Saxafiyiinta Madaxa Banaan Oo Guddi u saaray Xallinta Khilaafka NUSOJ+Sawirro

0
Tuesday February 16, 2016 - 11:32:38 in Wararka by
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxafiyiinta Madaxa Banaan Oo Guddi u saaray Xallinta Khilaafka NUSOJ+Sawirro

    Iyadoo Muddooyinkii dambe is qab qabsi baahsan uu ka taagnaa Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Ee NUSOJ taas oo sababtay in Jahwareer uu ku yimaado Saxaafadda Madaxa Banaan ayaa waxaa wariyayaasha Soomaaliyeed ay sameysteen guddi Madax banaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo Muddooyinkii dambe is qab qabsi baahsan uu ka taagnaa Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Ee NUSOJ taas oo sababtay in Jahwareer uu ku yimaado Saxaafadda Madaxa Banaan ayaa waxaa wariyayaasha Soomaaliyeed ay sameysteen guddi Madax banaan oo ka kooban 9 xubnood. Guddigaan Saxafiyiinta ay u xil saareen Xallinta Khilaafaadka NUSOJ ayaa maalmihii la soo dhaafay waday sidii ay meesha uga saari lahaayeen muranka Hareeyay Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, waxaana loogu Magac daray ururka Samata Bixinta Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Guddigaan ka kooban 9 Xubnood ayaa qabtay shir Jara’id oo ay uga warbixiyeen waxyaabihii u qabsoomay ee ku aadan dhex dhexaadinta ay ka dhex wadaan garabyada isku haya Ururka NUSOJ.

Guddoomiyaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle Cabdimaalik Yuusuf Max’ud oo ka mid ah guddigaasi ayaa sheegay in labada dhinac ay la kulmeen ayna ku qanacsan yihiin wixii ay soo go’amiyaan guddigooda waxaana uu ka dalbaday ururada taageera Saxaafadda Soomaaliya in arrintan ay ka gacan siiyaan.

Dhinaciisa Ismaaciil Sheekh Khaliif oo isna ka tirsan guddigaasi ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay in guddigaas ay u deyso arrinta xallinta Muranka NUSOJ.

Si kastaba guddigaan ayaa waxaa ku jira Saxafiyiin Rug Cadaayaal Saxaafadeed ah kuwaas oo looga fadhiyo in ay xal kala dhex dhigaan dhinacyada isku haya NUSOJ.

 

G1 G 2




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip