Eng. Yariisow, adeege bulsho oo ma nooge ah – Waxaa qoray Yuusuf Garaad

0
Sunday August 04, 2019 - 22:27:45 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 125
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Eng. Yariisow, adeege bulsho oo ma nooge ah – Waxaa qoray Yuusuf Garaad

    Eng. Cabdiraxmaan – Yariisow ayaan maanta soo aasnay. Waxaa meydka la socday Marwadiisa iyo carruurtiisa. Waxaana garoonka hore u joogtay Hooyadii oo dorraad Baydhowa ka soo amba baxday. Eng. Yariisow wuxuu ahaa saaxiib aan muddo dheer aad isu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eng. Cabdiraxmaan – Yariisow ayaan maanta soo aasnay. Waxaa meydka la socday Marwadiisa iyo carruurtiisa. Waxaana garoonka hore u joogtay Hooyadii oo dorraad Baydhowa ka soo amba baxday. Eng. Yariisow wuxuu ahaa saaxiib aan muddo dheer aad isugu dhoweyn, xog wadaag ahayn, marxalado kala duwanna aan soo wada marnay, ha noqoto wanaag, istaageerid iyo wadatashi dhexdeenna ah. Sidoo kale ha noqoto isku tashi in ninba ninka kale uu ku tashado xag kasta iyo xilli kasta. In kasta oo muddadii uu Duqa magaalada ahaa uu xiriirkeenna habac galay, haddana waxaan mar walba ahayn saaxiibbo isu dhow, waxaanna ku faraxsan ahay in kelmaddii ugu dambeysay ee aan u qoro ay ahaydGuuleyso, taas oo ahayd mid iga niyad ah. Qoraal iyo laba kuma soo koobi karo dhacdooyinka faraha badan ee waayaha wanaagsan iyo kuwa adag ee aan Eng. Yariisow iska kaashannay nolosha siiba xag xirfadeed iyo xagga danta guud ee Dalkeenna. Waxaan isku dayayaa bal in aan sawir guud ka bixiyo qofka uu ahaa Yariisow iyo xiriirka naga dhexeeyay.


Waxay xusuusteydu ii sheegeysaa in markii u horreysay aan isku aragnay Dugsiga Tababbarka Militeriga ee Xalane dabayaaqadii sannadkii 1981. Jaamacadda oo sannad ka dib noo billaabatay ayuu ka billowday xiriir saaxiibtinnimo guud ah.

Jaamacadda waxaan ku xuustaa in uu ahaa nin jecel kuna wanaagsan kubbadda cagta, kana mid ah Guddiyada ardayda ee cayaaraha qaban qaabiya. Markii dambe ee uu yara cuslaaday wuxuu Sportigiisu inta badan ku soo koobmay daawashada kubbadda cagta iyo cayaaridda boojada miiska ama billiardi.

Horaantii sagaashanaadkii ayaan magaalada London dib isugu aragnay, aan ogaannay in aan deris nahay, iyada oo amniga iyo siyaasadda dalku ay marayaan meel aad u xasaasi ah.

Eng. Yariisow waxaan noqonnay rafiiq dhow oo shaqada iyo guryahaba si joogta ah isugu booqda, isla markaasna wadajir u soo booqda saaxiibbo aan wadaagno ama midkeen u gaar ah annaga oo isla baabuur fuushan inta bandanna uu kiisa yahay.

Wakhtiyo kale gaarigeyga ama mid kira ah ayaanku safarnay xaafadaha kala fogfog ee bartanka London iyo jihooyinkeedaba, Gobollada Ingiriiska iyo waliba dalal dibadda ah sida Belgium, France, Holland iyo Germany oo aan u tagnay saaxiibbo salaam ama tamashle.

Sidoo kale waxaan munaasabado badan uga wada qeyb galnay rafiiq dhowna aan ku ahayn Xamar iyo Nairobi.

Xagga maamulka oo aan uga horreeyay darteed, waxaan talo madax bannaan dhowr jeer ka siiyay howlo uu igala tashaday mar tartan uu ku guuleystay u galay in uu noqdo horjooge iyo ka dib arrimo maamul oo soo food saaray.

Eng. Yariisow, wuxuu ahaa nin dadaal badan, ma nooge ah, dad isku wad leh siiba marka ay noqoto waxyaabaha la isku khilaafsan yahay, jecelna in uu u adeego bulshada.

Wuxuu ahaa nin si naxariis iyo dabacsanaan leh isugu daya in uu dadka ka fikirka duwan ula doodo.

Dad aan daliil u hayn ayaan hadda ka hor arkay oo ku eedeynaya in uu qeyb ka ahaa urur magac qabiil ugu ololeeya mid ka mid ah shanta beelood ee siyaasadda loo qeybsado.

Ka sokow in aan u qabo in aan ururkaasi jirin, waxaan hubaa in ay yihiin dad aan aqoon Yariisow. Waxaan markhaati u qabsanayaa inta taqaan Yariisow in ay og tahay in aanuu ahayn nin qabiil.

Waxaan rabaa walaalaha Soomaaliyeed ee sidaa ku eedeyay in ay haddii ay dhab ka ahayd oo ay sidaa rumeysnaayeen ay ka qancaan, haddii ay ku-jiq-siin ula jeedeenna ay Rabbi ka baryaan in uu cafiyo, kana waantoobaan in ay u bareeraan in ay isku dayaan in ay dhaamaan sumcadda iyo sharafka muwaaddin Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan marxalado badan oo dalku soo maray annaga ayaa si aad ah siyaasadda uga sheekeysannay ugana doodnay, waanan ka warqabaa in badan oo ka mid ah mowqifkiisa, damaciisii iyo dhaqdhaqaaqiisii siyaasadeed si la mid ah sida uu isaguba uga warqabay kuweyga.

Haa, Cabdiraxmaan waa noqday af Hayeenka Mudane Muuse Suudi Yalaxow oo markaa ahaa Hoggaamiye Kooxeed. Saaxxiibada qaar way ka gaabsadeen berigaas, aniguse waan kula socday. Ma aqaan sida uu ku noqday afhayeen laakiin durba waa uu iska casilay.

Sidoo kale, Haa, qeyb waliba firfircoon wuu ka ahaa ololihii afka ahaa ee looga soo horjeeday arrinkii khilaafka weyn iyo waliba dagaalka uu dhiigga badani ku daatay ka dhex dhaliyay Soomaalida ee ahaa ku faafiddii ay ciidammada Ethiopia dalkeenna ku galeen usbuucii ugu dambeeyay 2006, soona gaareen caasimaddeenna.



Eng. Yariisow wuxuu ahaa nin Qaran.

Wuxuu taageeray, qaarkoodna ka mid noqday dhammaan Dowladihii dalka soo maray tan iyo 2000 marka laga reebo 2007 iyo 2008.

Nin kasta oo saaxiib dhow u ahaa Eng. Yariisow, ama ay wada shaqeeyeen wuxuu markhaati ka yahay in uu ahaa nin afkiisa laga ammaan helo, akhlaaq wanaagsan,

ah reer magaal, bulshay ah oo sheeko iyo qosol jecel.

Wuxuu ahaa nin marka la sheekeynayo ama la doodayo rogroga arrinka, wax ka eega dhinaca wanaagsan, qaatana mowqif maangal ah. Weligay kuma arag isaga oo ku dheggan mowqif aanuu sababeyn aqoon.

Wuxuu ahaa oo kale nin Dowladnimada iyo Qarannimada Soomaaliya jecel kana shaqeeya. Ilaa uu naftiisa u huray. Ma adeegsanayo ku waayay naftiisa ee waxaan adeegsanayaa u huray naftiisa, maaddaama isaga oo aan ku khasbaneyn, ogna khatarta taalla Muqdisho, uu ka shaqeynayay dhowr iyo toban sano.

Aniga wuxuu muddo dheer ii ahaa saaxiib aan ku tashado isna igu tashada.

Qaraxii 14-oktoobr 2017, inkasta oo annagu aynaan ahayn bartilmaameed, haddana waxaan fadhinnay shir ka socday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu qaraxu aad u saameeyay. Ku dhowaad labaatan ruux oo saddex ka mid ahi ay ka tirsan yihiin Golaha Wasiirrada inta kalena ay Agaasimayaal yihiin ayaan ahayn.

Eng. Yariisow waan is garab fadhinnay. Kursiga ayaa gadaal ula dhacay. Laakiin nasiib wanaag waxba ma ay gaarin. Markiiba waxaan lug ku tagnay xero militeri ka dibna waxaa nala siiyay ciidan iyo gaari. Maaddaama uu dhiig iga da’ayay oo aan ka baqayay in reerkeygu ay sawirro ku arkaan saxaafadda, waxaan markiiba wacay xaaskeyga iyo carruurteyda. Laakiin Yariisow wuxuu wacay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. Wuxuuna uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen inta yar ee aan markaa ogeyn.

Dhammaadkii sagaashanaadkii ilaa uu ka soo guuray London, waa ay yar tahay munaasabad aan habeen tegey ama labada maalmood ee wiiktirka ah ee shaqada laga nasto oo aynaan Yariisow is raacin. Xataa munaasabadaheyga shaqada ee u furan saaxiibbada waan isu raaci jirnay.

Maaddaama aan ka xiriir badnaa inta aan isagu siyaasadda gelin, Eng. Yariisow waxaan ku xiray saaxiibbo aad u tiro badan oo ah xagga siyaasadda, sidoo kale ganacsiga, aqoonyahannada qurbaha iyo saxaafadda ah oo Soomaali iyo ajnebi isugu jira.

Xagga siyaasadda waxaan xusuustaa mar xilligii Madaxweyne Shariif uu igu wargeliyay in culeys uu dareemayo awgiis uu ka fekerayo in uu dalka ka baxo oo in muddo ah uu ka soo nasto. Laakiin markii uu iiga warramay kulankii uu Madaxweynaha la qaatay waxaan kula taliyay in aanuu dalka ka bixin isaga oo aan arag Madaxweynaha.

Muddo ka dibna wuxuu ka mid noqday Golaha Wasiirrada.

Muddadaa dheer ee aan Yariisow sida dhow rafiiqa u ahayn, marna ma arag isaga oo ka shaqeynaya shirqool iuo dibindaabyo. Ma arag isaga oo ka qeyb qaadanaya lug gooyada muwaaddin kale.

Danjire Soomaaliyeed oo ay saaxiib ahaayeen Yariisow ayaa maanta annaga oo qabriga wada dultaagan wuxuu igu yiri, Yariisow haddii hal sifo laga baran karo waaDulqaadka.

Eng. Yariisow, waa halyeey dalkiisa si nadiif ah ugu soo shaqeeyay ilaa dhibicda dhiiggiisa u dambeysay. Ka sokow adeeggiisa sannadaha badan, wuxuu qalbiyada saaxiibbadiis, inta Soomaalinnimada jecel iyo inta naxariisi ku beeran tahay qalbiyadooda uu ku hantay in Qarax lagu dilay isaga oo jooga xafiiskiisa, in badan oo ay wada shaqeynayeenna ay la dhinteen qaar badanina ay dhaawac yihiin. Iyada oo dilkaas ay geysteen qaar ka mid ah bulshada uu adeegayay.

Taas ayaa sababtay in geeridiisa ay quluubta Soomaalida wada taabatay. Madaxweynaha Koofur -Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen oo ay ay soo wadashaqeeyeen madxna ka ah Gobol uu Yariisow wax ku lahaa, waxaan shalay ka soo wada duulnay Baydhowa si uu uga qeyb galo aaska.

Wuxuu ii sheegay Maayga in aan tan oo kale la dhihin Tacsi ee loo yaqaan Ooysin.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo fadhigiisu yahay Hargeysa waxay shucuurtiisu ka tallaabtay soohdinta siyaasadda is diiddan wuxuuna ka tacsiyeeyay geerida Eng. Yariisow.

Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu geerida Duqa Caasimadda uu uga tacsiyeeyay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Walaal kasta oo qormadan akhriya waxaan ka codsanayaa in uu Eng. Yariisow u baryo in Ilaaheey Jannada ugu bishaareeyo isaga iyo hwolwadeennadii Gobolka ee isku goobta lagu weeraray.Sidoo kale waxaan codsanayaa in aan u duceyno dhammaan Soomaalida iyaga oo Qarankeenna u adeegaya gaadmada lagu dilay, iyo kuwa difaaciisa ku dhintay hadda iyo had horeba. Walaalaha gudanaya waajibaadka Xajka, si gooni ah ayaan codsigan ugu soo jeedinayaa.

Dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanayaa, xaqna aan ugu leennahay in ay sameyso baaritaan biyo kama dhibcaan ah. Bulshadana ay u soo bandhigto natiijo si aan leexleexad lahayn u abbaarta ugana jawaabta weydiin kasta oohadda la qabo iyo mid kasta oo la qabi karo.

Sidoo kale, waxaan Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir ugu baaqayaa in adeeg ama goob dadweyne loogu magacdaro Eng. Yariisow, si ay astaan ugu noqoto sooyaalkiisa wanaagsan ee adeegga dadweynaha una adkeyso niyadda inta u damqatay.

Bulshada Muqdisho ku nool iyo Dowladdana waxaan ugu baaqayaa in ay tani fure u noqoto in si dhab ah oo xaldoon ah aan wadajir isu weydiinno muhiimadda koowaadna aan siinno su’aasha ah – sideen nabadgelyo ugu noolaannaa caasimaddeenna?

W/Q: Yuusuf Garaad



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip