Aadan Barre Ducaale "Wasiirada Soomaaliya Caruurtooda ayaa Kenya degan Madaxweynayaashii Somaliya soo maray iyo.."
Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa si adag uga hadlay khilaafka dhinaca Xuduud badeedka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya waqtiga dheerna soo jiitamayay.
Aadan Barre Ducaale ayaa tilmaamay in wanaag badan uu ka dhaxeeyo Somaliya iyo Kenya waxaana uu sheegay inuu ka xun yahay in khilaafkaan uu meesha ka saaro derisnimada iyo wanaagii tan iyo xornimadii ka dhaxeeyay labada dowadood.
Xildhibaanka wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed inta ay ku heystaan Kenya in aysan ku heysan dalalka kale ee caalamka sida Ganacsiga iyo nolosha kale gaar ahaana kuwa Africa ee deriska la ah Somali.
"Wasiirada Somalia Caruurtooda ayaa halkaan degan Madaxweynayaashii Somaliya soo maray iyo kuwa haatan Xaasaskooda ayaa halkaan degan intaas oo sano ayaana heynay Somali Qaxooti ah ah oo marti ay noo ahaayeen.
Dhanka kale hogaamiyaha Aqalabiyadda Kenya oo wax laga weydiiyay mowqifkiisa ku aaddan arrinka badda ayaa sheegay in Maalintii uu yahay nin Keenyaati ah Habeenkiina Soomaali.