HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 19-KA AGOOSTO 2019-KA

0
Monday August 19, 2019 - 09:48:28 in Wararka by
  • Visits: 453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 19-KA AGOOSTO 2019-KA

    CABDIRAXMAAN C/SHAKUUR OO LAGU SOO DHAWEEYAY DHUUSAMAREEB Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa xalay gaaray Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame iyo wafdi uu hogaaminayo,iyadoo hal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CABDIRAXMAAN C/SHAKUUR OO LAGU SOO DHAWEEYAY DHUUSAMAREEB Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa xalay gaaray Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame iyo wafdi uu hogaaminayo,iyadoo halkaasi lagu soo dhaweeyay. Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa markii uu gaaray C/raxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa kusoo dhaweeyay dad isugu jiray dhalinyaro,Haween iyo taageerayaal badan oo ku sugan halkaas. Sidoo kale Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi shakuur ayaa maalmihii la soo dhaafay socdaal ku marayay deegaano ka tirsan Galmudug,isagoo Shir uga qeyb galay Magaalada Cadaado. Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Socdaalka uu ku tegay Dhuusamareeb waxaa noqonayaa markii labaad,waxaana ugu dambeysay sanadkii 2016kii. Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Madax badan dowladda Soomaaliya iyo inta badan Ergada ka qeyb galeysa Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug,kaasi oo lagu wado inuu ka furmayo halkaas.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WADAHADALLO LA YEELANAYA DHIGGIISA DALKA JABUUTI

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee Caas imadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa wa xaa Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaraaha Jamh uuriyadda Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Isgaarsiinta iyo xubno ka tirsan Goley aasha Xukuumadda Jabuuti.

2da Madaxweyne ayaa wada hadallo ka yeelanaya xaaladaha siyaasadeed, am ni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya laba da Jamhuuriyadood.

Booqashadan ayaa salka ku haysa ara gti wadaagga ku saleysan iskaashiga, wad ajirka, danwada agga iyo xiriirka soo jireen ka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Boostada iyo Isgaars iinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtoyada Nuur Diiriye Xirsi (Fursade).

HIRSHABEELLE OO HADASHAY CABSI LAGA QABO INUU FATAHO WEBIGA SHABEELLE

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleed ka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu mamnu ucay in doomaha lagu dhexmaro Webiga Shabeelle ee mara qeybo kamid ah Gob olka Shabeellaha Dhexe.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle ayaa sheegtay in laga cabsi qabto inuu fatahaad sameeyo Webiga Sha beelle,waxaana Wasaaraddu xustay inay saameyn Webiga ku yeelan karto dooma ha lagu dhexmaro.

Wasiir kuxigeeka Beeraha iyo Waraa bka Hirshabeelle Xildhibaan Maxamed Ba shiir Daqarre oo Shir Jaraa’id ku qabtay M/ Jowhar ayaa waxaa uu shee gay in xiligan laga Cabsi qabo fatahaada Webiga Shab eelle.

Sidoo kale Wasiir kuxigeeka ayaa dig niin u diray dadka furaya Meelaha Caratu urka ah ee loo sameeyay inuu Webiga ma ro,waxaana uu tilmaamay in dadkaas laga qaado tallaabo adeg.

Isaga oo sii hadlaayay Xildhibaan Ma xamed Bashiir Daqare ayuu baaq u diray dhammaan dadka Madaxda ka ah Kanaal ada inay iska soo diiwaangeliyaan Wasaa radda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

QARAX KHASAARO GEYSTAY OO KA DHACAY GOOB AY KA SOCOTAY XAFLAD AROOS

Qarax ka dhacay Magaalada Kabul ee caasimada Afqanistaan ayaa waxa dha shay khasaaro.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday goob ay ka socotay xaflad aroos ,waxaana laga cabsi qabaa in khasaaro badan uu jiro. Dad goobjogayaal ah ayaa BBC u she egay in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu is qarxiyay xilli lagu guda jiray xafladda arooska.

Goobjoogayaasha ayaa waxay sidoo kale sheegeen in ay arkeen maydad. Dee gaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa u badan dadka haysta madhabta Shiicada.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyada qaraxan oo ka dhacay bariga caasimada Kabul. Xiisad ayaa si aad ah u kacsanayd inkastoo ay jirto in Mareykanka iyo Taalib aan sida la sheegay ay qarka u saaran yihiin heshiis nabadeed.

Qaraxan Ayaa ku soo beegamaya iya da oo 10 maalood ka hor qarax xooggan lala beegsaday afaafka hore ee salhig bo oliis oo ku yaalla magaalada Kabul, waxa ana ku dhintay 14 qof.

FAAH FAAHIN:SARKAAL CIIDAN OO LAGU DILAY MAGAALADA JOWHAR

Kooxo hubeysan ayaa habeen hore Magaala da Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle waxaa ay ku dileen Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidanka dowladda Sooma aliya oo ku sugnaa Magaaladaas.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsanaa Jowhar,isla markaana waxaa Sarkaalka u geystay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado,kuwaasi oo goobta ka baxsaday.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Ci idamo Booliska ay tegeen goobta uu falka ka dhacay,iyadoo halkaas ka qaaday Meydka Saraalka la dilay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku da rayan in Ciidanka dowladda habeen hore Jowhar ay ka sameeyeen Howlgal lagu raadinayo ragii fuliyay dilkii ka dhacay halkaas, hay eeshee weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Jowhar.

Alshabaab ayaa sheegtay Mas’uuliy ada dilkii loo geystay Saraalka ka tirsanaa Ciidanka dowladda,iyadoo sheegay in ra gii fuliyay dilka ay horey usoo qaateen Qo ri A74 uu watay Sarkaalka.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hi rshabeelle ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan,waxaana inta ba dan Mas’uuliyadooda sheegta Alshabaab

HOWLGAL DAD LAGU SOO QABTAY OO LAGA SAMEEYAY XAAFAD KA TIRSAN MUQDISHO

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska DFS ayaa habeen hore waxaa ay howlgal ka sameey een Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshi id ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalka intiisa bad an ka sameeyeen Xaafadda Juungal ee degmadda Yaaqshiid,isla markaana wax aa ay kusoo qab qabteen dad u badan Dhallinyaro,kuwaasi oo ku sugnaa Juun gal. Dadkii lagu soo qabtay Howlgalka ay aa waxaa la sheegay in Ciidamada ay isu gu geeyeen goob barxad,iyagoona weyd iinayay Su’aallo dhowr ah oo la xiriira dhanka amniga,isla markaana qaarkood sii daayay dhallinyarada.

Sidoo kale inta uu howlgalka socday ay aa Ciidanka dowladda waxaa ay baarita anno ku sameenayeen Guriyo ku yaalla Xaafaddo ka tirsan Degmada Yaaqshiiq ee Gobolka Banaadir.

Howlgalkii habeen hore Ciidanka dowladda ay ka sameeyeen Degmada Yaaqshiiq ee Go bolka Banaadir ayaa waxaa uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga degmooyinka Gobolka Banaadir.

FALASTIINIYIIN LAGU DILAY MARINKA GAZA

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in 3 nin oo Falastiini ah ay ku dhinteen mid kalana uu dhaawacmay ka dib marki ay toogteen ciidamada Israil Axadda shalay ah.

Bayaan kasoo baxay milatariga Israel ayaa lagu sheegay in diyaaradaha qumaa tiga u kaca iyo taangiyadooda ay bartilma ameedsadeen koox Falastiiniyiin ah oo hu beysan oo tagay xadka waqooyi ee Marin ka Gaza.

Dhacdadan ayaa timid saacado ka dib marki xoogaga Falastiiniyiinta ee Gaza ay 3 gantaal ku tuureen dhinaca Israel. Ciid amada Israil waxay sheegeen in gantaalla da aysan geysan wax khasaara ah.

PUNTLAND OO SOO BANDHIGTAY KHAMRI FARABADAN & DAD LAGU SOO QABTAY

Magalada Boosaaso ee Xarunta gobo lka Bari ee Maamulka Puntland waxaa Ma anta lagu soo bandhigay mandooriyaha Khamriga oo aad u fa radan iyo dad la she e gay inay ahaayeen ku wo Khamrigaas ka Ga nacsanayay oo isugu jira rag iyo dumar.

Khamriga oo uu ku jiro dhalooyin iyo caagado farabadan ayaa waxaa la geeyay Xarunta Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari si xukun loogu rido dad Kha mrigaas lagu soo qabtay, kadib howlgal Ci idamada Booliska Puntland ay ka samee yeen Magalada Boosaaso.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamed oo ka hadlayay go ob fagaaro ah oo Shalay Khamriga lagu burburiyay ayaa sheegay in Magalada Bo osaaso iyo deegaannada kale ay weli ku harsan yihiin dad ka ganacsanaya,sidoo kalena isticmaalaya,kuwaas oo noocyo kale duwan leh.

Waxaa uu sheegay in dadka ka Ganac snaya maandooriyaha Khamriga ay ula dagaalami doonaan AlShabaab iyo Daac ish,waxaana Maxkamada Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari uu ka dal baday in xukmiso Gurigii lagu arko, iyada lagu iibinayo Khamriga lala wareegayo.

XISBIGA WADANI OO KA BAXAY HESHIISKII XISBIYADA SOOMAALILAND

Xisbiga Mucaaradka ee WADANI ee Soomaaliland ayaa Maan ta waxaa uu ku dhawaaq ay inuu ka baxay heshiiskii ay la galeen Xisbiyada KU LMIYE iyo UCID oo la xirii ra dhinaca doorashooyin ka oo khilaaf xoogan uu ka taagnaa mudo dhowr bilo od ah. Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xi rsi Cali Xaaji Xasan oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magalada Har geysa ayaa waxa uu sheegay in sababta ay heshiiska uga baxeen ay tahay in qod obadii qaar ee lagu heshiiyayuu jebiyay Xisbiga Kulmiye oo hadda ah kan haya talada Soomaaliland.

Waxaa uu sidoo kale hadalkiisa intaasi ku daray in sababta ay tallaabadaan u qaa deen ay timid,kadib hadal daraad kasoo ye eray lataliyaha dhinaca Sharciga ee Gol aha Wakiilada,waxaana uu sheegay in he shiiskaas uu qorsuhu ahaa in la horg eeyo golaha Wakiilada si ay u ansixiyaan ama u diidaan.

Ugu dambeyn Hogaamiyaha Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan waxaa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray lataliyaha dhina ca Sharciga ee Golaha Wakiilada Soomaa liland ay mas’uul ka yihiin xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Si kastaba daraad ayaa heshiiskaas ay horay u wada gaareen sadexda Xisbi ee Soomaaliland oo kala ah WADANI, KULM IYE iyo UCID la horgeeyay Baarlamaanka Soomaaliland,hayeeshee dood dheer ka dib ay goluhu laaleen qodob ka mid ah he shiiska Saddexda Xisbi.

PARIS '' SHAQAALE LOO DILAY SANDWICH LA GA DALBADAY OO UU LA SOO DAAHAY

Waxey aheyd toogasho la yaab leh ka dib markii qof macmiil ka ahaa maqaayad ku taala magaalada Paris uu ku taagtay qofka ka tirsanaa shaqaalaha Maqaayada oo la soo daahay dalab cunno uu ka dal baday

Ninka toogashada geystay ayaa la she egay in uu shaqaale ka tirsanaa maqaaya da uu u dirsaday in uu u soo sameeyo Sandwich balse laga soo daahay, isaga oo doonayay in deg deg loogu keeno cu nnada uu dalbaday.

Qofka toogashada geystay ayaa ka baxsaday goobta kumana aysan guuley san Booliisku in ay gacanta ku dhigaan, iy aga oo sheegay in uu soconayo baaritaan arintan ku saabsan.

Gaari ambalaas ah ayaa isku dayey in 28 jirkaan dalab qaadaha ka ahaa maqaay adda uu badbaadiyo, balse ninkan oo mad axa laga toogtay ayaa ku dhintay isla goob tii lagu toogtay.

Dadka deegaanka oo siweyn uga xu maaday dilkan ayaa ku tilmaamay shaqa alaha maqaayada kuwo aad u degan, iyaga oo intaa ku daray in la furay dhowr bilood uun ka hor.

WAA MAXAY CAQABADDAHA HORTAAGAN SHIRKA DIB U HESHIISIINTA MAAMULKA GALMUDUG?

Guddiga dib u heshisiinta maamulka Galmudug ayaa wadda dadaallo kala du wan oo lagu doonaayo in lagu furo Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo markii labaad dib u dhac ku yimid.

Qaar ka mid ah beelaha degan maamulka Galmudug ayaa wa li diidan in ay ka qe yb galaan Shirka maamulka Galmu dug, waxaana ay sheegeen in ay qabaan tabashooy in ku aadan hann aanka dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku waddo dhismaha maamulka G/mudug.

Caqabadaha ugu weyn waxaa ka mid ah Ammaanka xarunta shirka Dib u he shiisiinta maamulka Galmudug oo wali aan Ciidan rasmi ah lagu wareejin taasoo keen tay in Boolis iyo nabadsuggid ay ku dagaal lamaan.

Guddoomiyaha Guddiga u dib u heshiis iinta maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Baadiyow oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dhammaan Ergooyinkii ka qeyb galaayay Shirka ay soo gaareen M/Dhuusamareeb, islamarkaana maalm aha soo socda uu furmi doono Shirka.

BOQOLAAL QOF OO DIBADBAX KU MARAY WADDOOYINKA HONG KONG

Dadkaan dibadbaxyada dhigaya ayaa waxaa ay dalbanayaan in jaziirada Hong kong ay noqoto jaziirad si dimuqradiyad ah dadka ay wax ku maamulaan waxaan ayaa sidoo kale ay dalbanayaan in cafis loo fidiyo dhammaan dadkii loo xiray dib adbaxaa.

Tobonaan kun oo dibad baxayaal ah ay aa isugu soo baxay waddooyinka waa wayn ee magaalada Hong Kong waxaa ay maalinkii labaad ay waddadaan dibad ba xan ay ku doonayaan in shiinaha aan la hoos gayn maamul ahaan jaziiradaa,

Dad ayaa waxaa ay xireen dhammaan waddooyinka soo gala garoonka diyaarad aha magaaladaa iyadoo dhammaan la ba ajiyay duulimaadyadii imaan jiray iyo kuwii ka tagi jiray magaaladaa waxaan sidoo ka le xayiraad ay ku sameeyeen dhammaan qadadkii tareenada ee magaaladaasi kashaqayn jiray.

Dowladda shiinaha ayaa ciidamo dhee raad ah waxaa ay u diraydaa jaziiradaa si looga hor tago dadkaan dibad baxyada ka dhigaya magaaladaa

MAS’UULIYIIN KORMEERAY GAROONKA STADIUM MUQDISHO

Siihayaha Duqa Muqdisho Ahna Gudd oomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliy ada Md.Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibra ahim Dheere) iyo Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigilinta Maam ulka G/Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakett) ayaa shalay kormeeray Garoonka Stadium Muqdisho.

Garoonka ayaa waxaa ka socday dayac tir aad u ballaaran Oo lagu soo celinayo Bilicdii uu lahaa Bariisamaadkii,isla marka ana dib looga bilaabo tartamadii Kubadda Cagta ee lagu qaban jiray wixii ka horee yay burburkii dalka.

Gudoomiye kmg ah Md.Ibraahim Oo ka hadlay ayaa sheegay in maamulka G/Ba naadir ay ka go’an tahay inuu wax ka qab to ka Shaqeeynta meelaha muhiimka u ah Bulshada,isla markaana ay ka qeyb qaad an doonaan dhismaha Garoonka.

Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ayaa mudo dhowr sano ah wax aa ay Xero Ciidan u aheyd Ciidamo ka tir san kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, iyada oo AMISOM ay ka guu reen 28kii Bi shii Agoosto ee sanadkii 2018.

MAXKAMADA SARE EE CIIDAMADA QALABKA SIDA OO XUKUN DIL AH KU RIDAY 3NIN

Maxkamada sare ee ciidamada Qalab ka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday shalay Saddex askari oo ka kala tirsanaa ciidamada xoogga dalka, kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Nabadsugida Baydhabo.

Labo ka mid ah raggan oo magacyado oda lagu kala shee gay C/waaxid Cali Shiikh Aadan oo ka tirsanaa ciidamada xoogga iyoXusseen Cali Macallin Iimaan oo ka tirsanaa Dar aawiishta Koonfur Gal beedayaa dhowaan ku dilay duleedka Magaalada Baydhabo Muxudiin Maxamed C/raxmaan.

Ninka sadexaad oo isna la yiraahdo C/r axmaan Cali Xuseen oo ka tirsanaa Nab ad Sugida Baydhabo ayaa isna dil lagu xukumay, Kadib markii ay Maxkamaddu ku heshay inuu dilay Marxuum lagu Mag acaabi jiray Maxamed Cali Maxamed.

C/waaxid Cali Shiikh Aadan iyo Xuseen Cali Macallin Iimaan ayaa Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 60aad waxay 28kii Bishii Ju ly ee sanadkii 2018 ku riday xukun dil ah, waxay racfaan ka qaateen xukunkaas, ba lse Shalay ayey Maxkamada sare ku raa cday xukunkii hore ee Maxkamada Ciida mada qalabka sida ee ahaa in lagu fuliyo dil toogasho ah.

WASIIRKA WARFAAFINTA OO SHALAY SHIR KA FURAY MUQDISHO

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Ma xamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si ra smi ah magaalada Muqdisho uga furay shirka Wadatashiga Wasiirrada Warfaafin ta Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirkan oo socon doona mudada Afar ta cisho ee soo socota ayaa waxaa Goobj oog ka ah Wasiirrada Warfaafinta Hirshab eelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Pu ntland oo ay wehliyaan Agaasimeyaasho oda Guud iyo Agaasimeyaasha Warbaa hinta Dowladda heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saara yaa Howlaha Istiraatiijiyada wacyigelinta Qaranka ,Wada shaqeynta Wasaaradaha he er federaal iyo Dowlad Goboleed iyo Qodobo kale , iyada oo gebagabada shi rkaas Warmurtiyeed laga soo saari dono.

DIL KA DHACAY HARGEYSA IYO NINKII KA DAMBEEYEY OO AY CIIDAMADA SOO QABTEEN

Ciidamada Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay Nin habeen hore toorey ku dilay qof shacab ah, sida uu xaqiijiyey taliyaha ciidanka booliska Somaliland. Jeneraal Cabdiraxmaan Fooxle, Taliyaha ciidanka Booliska ayaa sheegay in ciidamadu ay ga canta ku soo dhigeen Ninkaasi oo baxsan ayey kadib markuu dilka ka geystay gud aha magaalada Hargeysa.

Taliyaha oo warbaahinta la hadlay ay aa waxa uu ka warbixiyay siduu dilkaasi u dhacay iyo siday ugu suurogashay ciidam ada qabashada gacan ku dhiiglahaasi. "Xa lay waxa uu dil ka dhacay xaafada qoob dameereed, dilkaasi oo uu gaystay gacan ku dhiigle Mustafe Sheekh Maxamed Faa rax oo khaarajiye loo yaqaan, waxaa uu di lay marxuum Yuusuf Cali Wayd Cadaani oo labadaba da’doodu yihiin konton jiro”.

"Waxaana lagu dilay marxuumka Toor ey, waxaanu falkaasi dhacay todobadii iyo badhkii fiidnimo ee habeen hore. Ciidanka Booli sku waxaa uu gallay hawlgal adag si gac an ku dhiiglaha loo soo qabto isagoo isti cmaalay xeelado kala duwan sida jid goyn iyo daba gal, isago wadooyinka uu marayo laga sii xidhay, waxa lagu guulaystay in la qabto sagaalkii iyo badhkii habeenimo”.

Wuxuuna intaas kusii daray Taliyuhu "Waxana lagu qabtay galbeedka M/Harg eysa gaar ahaan warshada masaabiirta iyo kaalinta indho birtaagteedda, ciidanku muddo laba saacadood buu gacan ku dhii glahaasi ku soo qabtay, iyagoo isticmaa laya xeelado kala duwan, waana ku ham balyeynaya ciidanka boooliska wakhtiga kooban ee ay ku qabteen gacan ku dhii glaha”.

MAGAALADA BOORAME OO 100 SANO JIRSATAY

Hambalyo Sannad guurada 100 ee Boo rama oo ay hal qarni u buuxsantay laga soo bilaabo markii loo aqoonsadey Mag aalo ahaan sannaddii 1919 kii.

Waa hal qarni oo horumar iyo hagarda amaba leh, waa hoygii nabadda iyo sama ka taliska, waa xaruntii aqoonta iyo xadd aaradda Islaamka waa baladkii waddaniy adda iyo walaalnimada guud, waa dugsigii ay ka aflaxeen hoggaamiyayaal taariikhda ku xusan,Hase ahaatee fursadaha horu mar ee Borama iyo gobalka ay ku taallaa haystaa waa mid aan xuduud lahayn.

Waxay noqonkartaa mandiqada xuddun ta u ah isu xirka Geeska Afrika Djibouti So maliiya iyo Itoobiya; hormoodka marinna da ganacsiga wax soo saarka beeraha iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ee badda iyo macdanta barrigaba leh, rugta cilmiga, aqoon tayo leh iyo adeeg caafima ad oo ummaddu ku soo hirato. Rabbiyow Barwaaqee , Boorama Allow dhowr, Bala yaada Hareer mari ! {Elmi Nur}

MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAANTA LA KULMAYA DHIGIISA JABUUTI

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan Jabuuti halkaas oo uu gaaray xalay, kadib markii uu ka ambabaxay Magalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa Maanta waxaa ay la kulmayaan Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada JFS Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixinayay kulamada ay yeelan doonaan labada Madaxweyne ayaa sheegay inay ka wada hadli doonaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood.

ALSHABAAB OO WEERARAY SALDHIGA CIIDAMADA DOWLADDA EE BARIIRE

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ururka AlShabaab xalay ku dhexmaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ururka AlShabaab ay weerareen Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire halkaas oo dhowr bilood ka hor ay Ciidanka dowladda la wareegeen.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaas kasoo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aan weli la ogaanin maadaama xilliga dagaalka uu dhacay ay aheyd habeen.

Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka AlShabaab ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda,isla markaana ay uga dileen in ka badan 20 dagaal yahan.

"Waxaan xaqiijineynaa in aan khasaaro badan gaarsiinay AlShabaab, 20 ka tirsan ayaa ciidamada dowladda ku dileen duleedka Bariire, kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan saldhiga ciidamada ee Bariire ayuu yiri Janeraal Odawaa”.

AlShabaab weli dhankooda wax war ah kama soo saarin dagaalka xalay Ciidamada Dowladda ay kula galeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana wararka aan saaka heleyno ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay duleedka Bariire ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

CIIDAMADA SOOMAALILAND OO QOF SHACAB AH KU DILAY MAGALADA LAASCAANOOD

Wararka laga helayo Magalada LaasCaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Soomaaliland ay halkaasi xalay ku dileen mid ka mid ah dadka Shacabka ah ee ku nool Magaaladaas.

Qofka Shacabka ahaa oo ay Ciidamadu dileen ayaa dad ku sugan Magalada LaasCaanood waxaa ay Magaciisa ku sheegeen Cabdiraxmaan Cumar Faarax ( Soomadow),,waxana xilliga la dilayay ay Ciidamadu wadeen howlgal ay ku soo qabqabanayaan dadka sita hubka sharcidarrada ah ee magaalada lagu dhex haysto.

In kastoo aan weli la ogeyn sababaha ay Ciidamada Booliska Soomaaliland u dileen Ninka Shacabka ahaa ayaa wararka qaar waxa ay sheegeen in Ciidamadu ay ka dalbadeen in uu istaago xilliga ay howlgalka wadeen,hayeeshee uu cararay sidaasina lagu toogtay.

Laamaha Amniga Magalada laasCaanood weli kama hadlin dilka qofka Shacabka ay Ciidamada dhexdooda u geysteen,waxaana falkaasi ka carooday qaar ka mid ah ehelada Ninka la dilay, iyada oo meydka la geeyay Saldhiga Booliska Magalada LaasCaanood.

Magalada LaasCaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa dhowr jeer waxaa horay uga dhacay dilal kala duwna oo ay fuliyeen Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa la xiriira aanooyin dhinaca Beelaha ah,hayeeshee bilihii u dambeysay xaaladeeda ay aheyd mid wanaagsan.

BOGGA CAYAARAHA…

HORUDHACA: WOLVES VS MAN UNITED – WAX WALIBA OO AAD UGA BAAHAN TAHAY KULANKA CAAWA EE PREMIER LEAGUE

(Wolverhampton) 19 Agoosto 2019. Kooxda Manchester United ayaa u safreysa Magaalada Wolverhampton si ay halkaas caawa ugu wajahdo naadiga Wolves kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Kooxda Wolverhampton Wanderers ayaa garoonkeeda Molineux ku soo dhoweynaysa Manchester United kulankeeda labaad ee xilli ciyaareedkan cusub horyaalka Premier League.

Red Devils ayaa si qurux badan ku bilaabatay xilli ciyaareedkan cusub horyaalka Ingiriiska kaddib markii ay 40 kaga adkaatay naadiga Chelsea ciyaartoodii furintaanka English Premier League ee ka dhacay garoonka Old Trafford.

Kulankan Man United waxa ay goolasha ka kala heshay Marcus Rashford oo labo dhaliyey iyo goolal kale oo ka kala yimid Anthony Martial iyo Daniel James taasoo dhibcaha siisay kooxda uu hoggaamiyo macallin Ole Gunnar Solskjaer.

Tababare Nuno Espirito Santo kooxda uu hoggaamiyo ee Wolves ayaa dhankeeda barbaro goolal la’aan 00 la gashay Leicester City kulankoodii furintaanka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Tartanka: Premier League

Taariikhda: Isniin, 19 Agoosto 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Jonathan Moss (England)

Garoonka: Molineux Stadium

Wararka Kooxaha:

Wolves ayaa la filayaa inay dib ugu yeerto xiddigo ay dhigatay si ay u wajahaan Manchester United kaddib guushoodii ay ka gaareen kooxda FC Pyunik ee Europa League.

Weeraryahannada Pedro Neto iyo Patrick Cutrone ayaa bandhig cajiib ah sameeyey kulankii Khamiistii, laakiin Raul Jimenez iyo Diogo Jota kuwaasoo goolal cajiib ah dhaliyey kulankii ay 40 ku adkaadeen ee Europa League ayaa soo laaban kara kulanka caawa.

Rui Patricio, Ryan Bennett, Ruben Neves, Jonny iyo Matt Doherty ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu kulanka caawa dib ugu yeero macallin Nuno Espirito Santo.

Macallinka Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer oo dhaawacyo cusub qabin ayaa kooxdiisa ula safray garoonka Molineux.

Alexis Sanchez iyo Fred ayaa la tacaalaya dhaawacyo soo gaaray kulamadii isudiyaarinta xilli ciyaareedka cusub, halka daafacyada Eric Bailly iyo Timothy FosuMensah ay weli dhaawacyo ku maqan yihiin.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:

> Wolves ayaa guuldarro la kulmin saddexdii kulan ee Manchester United ay la ciyaartay tartammada oo dhan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana ay ka heshay 2 guul iyo 1 barbaro, labada guul ayaana yimid iyadoo lagu ciyaarayay garoonka Molineux.

> Wolves ayaa guuldarro la’aan ah siddeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay ku ciyaartay garoonkeeda, waxaana ay haystaa 6 guul iyo 2 barbaro, iyadoo kulamadaas ay ku jiraan guushii ay garoonkan kaga gaartay Manchester United.

> Kooxda Wolves ayaa caawa eegeysa inay gaarto guusheedii saddexaad oo xiriir ah kulamada sare iyadoo ku ciyaaraysa garoonkeeda Molineux markii ugu horreysay tan iyo bishii November sanadkii 1980kii.

> Manchester United ayaa guul la’aan ah ama guul gaari weysay afartii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda, waxaana ay la soo kulantay 1 barbaro iyo 3 guuldarro, markii ugu dheereyd oo ay Man United kulamada horyaalka guul ku soo gaari weysay bannaanka kulamo badan waxay ahayd intii u dhaxaysaybilaha April illaa November sanadkii 2014kii, markaasoo 7 kulan ay soo adkaan weyday iyadoo marti ah, xilligaasna kooxda waxaa isku bedbedalay macallimiinta David Moyes, Ryan Giggs iyo Louis van Gaal.

> Tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa guuldarro la kulmay dhammaan saddexdii kulan ee uu wajahay kooxda Wolves tartammada oo dhan, labo guuldarro ayuu kala kulmay isagoo hoggaaminaya Man Utd xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, halka guuldarrada kale ay ka soo gaartay bishii Agoosto sanadkii 2014kii isagoo watay kooxda Cardiff City.

> Ciyaaryahanka kooxda Wolves ee Raul Jiménez ayaa ku lug yeeshay 7 gool oo horyaalka Premier League isagoo ka hor jeeda lixda kooxood ee waa weyn xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, 4 gool waa uu dhaliyey halka 3 kale uu caawiyey, kaliya Sergio Aguero oo 9 gool ku lug yeeshay iyo Raheem Sterling oo 8 gool gacan ka geystay ayaa in ka badan sameeyey.

> Anthony Martial ayaa 49 gool u dhaliyey kooxda Manchester United tartammada oo dhan, waana in ka badan ciyaaryahan kasta oo kale oo kooxda ka tirsan tan iyo waqtigaa, waxaana uu noqon karaa ciyaaryahankii 53aad ee kooxda u dhaliya 50 gool dhammaan tartammada.

GUDDIGA DOORASHADA JUBBALAND OO JAWAAB KA BIXIYAY QORAAKII JAMES SWAN

Guddiga Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Jawaab ka bixiyay Qoraal dalab ahaa uu u diray Wakiilka Q/Midoobey ee Soomaaliya Amb James Swan.

War qoraal ah oo ku qoran Luuqadda Englishka ay soo saare en Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa waxaa ay ku sheegeen in Doorashada Madaxweynaha ay ku dhicin doonto waqtigii loo gu tala galay,isla markaana aysan jirin doonin dib u dhac.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in haatan la marayo mee lihii ugu dambeeyay ee arrimaha Doorashada lana qaaday 7 tall aabo oo lagama maarmaan u ah dib u habeynta hannaanka door ashada.

Qoraalka Guddiga ayaa lagu xusay in la fuliyay dhamaan shu ruudihii lagu xiray ee la xiriiray Dastuurka dalka iyo hannaanka doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb James Swan ayaa habeen hore waxaa uu sheegay in aysan aqoonsanaan doo nin Natiijo kasta oo ka soo baxda Doorashada Jubbaland hadii aan si dhab ah loo fulin qaar kamid ah qodobadii uu ka Cod saday Guddiga Doorashada.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA DOORASHADA OO KU QORAN LUUQA ENGLISHKA




WASIIR ISLOW OO SHAQO JOOJIN KU SAMEEYAY AGAASIMIHII GUUD EE WASAARADDA AMNIGA

Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda amn iga gudaha dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Duca ale ayaa waxaa shaqada looga joojiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda amniga.

Ambuga Yuusuf Cali Maxamed oo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaar adda amniga ayaa Wasiir Islow wax aa uu ku sameeyay Shaqo, waxaana xilkaas si KMG ah loogu magacaabay Axmed Cabdi Kooshin.

Warqada Shaqo joojinta ayaa lagu xusay in la baabi’iyay xilka Xoghayah a Joogtada ah ee Wasaaradda amn iga,kadib Go’aan ka soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda So omaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha dowladda Soomaaliya ayaa hay’addaha amniga ka Codsaday inay si xu shmad leh ula shaqeeyaan Axmed Cabdi Kooshin oo ah siiha ayaha Agaasimaha guud ee Wasaaradaas.

HOOS KA AKHRISO WARQADA SHAQO JOOJINTA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip