Michael Keating "Waxaan taageeraynaa kaliya go'aanka Dowladda Somaliya"

0
Monday February 15, 2016 - 10:47:17 in Wararka by
  • Visits: 566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Michael Keating "Waxaan taageeraynaa kaliya go'aanka Dowladda Somaliya"

    Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Somaliya Michael Keating, ayaa si cad u sheegay inay taageerayaan go'aanka Dowladda Federalka Somaliya ee ku aadan Doorashada sanadkan dhaceysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Somaliya Michael Keating, ayaa si cad u sheegay inay taageerayaan go'aanka Dowladda Federalka Somaliya ee ku aadan Doorashada sanadkan dhaceysa.

Keating oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Baydhabo, ayaa qiray inay jirto kala duwanaansho dhanka ra’yiga oo ku saabsan Nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceysa Sanadkaan, balse hadii ay yihiin Qaramada Midoobay ay taageerayaan go’aanka Dowladda.

Waxa uu tilmaamay Wakiilka Qaramada Midoobay Arimaha Somaliya go’aanka la gaaray inuu yahay mid ay gaareen Dad Somaliyed oo aysan aheyn wax ay wadato Beesha caalamka.

"Dabcan waxaa jiro kala duwanaansho ku aadan qaabka doorashada ee sanadkaan, waxaana jira aragtiyo kala duwan oo ku saleysan haddii ay ahaan laheyd aqalka sare ama aqalka hoose, laakiin waxaan cadeynayaa nidaamka doorashada ma ahan mid caalamka uu wato ee Soomaalida ayaa iska leh, kaliya waxaan nahay dad taageeraya go’aanka dowladda Soomaaliya, kaasi oo aan aamisanahay inuu muhiim u yahay dhinaca amaanka iyo waajibka dowlada Soomaalida oo ah iney horey usii waddo horumarka dhinaca amaanka.”Ayuu yiri mr Keating.

Maamulka Puntland ayaa ilaa hada ka biyo diidsan go’aankii lagu gaaray Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee 27-kii Bishii aan soo dhaafnay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.

Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, ayaa qaatay go’aankaasi iyaga oo sheegaayay in lagu qasbay.

Doorashada sanadkaan dalka ka dhaceysa ayaa noqonaysa mid ku saleysan nidaamka 4.5, iyadoo Aqalka sare lagu saleyn doono Hab deegaan sida heshiiska uu ahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip