Imaam Maxamed Yuusuf oo dhagax dhigay waddo isku xirta Muqdisho iyo Hobyo

0
Tuesday February 16, 2016 - 19:21:42 in Wararka by
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaam Maxamed Yuusuf oo dhagax dhigay waddo isku xirta Muqdisho iyo Hobyo

    Munaasbada xariga looga jaraayey hirgalinta waddo cusub oo isku xiri doonta magalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ka qeyb galey Imaam Maxamed Yuusuf Cali, Gudoomiyeyaasha gobolada Baandir iyo Shabeelad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasbada xariga looga jaraayey hirgalinta waddo cusub oo isku xiri doonta magalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ka qeyb galey Imaam Maxamed Yuusuf Cali, Gudoomiyeyaasha gobolada Baandir iyo Shabeelada Dhexe, Ugaasyo, Malaaqyo, Nabadoonno, Ganacsato, haween, Siyaasiyiin iyo ingineero ku howlan dhismaha wadadan oo laami casri ah la saarayo.

Wadadan oo uu dhagaxdhigey Imaam Maxamed Yuusuf ayaa isla maanta waxaa ka shaqo bilaabey gawaarida lagu falo geedaha iyo kuwa qashinka qaada, oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo ku tabarucay in loogu adeego dhismaha wadadan oo 560km ah, waxaana goobta lagu soo bandhigay sanduuq ay dadka kaga qeyb qaadan kaaran dhismaha waddadan, iyadoo ay hirgelinayaan Nabadoono iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Xaaji Cabdi Imaan Cumar oo ah hormuudka waxgaradka hirgelinaya dhismaha wadadan iyo Axmed Cumar Calasow oo ka mid ah injineerada dhismaha ayaa si wada jir ah u tilmamay in waddadan ay muhiim u tahay bulshada degta Gobolada dalka.

Malaaqa Xamar iyo Xamar-daye Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Fara cadde iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa xusay in bulshada looga fadhiyo inay ka qeyb qaatan dhismaha waxyaabaha danta guud.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Xuseen Guudlaawe ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay ka qeyb qaadan doonan dhismaha wadadan, ayna ku baaqayaan in si wada jir ah looga qeyb qaato.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa bixiyay lacag 50-kun oo doolar ugu tabarucay dhismaha waddada bilow u noqon doonta, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo dhagax dhigay waddada ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan dib u dhiska waddadan isku xiri doonto Muqdisho iyo Hobyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip