirkani diirada ma saarayo biyaha webiy ada oo kelliya ee waxa uu ku saabsan yahay in aan yeelanno siyaasadda ka faaiideysiga biy aha. Waxaa muhiim ah in aan kala hadalno dal alka aan deriska nahay sidii aynu u wadaagi la hayn biyaha wabiyada ee naga dhexeeya, taas na waxaa aasaas u ah in aan marka hore wad atashi iyo xog-isweydaarsi dhexdeenna ah ka yeelanno” Ayuu yiri Dr.Fuursade

      Agaasimaha ayaa tilmaamay in ay nasiib darro tahay in dadka Soomaaliyeed ay la noola adaan abaaro iyo caqabado biyo yaraan ah, iy adoo dalkeennu uu kulaalo xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika, sidoo kalena ay ku burqama an wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Taliska Qeybta 21-Aad Ee CXD Iyo Kuwa Ja buuti Oo Ka Wada Hadlay Dagaal Ka Dhan Ah Al-Shabaab

M/Baladweyne ee Xarunta G/Hiiraan ayaa wax aa kulanka ku yeeshay Saraakiisha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalkq iyo Saraakiisha Ciidanka Jabuuti ee Hiil Walaal ee ku sugan Baladweyne.

     Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Xaaladaha ami ee maamulada Galmu dug iyo Hirshabeelle iyo Qorshaha Howlgalada lagu xoraynayo Deeganada Al-shabaab ay ka joogaan Galmudug. Saraakiil Sare oo ka tirsan Qaybta 21aad oo uu Hogaaminayo Taliyaha Qaybta General C/Casiis Cabdullaahi Qoo je, isla markaana ay wehlinayaan Taliyaha Guu tada 13aad G/Le Craxmaan Moalim "Timadhe ere” , Taliyaha Guutada 15aad General Mascu ud Maxamed iyo Taliyaha Ururka 21aad ee Da nab  G/Le Muqtaar Abdulle ayaa saraakiisha AMISOM ee Jabuuti kaga Warbixiyay Ujeeda da socdaalkoodka  iyo Howsha ciidanka qay bta 21aad ay ka wadaan Deegaanada Galmu dug ee Bilaawga u ah Qorshaha Dagaal ee lag u wajahayo Deeganada A-lshabaab ay joogaan

    G/le sare C/Raxmaan Riyaale Xareed tali yaha shanaad ee hiil walaal ayaa Boqashada saraakiisha 21aad ee baladweyn ku tilma amey arrin Bilaaw u ah isku xirka Ciidanka iyo ka abaal gudida soo dhoweyntii 21aad ey u sa meysay ciidanka jabuuti ee ku sugan magaa lada Dhuusamareeb.

       Taliyaha qaybta 21aad general cabdica siis claahi "qooje” ayaa ka waramay Ahmiyada kul ankan iyo Howlaha ay ka wadaan Maga alada Baladweyne ay ka wadaan.

      Ciidamadan ayaa Qayb ka Noqonaya Ho wlgal balaaran oo Dhawaan lagu wajahayo Deeganada Al-shabaab kaga sugan yihiiin dee gaanada Galmudug Iyo Hirshabeelle.

Nin Shabaab ah oo Habeenhore ka baxsaday Saldhiga Degmada Waaberi

      Wararka aan ka helayno Degmada Waab eri ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Habeenhore Saldhiga Degmadaasi uu ka baxsaday nin ka mid ahaa Maxaabiista ku xirnaa Saldhi gaasi.

    Ninkaan Maxbuuska ah ayaa baxsaday xilli askarta Saldhiga ku sugnayd ay fadhiyeen iri da hore ee Saldhiga, islamarkaana waxaa erya day mid ka mid ah askartii Banaanka joogtay oo rasaas kor u riday, ugu dambeyna soo qa ban waayay.

     Askari kale oo aan aheyn kii xabada dusha sare u riday ayaa la sheegay inuu qabtay nin ka maxbuuska ah, balse muddo Shan daqiiqo ah oo ay dagaalamayeen askariga & Maxbuus ka, islamarkaana shaqsiga maxbuuska uu la qabsaday qoriga ugu dambeenna askarigii uu sii daayay maxbuuskii.

      Maxbuuska ah ayaa la sheegay inuu Sha baab ka tirsanaa, islamarkaana ay u suuraga shay gabi ahaanba gacanta Ciidanka & Saldh iga inuu ka baxsado.

     Taliyaha Saldhiga Degmada Waaberi oo la gu    magacaabo Maxamed Mooshin, ayaa la sheegay inuu 20 daqiiqo kadib yimid, isla mar kaana uu canaan ku bilaabay askartii shaqada ku qornayd & askarigii haayay furaha qolka maxbuuska ku xirnaa.

      Saldhiga Booliska Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa aad u habacsan, waxaana ask arta ku sugan lagu eedeeya kuwa aanay feejig naan ka muuqan.

Xigasho:-dhacdo/com

 



Bogga5aad


 

 


Monitoring and Evaluation Senior Associate

Job categories Audit

Vacancy code VA/2019/B5017/18473

Department/offices, PSC, Somalia Project Unit

Duty station Mogadishu, Somalia

Contract type



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip