Ciyaaryahan C/risaaq oo markii uu gool ka dhaliyay kooxda Lubnaan sameeyay tallaabo ay u qushuuceen daawadayaasha

0
Monday February 15, 2016 - 12:04:39 in Wararka by
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahan C/risaaq oo markii uu gool ka dhaliyay kooxda Lubnaan sameeyay tallaabo ay u qushuuceen daawadayaasha

    Tartanka da' yarta ee ka socda dalalka Jaamacadda Carabta laguna magacaabo JEEM CUP ayaa maraya meel xasaasi ah, iyadoo kooxaha ka qeyb gelaya ay ka mid tahay dhallinyaro ka socota dalka Soomaaliya, kuwaasi oo soo hooyay guulo fara badan isla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka da' yarta ee ka socda dalalka Jaamacadda Carabta laguna magacaabo JEEM CUP ayaa maraya meel xasaasi ah, iyadoo kooxaha ka qeyb gelaya ay ka mid tahay dhallinyaro ka socota dalka Soomaaliya, kuwaasi oo soo hooyay guulo fara badan isla markaana muujiyay karti iyo firfircooni soo jiidatay ciyaartoyda ka socotay dalalka kale.

Ciyaarta shalay oo u dhaxeysa kooxaha Soomaaliya iyo Lubnaan isla markaana qeybteeda dambe mareysa ayaa waxaa ku horeysa xulka dhallinyarada Somalia 1-0 Lubnaan.

cabdirisaaq

Laacibka lagu magacaabo C/risaaq oo isagu madaxa ku dhaliyay goolka laga dhaliyay dhigooda dalka Lubnaan ayaa isagu halkaasi ka sameeyay tallaabo ay u qushuuceen daawadayaasha ciyaartaasi ka dib markii uu shumiyay calaamadii garabka ugu xirneyd oo ka sameysan calanka dalkiisa hooyo ee Soomaaliya.

Dhinaca kale xulka Soomaaliya ayaa kaalimaha hore uga jira tartankaan JEEM CUP, iyagoo muddo saddex goor ah oo ay ciyaareen inta badan ay guulo ka soo hooyeen




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip