Maamulka Gobolka Banaadir oo ka warbixiyay Dab Xalay inta badan Baabiyay Suuqii Degmada Wadajir

0
Tuesday February 16, 2016 - 13:46:17 in Wararka by
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo ka warbixiyay Dab Xalay inta badan Baabiyay Suuqii Degmada Wadajir

    Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/Fitaax Cumar ayaa sheegay in lagu guuleystay daminta dabkii xalay maqribadii ka kacay Suuqa weyne ee degmada Wadajir kaas oo gaystay qasaare hantiyadeed,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/Fitaax Cumar ayaa sheegay in lagu guuleystay daminta dabkii xalay maqribadii ka kacay Suuqa weyne ee degmada Wadajir kaas oo gaystay qasaare hantiyadeed, Waxaana lagu soo waramayaa in hada ay xaaladdu caadi ku soo laabatay, laguna guuleystay daminta dabkaasi, waloow aan la ogeyn ilaa hada inta uu la eg yahay khasaaraha hantiyadeed ee uu gaystay dabka.

Maamulka Degmada Wadajir ayaa si weyn isaga xilqaamay Ilaalinta hantida shacabka mudadii uu socday debkaasi, waxayna ciidamada Degmada ay xoogga saareen inay ka hortagaan cid kasta oo isku dayaysa inay boobaabn hantida Shacabka ee taalay suuqaasi oo ka mid ah suuqyada ugu waawayn suuqyada Miqdisho.

Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay inuu jiro khasaare fara badan oo uu dabka u gaystay goobihii ganacsi ee halkaas ku yiilay kuwaas oo intooda badan ku basbeelay dabka, inkastoo lagu guuleystay badbaadinta khasaarooyin kale oo uu gaysan lahaa Dabkaas.

dabka5 dabka5-620x264 dabka7




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip