Wasiir Cawad "Kulankii annaga iyo Madaxweynaha Somaliland wax siyaasad ah shaqo kuma laheyn" By M

0
Wednesday August 14, 2019 - 12:08:18 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cawad "Kulankii annaga iyo Madaxweynaha Somaliland wax siyaasad ah shaqo kuma laheyn" By M

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay kulan ay la yeesheen wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi intii lagu guda jiray waajibaadka Xajka.Amb. Cawad ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay kulan ay la yeesheen wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi intii lagu guda jiray waajibaadka Xajka.Amb. Cawad ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ku sheegay in Hal Qasri ay wada deganaayeen wafdiga Wasiirada ee ka socday dowladda Federaalka iyo wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland.

Waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiirada kale ee dowladda Federaalka ay u tageen Madaxweynaha Somaliland ayna sallaameen, isagana si soomaalinimo uu u soo dhoweeyay, una sallaamay.

"Kulankaas wuxuu ku yimid annaga iyo Wafdiga Madaxweynaha Somaliland waxaa wada deganeyn hal qasri, masaajid ayaa isku aragnay aniga iyo wasiirada kale dowladda federaalka ayaa u tagay oo salaamay, isagana si qurux badan oo soomaalinimada iyo walaalo isu soo hiloobay ayuu noo soo dhoweeyay oo sharaf ku jirto waan isa salaamanay waa is marxabeynay, kaddib waxaa isku arkeynay meelaha muslimiinta tagaan sida Carafo iyo Mina”ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in is araggooda uu kaliya ahaa salaan oo aan wax kale dhex marin, balse uu arkayay dad siyaasadeynayay kulankaas iyo salaantaas labada dhinac dhex martay.

"Waxaa arkay dad Soomaaliyeed oo meelo kala duwan ku sugan oo siyaasadeynayay kulankaas, wax gaar ah kama wada hadal, siyaasad shuqul kuma laheyn, madaxweynaha waa xajinayay, anaga waa xajineynay, anaga ma aanan heysan fasax inaan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya aan ka hadalno, marka ku aragnay Xajka waa u tagnay waana salaanay”ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Waddani C/raxmaan Cirro oo shalay warbaahinta kula hadlayay Hargeysa ayaa duray kulanka Madaxweynaha Somaliland la yeeshay Wasiirada ka socday dowladda Federaalka, isagoo xusay in wixii Xisbiga Kulmiye ay dadka ku caayayeen ay iyaga wax caadi ah la noqotay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip