Mid ka mid ah diblomaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya oo Hargeysa ka degay + Sawirro

0
Tuesday February 16, 2016 - 20:18:51 in Wararka by
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah diblomaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya oo Hargeysa ka degay + Sawirro

    Magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay mid ka mid ah biblomaasiyiinta Soomaaliya ugu caansan, waxaana halkaasi uga bilaabatay booqashooyin uu ku kala bixinayo gobolada Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay mid ka mid ah biblomaasiyiinta Soomaaliya ugu caansan, waxaana halkaasi uga bilaabatay booqashooyin uu ku kala bixinayo gobolada Somaliland.

Ambassador Maxamed Cali Ameeriko oo ahaa safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta ballaaran oo ay u sameeyeen siyaasiyiin, aqoonyahano iyo bulshada Somaliland oo uu sheegay inay tahay booqashadiisa mid galeysa taariikhdiisa.

Maxamed Cali Ameeriko oo muddo shan maalin ku sugan magaalada Hargeysa ayaa kormeer ku tegay magaalooyin ay ka mid tahay Berbera, isla markaana kulamo la qaatay bulshada ku dhaqan halkaasi.

"Booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Somaliland waxay qeyb ka tahay socdaalkeyga nabadda, waxaana ku faraxsanahay sida quruxda badan ee ay ii soo dhoweeyeen walaalaheygaā€¯ ayuu yiri Ambassador Maxamed Cali Ameeriko.

Diblomaasigaan ayaa mudadii uu safiirka ahaa waxaa lagu xusuustaa inuu u hiilliyay Soomaali ku dhibaateysneyd dalka Kenya, isagoona dadaallo fara badan u galay sidii Dowladda dalkaasi dhibaatooyinka uga dulqaadi lahayd Kumannaan Soomaali ah.

Dhinaca kale booqashada safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya ayaa ku soo beegmeysa xilli uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo Jamhuuriyadda Somaliland, inkasta oo ay socdaan dadaallo labada dhinac lagu heshiisiinayo.

123456

8

xigasho;-somaliweyn.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip