Baaritaankii la xiriiray "aragti ku toogo 50 Cent" oo la joojiyay

0
Wednesday August 14, 2019 - 13:25:13 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaritaankii la xiriiray "aragti ku toogo 50 Cent" oo la joojiyay

    Baaritaanka la xiriiray in sarkaal sare oo booliska New York ka tirsan uu askartiisa u sheegay in "aragtida ay ku toogtaan" fannaanka caanka ah ee 50 Cent ayaa la joojiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaritaanka la xiriiray in sarkaal sare oo booliska New York ka tirsan uu askartiisa u sheegay in "aragtida ay ku toogtaan" fannaanka caanka ah ee 50 Cent ayaa la joojiyay.

Taliye ku xigeen Emanuel Gonzalez waxaa lagu eedeeyay in uu hadalkaas ka sheegay munaasabad la filayay in uu fannaanka ka qeybgalo.

Eedahaas waxaa "loo arkaan kuwo aan sal layan” gal-dacwadeedkana waa la xiray, sida uu sheegay Thomas Antonetti.

50 Cent ayaa yiri: "Waan ogaa in aysan arrintan waxba ka qaban doonin.”

"Haddaba, waan joojiyay ka hadalkeeda. NYPD waxay gacan hoose la wadaagtaa burcadda ugu xun ee New York,” ayuu ku qoray bartiisa Instagram.

Waxaa la sheegay in Taliye ku Xigeenka Gonzalez uu hadalkaasi sheegay uuna isku deyay inuu u gudbiyo hadalka si kaftan ah, balse waxaa lagu dacweeyay waaxba arrimaha gudaha ee booliska New York.

Bil ka hor dhacdadaas, sarkaalka la dacweeyay wuxuu gudbiyay ashtako ah in uu "ku xadgudbay” 50 Cent oo magaciisa dhabta ah uu yahay Curtis Jackson.

Wuxuu sheegay in fannaanka uu hanjabaad usoo mariyay Instagram – taas oo jawaab u ahayd arrinta ah in Taliye Gonzalez si aan cadaalad ahayn wax looga weydiiyay middii baarka ee 50 Cent oo isaga loo eexday.



Xigasho:BBCSomali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip