Madaxweynaha Somaliland oo isku Shaandheyn ku sameeyay qaar ka tirsan Golaha Xukuumadda

0
Monday February 15, 2016 - 11:03:58 in Wararka by
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo isku Shaandheyn ku sameeyay qaar ka tirsan Golaha Xukuumadda

    Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa sameeyay isku Shaandheyn ku aadan qaar ka tirsan Golaha Xukuumadda, kadib Bayaan xalay goor dambe ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa sameeyay isku Shaandheyn ku aadan qaar ka tirsan Golaha Xukuumadda, kadib Bayaan xalay goor dambe ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu xilkii ka qaaday Wasiirkii Ganacsiga Muuse Qaasim, Wasiir ku-xigeenkii Xiriirka Golayaasha Mowliid Maxamed, Maareeyihii guud ee Wakaaladda madbacadda qaranka Cabdillaahi Carey, iyo gudoomiyihii Gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shide, waxaana xilalkaasi loo magacaabay mas’uuliyiin cusub.

Bayaanka uu Madaxweynaha soo saaray, ayaa sidoo kale waxaa lagu cadeeyay in isbedel lagu sameeyay qaar ka tirsan Golaha Xukuumadda.

Wasiirkii Warfaafinta Cabdillahi Cukuse waxaa laga dhigay wasiirka xanaanada xoolaha, halka wasiirka cusub ee Warfaafintu uu noqday Cismaan Cabdillaahi Saxardiid oo hore u ahaa wasiirka duulista hawada.

Wasiirkii hore ee xanaanada xoolahana Cumar Maxamed Faarax waxaa loo magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda duulista hawada.

12717328_907447772702410_2466763436007828526_n





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip