QORSHE SIR AH OO SUCUUDIGU LA DAMACSAN YAHAY TURKIGA

0
Wednesday August 07, 2019 - 06:53:14 in Wararka by
  • Visits: 1376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QORSHE SIR AH OO SUCUUDIGU LA DAMACSAN YAHAY TURKIGA

    Dowladda Sucuudiga ayaa bilowday hirgalinta qorshe sir ah oo ay kaga cad-goosanayso dowladda Turkey, kaddib markii Maxamed Bin Salmaan uu dulqaad dheeri ah u muujiyay madaxweyne Recep Dayyip Erdogan taaso salka ku haysa dilkii wariye Jamal Khashoggi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Sucuudiga ayaa bilowday hirgalinta qorshe sir ah oo ay kaga cad-goosanayso dowladda Turkey, kaddib markii Maxamed Bin Salmaan uu dulqaad dheeri ah u muujiyay madaxweyne Recep Dayyip Erdogan taaso salka ku haysa dilkii wariye Jamal Khashoggi. Qorshahan sirta ah ayaa lagu faahfaahiyay warbixin qarsoodi ah oo isugu jira kuwa sir ah iyo kuwa furan oo xog-ogaal ah oo ay diyaariyeen xulufada boqortooyada ee Imaaraadka. Warbixinan sirta waa mid ka mid ah qormooyin taxane bille ah ee ay soo saarto Xarunta Siyaasadda ee Imaaraatka,( Emirates Policy Centre) oo xiriir dhow la leh dowladda iyo hay'adaha ammaanka Imaaraadka. Qorshahan sirta ah oo cinwaankeedu ahaa "Warbixinta billaha ee Sucuudiga" taasoo la qoray 24-kii May 2019, ayaa lagu sheegay in lala wadaagay madaxda ugu sarraysa Imaaraadka, laakiin laguma daabicin mareegta ay leedahay Xarunta Siyaasadda ee Imaaraatka "Emirates Policy Centre". hase yeeshee nuqul ay heshay jariiradda Middle Easty Eye ayaa soo bandhigay sirtan. Jariiradda Middle Easty Eye ayaa qortay, "Qorshaha Riyad ee bishii May waxaa lagu dajiyay qorshe lagu howl-galo oo lagu curyaamiyo dowladda Turkiga".

Attachment thumbnail


Jariiraddu waxay kaloo leedahay,
"Qorshaha ugu wayn waa in la adeegsado xeelad kasta oo macquul ah oo culays lagu saarayo dowladda Turkey laguna wiiqayo awoodda madaxweyne Erdogan iyo in mashquul looga dhigo arrimaha gudaha dalka Turkiga taasoo hoos u dhigi doonta awooddiisa fursadna u noqon doonta mucaaradkiisa, ama in dhibaatooyin dhaqaale oo is xigxiga lagu riixo taasoo sababi karta inuu khalad ku dhoco oo kaddibna ay warbaahinta dalka & midda dibaddu aad u lafa-guraan.

Wargayska Middle Easty Eye ayaa suaalo ka weyddiiyay saraakiisha Xarunta Siyaasadda Imaaraadka mashaqadan taagan, laakiin way ka gaabsadeen ayay tiri jariiraddu.

IN LA XADDIDO KU LUGLAHAANSHAHA ARRIMAHA SIYAASADDA GOBOLKA.

Qorshaha Riyad ayaa ah in mudane Erdogan laga xaddido ka qaybgalka iyo wadaagga arrimaha ka dhacaya gobolka Barigga Dhexe.

Jariiraddu waxay tiri:-

1. Boqortooyada Sucuudigu ayaa bilowday inay si tartiib tartiib ah u joojiso maalgashiga shirkadaha Sucuudiga ee Turkiga ku sugan.

2. In la yareeyo dalxiisayaasha u tamashle tagaya Turkiga, kaddibna dadka loo jiheeyo waddamo kale oo ay u dalxiis tagaan.

4. In Sucuudigu yareeyo iibisiga alaabta ka imaanaysa Turkiga iyo in la daciifiyo ku lug-lahaanshaha siyaasadda gobolka iyo midda dalalka Islaamka.

Wargaysku wuxuu tilmaamtay:-
"In dhaxal-sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin-Salamaan uu qaatay go'aan uu isaga difaacayo eedayntii Ankara oo salka ku haysa dilka wariye Jamaal & sirdoonkii raggii dilay, dilkaasoo abuuray caro ka timid adduun-waynaha & in dolwadda Turkey ay soo bandhigtay caddaymo ku saabsan dilka wariyaha".

Sirta la helay ayaa tiri..... "Madaxweyne Erdogan aad ayuu ugu fogaaday ololihiisa ku wajahan boqortooyada, gaar ahaan dhaxal-sugaha, isagoo adeegsanaya qaabka ugu xasaasisan ee dilka wariye Jamaal".

Warbixinta ay diyaarisay Xarunta Imaaraadka ayaa tiri :- "Ankara maysan keenin wax caddayn ah oo muuqda oo lagu kabayo baaritaanka Sucuudiga ee ku saabsan dilka wariye Jamaal. Taa baddalkeeda Turkidu waxay warbixinno u dusiyeen warfaafinta, warbixinnadaasoo dhammaantood loogu tala-galay in khal-khal la galiyo sumcadda Boqortooyada iyo midda dhaxal-sugaha Maxamed Bin-Salmaan".

Warbixintu waxay intaas ku dartay,
Xukuumadda Riyaad maysan ku darin inuu Mr, Erdogan ku guul-darraystay hadafkiisa ahaa inuu arrinta dilka Jamaal uu adduun waynaha garwadeen uga dhigo, lakiin Riyaad waxay leedahay waxaa la joogaa waqtigii aargoosiga". Sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday Xarunta Siyaasadda Imaaraadka.

Hay'adda CIA & aqalka Congress'ka Maraykanka ayaa ku qancay warbixinta ay soo bandhigeen Turkida ee ku saabsan dilka Jamaal. Sidoo kale CIA iyaduna warbixin ay soo saartay ayay ku sheegtay inuu Maxamed Bin-Salmaan amray dilka wariyaha uuna lahaa fikradda howl-galinta xubnihii dilka gaystay.

CIA warbixinta ay soo saartay waxay tiri "Ma jirto sabab la'aan ay arrintan ku dhici karto Maxamed Bin-Salaam oo aan ogayn ama aan ku lug-lahayn". siday horay u daabacday jariiradda Wadhington Post.

Caddaymahaas oo idil, waxaa ka daba yimid mid ay samaysan Qaramada Midoobeey qaybteeda qaabilsan arrimaha aadanaha, taasoo haweenayda kiiskan u qaabilsanayd Agnes Callamard ay tiri, "Dhaxal-sugaha Sucuudiga ayaa amray dilka wariye Jamaal Khashoggi.

QORSHAHA LAGU CADAADINAYO TURKIDA OO BILOWDAY.

Sitimaakii tagay ayay soo shaaxbaxday xogtan ay qortay Imaaraadku ee sirta ah.

Sucuudiga ayaa ammar ku bixiyay in la hakiyo 80 gawaari oo xamuul ah ganacsi ah oo isugu jira dhar iyo dawooyin kasoo dagay dekedda Duba ee Sucuudiga.

Waxaa kaloo la hakiyay 300 oo konteenar ay ku jiraan qudaar ganacsi oo ka timid Turkey laguna joojiyay dekedda Jeddah ee isla Sucuudiga. Waxaa sidaas qoray jariiradda Middle East Eye oo kasoo xigtay saraakiil magacooda in la xuso diiday.

Waxaa iyana hoos-udhac ku yimid dalxiiskii tagi jiray Turkiga taaso horay u ahayd 276 kun oo hadda noqotay 234 kun 6-dii bilood ee ugu dambeysay sanadkan 2019, siday shaacisay wasaaradda dalxiiska ee Turkiga.

Sucuudiga ayaa Turkiga ku maalgaliyay adduun dhan 2-bilyan oo dollar sanadkii 2018, siday sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, isla sanadkaas Turkidu waxay u dhoofiyeen Sucuudiga ganacsi gaaraya 2.64-bilyan oo dollar, halka Turkidu alaabada ay kasoo dhoofsadeen Sucuudiga ay gaartay 2.32-bilyan oo dollar.

SIYAASADDA DAAHA DHABARKIISA, ANKARA WAXAA GAARAY FARRIIMO KALE.

Siday ku warramayaan Imaaraatigu "Waxaa muuqata in madaxda Sucuudigu ay sii xumaynayaan xiriirka, oo ay bilaabeen inay Erdogan ula dhaqmaan sidii nin cadow oo kale ah, sidaas waxaa iclaamiyay Boqor Salaam isagoon ka laba-labayn. Taas waxaa caddayn kara in ammar la siiyay guddiga talo-bixinta shirkii Ururka Golaha Islaamka ee ka dhacay Makka 14-kii, May aanu soo dhaafnay oo aan wax casuumaad ah loogu dirin Mr Erdogan, shirkaasoo ay kasoo qayb-galeen wufuud heerkoodu sarreeyo.

Madaxda sar-sare ee ku jiray liiska ka qayb-galayaasha shirkaas waxaa kamid ahaa Madaxweyne Erdogan, hoggaamiyaha Syria Bashar Al-Asad, Hassan Rouhani madaxweynaha Iran, Emiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Ugu dambeyntii, Boqor Salmaan ayaa amray in warqadda martiqaadka loo diro amiirka Qatar laakiin middii loo diri lahaa Erdogan lama soo saarin.

CUNA-QABATAYNTA QARSOON.

Dowladda Turkiga way ka warqabtaa isku dayada uu wado Maxamed Bin-Salaam ee uu ku xumaynayo xiriirka labada waddan, isagoo kala ilaalinaya xiriir toos ah oo dhexmara Erdogan iyo aabihii Boqor Salmaan.

Saraakiil in la xuso magacooda ka gaabsaday ayaa ku waramay inaysan la yaabanayn isku dayada ay Sucuudigu ku doonayaan inay Turkey ku ciqaabaan mowqifka ay Turkidu ka taagan tahay dilka wariye Jamaal Khaashoggi.

"Waan ognahay waxay Sucuudigu samaynayaan, dhammaan waa lawada ogyahay, waxaa kuu caddayn kara warfaafinta Sucuudiga taageerta iyo midda ay iyagu leeyihiin" sidaas waxaa u sheegay jariiradda Middle Easty Eye saraakiil Turki ah oo ku macneeyay falalka Sucuudigu ku kacayo ee hakinta ganacsi RAAD-GURID.

Saraakiishu waxay kaloo dheheen,
"Dalxiiskii imaanayay hoos ayuu u dhacay, waxaan kaloo dhibaato ku qabnaa ganacsigii dhoofinta Turkiga ee Sucuudiga tagaysay, arrinta si dhow ayaan ula soconnaa".

Laakiin xukuumadda Ankara ma aaminsana in dadka Sucuudigu ay ku doorsanayaan meel kale Turkiga marka loo eego isku dayga ay Riyaad ku hor-istaagayso dadka dalxiiska.

Saraakiisha Turkidu waxay kaloo xuseen,
"Tusaale ahaan, Istanbul, waxaa ka buuxa daxliisayaal Sucuudi ah, Sucuudigu ha eegaan BBC codbixinta ay ka diyaariyeen Bariga Dhexe iyo sumcadda uu madaxweyne Erdogan ku leeyahay gobolka, kaddib waxay ogaanayaan inay guul-darraysanayaan".

Khamiistii lasoo dhaafay Madaxweyne Erdogan ayaa teleefanka ku wacay Boqor Salmaanka Wayn, isagoo kala xaajoonaya arrinta ku saabsan ganacsiga lagu hakiyay dekedaha Duba iyo Jiddah.

Laakiin saraakiil kale oo Turki oo magacooda diiday ayaa ku waramay, in wadahadalka teleefan ee labada masuul uu daarnaa oo kaliya waxyaabaha ka socda Syria iyo suaalo ay iska waydiiyeen qaddiyadda Falastiin.

Saraakiikhu waxay kaloo intaa ku dareen in wadahadalka uu Boqorku aad ula dhacay kuna taageeray Erdogan arrimaha ku saabsan Syria.

Wada-hadalkaas khadka teleefanka ayuu Madaxweyne Erdogan ku casuumay boqor Salmaan iyo qoyskiisa oo uu ku jiro wiilkiisa dhaxal-sugaha ah Maxamed Bin-Salmaan inay yimaadaan Turkiga.

Maxamed Jaamac Faarax-Barre
Oslo, Norway.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip