Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Boutros-Boutros Ghali oo geeriyooday

0
Tuesday February 16, 2016 - 22:01:48 in Wararka by
  • Visits: 624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Boutros-Boutros Ghali oo geeriyooday

    Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Boutros-Boutros Ghali oo u dhashay Masar ayaa geeriyooday, sida uu xaqiijiyay Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Boutros-Boutros Ghali oo u dhashay Masar ayaa geeriyooday, sida uu xaqiijiyay Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Mr Boutros Ghali ayaa da’diisu aheyd 93 sano jir ah, waxaana uu ahaa ninkii u horeeyay ee Carab ah oo qabta xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Waxaa uu xilka qabtay sanadkii 1992, waxaana mudadii uu xafiiska joogay uu la kulmay culeysyo xilligaas jiray, sida colaado sokeeye oo qaar ka mid ah dalalka Afrika ka socdeen iyo xiisadaha ka jiray Bariga Dhexe.

Eedeymaha dhif iyo naadirka loo soo jeedin jiray waxaa ka mid ahaa in uusan waxba ka qaban xasuuqii Rwanda ee dhacay sanadkii 1994.

Intii uu xafiiska joogay ayaa waxaa Qaramada Midoobey ciidamo u dirtay Soomaaliya sanadkii 1993, xilligaasoo dalka dagaalo sokeeye ka jireen.

Boutros Ghali ayaa horay u soo noqday Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Masar sanadkii 1977, xilligii uu Madaxweynaha ahaa Anwar Sadat

Boutros Boutros -Ghali

Xubnaha 15-ka dal ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa hal daqiiqo u aamusay markii uu Madaxweynaha Golaha Ammaanka uu ku dhawaaqay geeridiisa.

Lama shaacin xanuunka uu u geeriyooday, hase ahaatee khamiistii la soo dhaafay Madaxweynaha Masar Abdelfatah Al-sisi ayaa Taleefan kula hadlay, markii Isbitaal la dhigay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip