Baaritaan ka duwan kuwii hore oo lagu sameeyay qarax maanta ka dhacay Muqdisho + Sawirro
Howlgalka ayaa u dhacay markii ay ciidamada Booliska qeybtooda qaraxyada iyo miinooyinka waxay ku xireen calaamadda aan laga gudbi karin ee loo isticmaalo goobaha ay ka socdaan howlgalada si aanay dadweynaha gaadiidkaba halkaasi u marin.
Qaraxaan ayaa ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladdii Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, kaasi oo lagu magacaabo Muxudiin Maxamed Xaaji Ibraahim isla markaana ku geeriyooday gaariga dhexdiisa.
Gaariga uu watay mas’uulkaan ayaa markii uu qarxayay waxaa agagaarihiisa marayay dad rayid ah, waxaana halkaasi dhaawac ka soo gaaray ilaa saddex ruux oo dad rayid ah, kuwaasi oo lagu dabiibayo isbitaalada Muqdisho.
C/qaadir Barnaamij Guddoomiyaha Xisbiga Kulan oo uu ka tirsanaa marxuumka geeriyooday ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida marxuumka, isagoona cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay qaraxaasi.
Dhinaca kale ciidamada baarayay gaariga qarxay ayaa halkaasi ka qaatay sawirro dhowr ah, iyagoona calaamadiyay qaabka uu qaraxa u dhacay, waxyeelada uu geystay iyo macluumaadyo kale oo la xariira wixii ka dhacay iridda hore ee Isbitaalka Xanaano.
Baaritaan ka duwan kuwii hore oo lagu sameeyay qarax maanta ka dhacay Muqdisho + Sawirro
Ciidamo si gaar ah loogu tababaray baaritaanada qaraxyada ayaa maanta howlgal ka duwan kuwii hore ku sameeyay gaari ku qarxay afaafka hore ee isbitaalka Xanaano oo u dhow isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.