Faah faahin:-Qaraxyo lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM

0
Sunday September 08, 2019 - 21:58:09 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin:-Qaraxyo lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM

    Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in degaanka Buurane Maanta qaraxyo khasaaro geystay lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Qaraxyada oo ahaa Miinada noocad hulka lagu Aaso ah ayaa goob

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in degaanka Buurane Maanta qaraxyo khasaaro geystay lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Qaraxyada oo ahaa Miinada noocad hulka lagu Aaso ah ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in lagu aasay meel u dhow Saldhiga ay ku leeyihiin deegaanka Buurane ee degmada Mahadaay,isla markaana qaraxyada oo laba ahaa ay ku geeriyoodeen Afar Askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxa koowaad kadib Ciidamo gurmad ahaa lala eegtay ay la kulmeen qarax kale,kaas oo geystay khasaaraha ugu badan ee gaaray Ciidamada AMISOM. Qof ka mid ah dadka ku nool deegaanka Buurane ayaa Risaala u sheegay in qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ay sameeyeen howlgallo,isla markaana ay xir xireen dhalinyaro ka mid aheyd dadka deegaanka. Majirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxyada Maanta deegaanka Buurane lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM,hayeeshee qaraxyada noocaas oo kale ah ayaa waxaa inta badan mas'uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip