Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda oo lagu qabtay bartamaha magaalada Uganda + Sawirro

0
Monday February 15, 2016 - 18:48:17 in Wararka by
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda oo lagu qabtay bartamaha magaalada Uganda + Sawirro

    Ciidamada Booliska Uganda ayaa maanta oo Isniin waxay xabsiga dhigeen hoggaamiyaha mucaaradka isla markaana ka mid ahaa musharaxiinta jagada Madaxaweynaha Dowladda dalkaasi ee la qabanayo maalinta Khamiista ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Uganda ayaa maanta oo Isniin waxay xabsiga dhigeen hoggaamiyaha mucaaradka isla markaana ka mid ahaa musharaxiinta jagada Madaxaweynaha Dowladda dalkaasi ee la qabanayo maalinta Khamiista ah.

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Uganda Kizza Besigye ayaa xilligii la qabanayay waxa uu ku sugnaa goob ay ku sugnaayeen taageerayaashiisa, halkaasi oo uu damacsanaa hoggaamiyaha inuu khudbad ugu jeediyo taageerayaashiisa.

Kizza Besigye ayaa ahaa Guddoomiyaha xisbiga dhaqdhaqaaqa Dimoqoraadiyada dalka Uganda, isagoona lagu soo eedeeyay inuu carqaladeynayo hannaanka doorashooyinka ee ka socda dalka Uganda.

Hoggaamiyahaan ayaa xarigiisa waxa uu ku soo beegmayaa xilli markii afaraad uu noqday musharaxa jagada Madaxweynaha dalka Uganda doorashooyin horay uga dhacay dalkaasi oo mar kastaba uu ku soo baxayay madaxweynaha hadda taladaasi haya ee Yuweri Musaveni.

Dhinaca kale boqolaal ruux oo ka tirsan taageerayaasha Kizza Besigye ayaa dibadbaxyo ka dhigay waddooyinka magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda, iyagoona si weyn uga hor yimid xariga hoggaamiyahooda oo ay sheegeen inay tahay mid sharci darro, waxayna xireen qaar ka mid ah isu socodka waddooyinka qaarkood.

1234




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip