Akhriso:-Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo fuliyay baaqii Beesha Caalamka

0
Monday August 19, 2019 - 20:22:19 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo fuliyay baaqii Beesha Caalamka

    Kulan ay Magalada Kismaayo Ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ku yeesheen Xubnaha Guddoonka cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Guddiga Doorashada ayaa waxaa ay siwadajir ah isugu raaceen in Baarlamaanka lagu wareejiyo howl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ay Magalada Kismaayo Ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ku yeesheen Xubnaha Guddoonka cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Guddiga Doorashada ayaa waxaa ay siwadajir ah isugu raaceen in Baarlamaanka lagu wareejiyo howlaha doorashada Madaxweynaha Jubbaland. Kulankooda kadib qoraal ay soo saareen ayaa waxa ay ku sheegeen in Guddiga doorashada uu xaq u leeyahay hoggaaminta doorashada,hayeeshee ay tixgeliayaan baaqii Beesha Caalamka ee aha in uu muuqdo doorka Baarlamaanka ee doorashada inay Baarlamaanka ku wareejiyeen. Waxaa sidoo kale ay qoraalkooda ku sheegeen in an waxba laga bedelin habraacii iyo jadwalkii horay loo dejiyay ee doorashada,hayeeshee Guddiga doorashada ay Baarlamaanka kala Shaqeynayaan dhinaca farsamada & howlaha kale ee looga maari waayo. Hoos Ka Akhriso qoraalka ay soo saareen Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland & Xubnaha Guddiga doorashooyinka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip