Ra'iisul Wasaare Cumar oo Khudbad ka jeediyey daah-furka wajiga koowaad ee dib u eegista Dastuurka KMG.

0
Monday February 15, 2016 - 20:07:23 in Wararka by
  • Visits: 557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Cumar oo Khudbad ka jeediyey daah-furka wajiga koowaad ee dib u eegista Dastuurka KMG.

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada, ayaa maanta khudbad ka hor jeediyey golaha Baarlamaanka , isaga oo faah-faahin ka bixiyey 10-ka cutu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada, ayaa maanta khudbad ka hor jeediyey golaha Baarlamaanka , isaga oo faah-faahin ka bixiyey 10-ka cutub ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo isbadal lagu sameeyey.

Waxana uu sheegay in Xukuumaddu ay diyaar u tahay xaqiijinta wada tashi ballaaran oo lagu dhameeyo dhamaan arrimaha u baahan dib-u-eegis siyaasadeed ee ku jira dastuurka qabyada ah, iyadoo shacabka Soomaaliyeed la dhagaysan doono ra’yigooda gudaha iyo dibadaba.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Tobankan cutub ee ay soo bandhigeen Guddiga ay tahay dib u eegis farsamo oo kaliya ee aysan ku jirin qaybaha Siyaasadda ee u baahan wadatashi iyo heshiis siyaasadeed in laga gaaro.

"Tobankan cutub ee ay soo bandhigeen Guddiga la socodka Baarlamaanka maanta, waa dib u eegis farsamo oo kaliya kumana jiraan qeybta siyaasadda una baahan wada xaajood dhab ah oo ay ka qeyb qaataan dhamaan shacabka Soomaliyeed qeybihiisa kala duwan oo ay ladhabar u yihiin Hay’adaha Dastuuriga ah iyo dawlad goboleedyada, waxaa loo diyaarin doonaa, option paprers " ayuu yiri RW Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlaya ahmiyadda uu dalka u leeyahay Dastuurku ayaa yiri "Xukuumadaydu waxay xaqiijinaysaa ka qeyb qaadashada iyo talaabooyinka ay bidhaaminayaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyeyaasha heer Federal iyo heel Gobol si loo xaqiijiyo Dastuur lagu wada qanacsan yahay, la wada leeyahay isla markaana ka tarjumayo himilooyinka, rabitaanka iyo yadadiilada shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra'iiusl Wasaaraha ayaa sheegay in qabyo tirka Dastuurka uu ka mid yahay waajibaadyada ugu waaweyn ee horyaalla Xukuumadda iyo Golaha Shacabka. " Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo garwaqsanaysa ahmiyadda iyo miisaanka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka uu u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, xasiloonida sayaasadeed ee wadanka iyo horumar dhaqaale oo waara, waxaan u magacaabay arrimaha dib u eegista wasaarad u gaar ah lehna hoggaan dhamaystiran" ayuu yiri RW Cumar.

Sagaalka qodob ee dib u eegista lagu sameeyay ayaa kala ah qodobada 1aad, 2aad, 4aad, 5aad, 10aad, 12aad, 13aad, 14aad iyo 15aad kuwaasi oo u badan dhanka farsamada ah. Waxaana dhawaan la guda geli doonaa qodobada dhiman iyadoo la tashi lala sameyn doono guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

---DHAMMAAD----



IMG 3342
IMG 3359
IMG 3362
IMG 3380
IMG 3453

 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip