Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee Xukuumaddii Nuur Cadde oo lagu dilay qarax+Sawirro

0
Monday February 15, 2016 - 18:39:25 in Wararka by
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee Xukuumaddii Nuur Cadde oo lagu dilay qarax+Sawirro

    Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa goor dhow ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa, xilli uu marayay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa goor dhow ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa, xilli uu marayay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Muxiyaddiin Maxamed Xaaji ayaa horay u soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Nuur Cadde.

C/qaadir Barnaamij oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulan oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa u sheegay Jowhar.com in Muxiyaddiin MaxamedXaaji uu haatan ahaa Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaari yar oo kuwa raaxada oo uu watay qarax loogu xiray, kadibna uu qaraxaas ku dhintay.

Ruux kale oo Gaariga la saarnaa ayaa la sheegay inuu isna ku dhaawacmay, waxaana goor dambe gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, kuwaasoo baaritaan wada.

Muxdiyaddiin Xasan Xaaji ayaa xilligan ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulan oo ka mid ah Xisbiyada ka jira Muqdisho

Muxdiyaddiin MaxamedXaaji ayaa xilligan ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulan oo ka mid ah Xisbiyada ka jira Muqdisho

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana horay loogu dilay dad kala duwan oo isugu jiray, saraakiil, xildhibaano, Wariyeyaal iyo dad kale.

wasircade-(1)wasircade-(2)wasircade-(3)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip