Isbitaalka laansareeti oo lagu soo kordhiyay qeybta daryeelka hooyada iyo dhallaanka

0
Tuesday February 16, 2016 - 19:26:08 in Wararka by
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbitaalka laansareeti oo lagu soo kordhiyay qeybta daryeelka hooyada iyo dhallaanka

    Munaasabadaan ayaa ujeedkeedu ahaa furitaanka dib u dayactir lagu sameeyay xarunta daryeelka Hooyada iyo dhalaanka ee isbitaalka Laasareeti ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadaan ayaa ujeedkeedu ahaa furitaanka dib u dayactir lagu sameeyay xarunta daryeelka Hooyada iyo dhalaanka ee isbitaalka Laasareeti ee magaalada Muqdisho.

Maxamud Xasan Mooge Xiriiriyaha Gobolka Banaadir ee hay’ada EUTM ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay tahay deeq yar oo wax weyn tari doonto isbitaalka, gaar ahaan qeybta hooyada iyo dhallaanka oo maanta dib loo furay.

Agaasimaha Cusbitaalka Laasareeti Drs Faadumo Cabdi Macow ayaa ka mahadcelisay dib u dayactirka lagu sameeyay qaybta hooyada iyo dhallaanka, taasi oo gacan ka geysan doonta daryeelka Hooyada iyo dhallaanka.

Drs Mina Xasan Shibis oo ka mid ah Ururka Dhaqaatiirka ayaa tilmaantey in baahi weyn loo qabo helitaanka qeyb lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka, waxaana ay ku baaqday in dib u dhis lagu sameeyo xarumaha danta guud ee loogu adeegayo bulshada.

Col Pernaardo oo ku hadlaayey magaca Ciidamada Talyaaniga ee hirgeliyey Dayactirka ayaa sheegay in aysan ahaan doonin tii ugu dambeysey ee ay u qabtaan bulshada Soomaaliyeed, ayna diyaar u yihiin inay joogteeyaan dib u soo nooleyta adeegyada guud ee bulshada.

Gudoomiya Degmada C/siis Cusmaan Muxyadiin Cali ayaa u mahadceliyey Ciidamada Talyaaniga ee qeybta ka ah ciidamada Midowga Yurub ee tababbarada siiya ciidamada xoogga dalka dib u dayactirka ay ku sameeeyen qebta hooyada iyo dhallaanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip