Yaxyaa Hindhisay!!!! U gaar ah Asaxaabta ku xiran Boggaan FB-ga & Adiga.

0
Wednesday August 14, 2019 - 12:39:47 in Wararka by
  • Visits: 1512
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaxyaa Hindhisay!!!! U gaar ah Asaxaabta ku xiran Boggaan FB-ga & Adiga.

    Aniga iyo Adigu maxaan isku heysanaa? 1- Haddaan Hindhiso waxaa la leeyahay Siyaasad ayaad ka hadashay. (F.S 1aad) 2- Haddaan Qunfaco, waxa la leeyahay, Madaxda ayaad dhaajinee. (F.S 2aad) 3- Haddaan iraahdo war Maamulka naga saxa, waxa la lee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aniga iyo Adigu maxaan isku heysanaa? 1- Haddaan Hindhiso waxaa la leeyahay Siyaasad ayaad ka hadashay. (F.S 1aad) 2- Haddaan Qunfaco, waxa la leeyahay, Madaxda ayaad dhaajinee. (F.S 2aad) 3- Haddaan iraahdo war Maamulka naga saxa, waxa la leeyahay waa Mucaarad. 4- Haddaan iraahdo taa waad ku saxan tahihiin, waxaa la leeyahay waa Muxaafad. 5- Hadaan Qurba joog la kaftamo, waxa la leeyahay Qurba joogta ayaad neceb tahay.

6- Hadaan Daljoog Xaqooda ka hadlo, waxaa la leeyahy, iyaga ayuu la noolyahay waana Mooryaan.

7- Haddaan sameeyo Cilmi baaris aan wax ku saxayo, waxaa la leeyahay waa dacaayad Siyaasadeed. ( F.S: 3aad)

8- Haddaan Midigta ku salaamo , waxa la leeyahy Bidixda maxaad u reebatay. ( F.S: 4aad)

9- Hadaan wax Murti iila muuqdo qoro, waxaa la leeyahay waa Majaajilo.

10 -Hadaan Majaajilo qorana, waxaa la leeyahay waa Murti. ( F.S: 5aad)

11 -Haddaan Qoro Nasashada Jimcaha waxaa la leeyahay, Annaga Jimco nooma ahan.

12 -Haddaan iraahdo ma ogi, waxaa la leeyahay hadaadan ogeyn maxaad noogu sheegee. ( F.S: 6aad)

13 -Haddaan qoro Taariikhda Halgamaa Somali ah, waxaa la leeyahay Awoowgeey ayaad ka tagtay.

14 -Haddaan Darsi Aqooneed bixiyo oo aanan darajo sheegan, waxaa la leeyahay Qofkaas ayaa Aqoonyahan sheeganayo.( F.S: 7aad)

15 -Haddaan Aamuso waxaa la leeyahay, Duqii waa cabsaday.( F.S: 8aad)

16 -Haddaan Dayaadad raaco, waxaa la leeyahay Duqii waa tahriibay.( F.S: 9aad)

17 -Haddaan iraahdo hebel xilkiisa si fiican ha u guto, waxaa la leeyahay Qabiilnimo ayaad ku dhaliilee.( F.S: 10aad)

18 –Haddan iraahdo Dowladaa Ajnabiga ah, ama Ururkaa Caalmiga ah Dani nooguma jirto, waxaa la leeyahay shaqa doon ayaad tahay.( F.S: 11aad)

19 -Haddaan iraahdo xil ma rabo, waxa la leeyahay Hagar ayaad ka wadaa.

20 -Haddaan iraahdo arragtidaada XUR ayaad u tahay, waxaa la leeyahay XUR ma ahan ee waa XOR.

21 -Haddaan Buuggaagteyda qaato, waxaa la leeyahay, hadduu wax barasho aaday Jaahilkii.( F.S: 12aad)

22 -Haddaan Qalin qaato, waxaa la leeyahay, hadduu sida wax loo qoro baranayaa.( F.S: 13aad)

23 -Hadaan Sawir ku cabiro Qoraal, waxaa la leeyahay waa Anshax xumo ee Bulshada ha tusin.

24 -Haddaan Diinta ka hadlo, waxaa la leeyahay, Urur diimeedkuu ka tirsan yahay ,ma kuwii hore mise kuwa cusub.

25 -Haddaan Lugta iska xoqo, waxaa la leeyahay Jeebkiisa faaruqaa ayuu na tusaa.( F.S: 14aad)

26 -Haddaan Telephone keyga Niiclahaa la soo baxo, waxaa la leeyahay, I phone miyuu u maleeyaa.

27 -Haddaan Biibito ama Bush Shaah ka cabayo, waxaa la leeyahy Duqii waa shiiday.

28 -Hadaan Timaha soo jarto, waxaa la leeyahya, Duqii waa is dhalin yareeynayaa.

29 -Haddab bajaaj raaco, waxaa la leeyahay, busaadadaa ku raagtay.

30 -Haddan TV ka hadalo, waxaa la leeyahy, Xawayaan miyuu la hadlayaa. ( F.S: 15aad)

Waan ogahay:

Dadka dunida ku nooli wax iskuma wada raacaan, waa kala Aragti, kala da’. kala Aqoon, kala Xaalad Nololeed, kala Garaad. Waan ogahay sida beni Aadamka Wajigoodu u kala duwan yahay, in ey Gudahana uga kala duwan yihiin, haddana waa is fahmaan oo wad noolyihiin.

Nafteeyda iyo Naftaada in aan been u sheego ma rabo, sida ey ila tahay ayaan arragtideyda u cabirayaa,…Adigaa walaalkeey/walaasheey ah, wixii iga khaldan iga sax, waxa aan ogahay, oo aan hubaa in Aqoonteeydu aad u yar tahay, waxaan ogahay oo aan hubaa in wax badan oo aanan Annigu aqoon aad Adigu taqaan, taasi waa hubaal, ee aan kala faa’iideysano.

Yaxyaa hindhisay, in hargab i hayo ayaa dhici karto ee ha siyaasadeeyn hindhisyada.



Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip