WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO ISNIIN 15-KA FEBARAAYO 2016-KA

0
Monday February 15, 2016 - 08:55:06 in Wararka by
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO ISNIIN 15-KA FEBARAAYO 2016-KA

    MADAXWEYNE XASAN: XOOGAGGA BOKO HARAM WAXAY TABABARRO KU QAATAAN GUDAHA SOMALIYA Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxmuud oo ka Hadlayay shalay Shirka ka socda Magaalada Munich ee Dalka Jarmalka ayaa sheegay in dagaalyahanada kooxda Boko Haram la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN: XOOGAGGA BOKO HARAM WAXAY TABABARRO KU QAATAAN GUDAHA SOMALIYA Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxmuud oo ka Hadlayay shalay Shirka ka socda Magaalada Munich ee Dalka Jarmalka ayaa sheegay in dagaalyahanada kooxda Boko Haram lagu tababaro gudaha dalka Soomaaliya, ka hor inta aysan dagaalladooda ka billaabin Nigeria.

Xasan Sheekh ayaa hadal uu shirka ka jeediyay ku sheegay in Somaliya ay dagaal adag kula jirto Musuq maasuqa iyo Alshabaab, uuna haatan Dalku Sameynayo horumarro dhinacyo badan ah, sida inay abuureen maamulka maaliyadda dalka.

"Haddii aysan Soomaaliya xasilin, dalalka gobolka oo dhan iyo kuwa Afrika waxay ku jiri doona an xasillooni darro. Waayo waxaa jira caddeymo la hayo oo sheegay in qaar ka mid ah dagaalyaha nnada Kooxda Boko Haram lagu Tababbaro Somaliya, markaas ka dibna dib loogu celiyo Nigeria,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri.. "Kooxaha argagaxisada ah waxaa ka dhexeeya xiriir adag iyo iskaashi mug weyn, sidaa awgeed innaguna waxaan ka doonaynaa Caalamka inay iska ashi nala sameeyaan si argagaxisada loo jabiyo.”

Dhanka kale, Hadalka Madaxweyne Xasan ayaan caddeyn inuu ula jeedo in Alshabaab ay tab abarto xoogagga Boko Haram iyo in kale, Maadaama Kooxda Boko Haram ay Xiriir la leedahay ISIS, halka Alshab aab ay kasoo Horjeedo Daacish oo ka Dagaallanta Ciraaq iyo Suuriya.

Ugu dambeyn, Alshabaab oo xiriir la leh Ururka AlQaacida ayaa Muddo Sannado ah la dagaall amaysay Dowladda Somaliya si ay xukunka uga tuurto, si ay dalka ugu soo rogto ku dhaqanka sharecada Islaamka, bal se sannadihii lasoo dhafaay ayaa kooxda laga qabsaday dhul ballaaran oo ay awood ku lahayd.

WASIIRADA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA QARANKA OO LAGU WARGELIYAY IN TALAADADA AY BAARLAMAANKA HOR YIMAADAAN

Wasiirada Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa waxaa lagu wargeliyay in maalinta Talaadada ay horyimaadaan Xil dhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Tani waxay ka dambeysay markii Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye ay kulankii Baarla maanka ee shalay ka hor sheegtay inay qabaan su’aalo iyo cabasho la xiriirta, qorshihii toddobaadkii hore uu ku dhawaa qay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee la xiriiray in la baaro Xildhiba anada Baarlamaanka Somaliya, marka ay ka dhoofayaan Garoonka Aadan Cadde.

Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad Baarlamaanka Somaliya, Jeylaani Nuur Iikar oo ka jawaabaay ay soo jee dinta Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa sheegay in arrintaasi loo baahan yahay inay ka jawaaba an Wasiirada ku shaqada leh.

Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa tilmaamay in Wasiiradaasi maalinta Talaadada oo taariikhdu ay ku beeg an tahay 16-ka bishan laga doonaayo inay yimaadaan Xarunta Golaha Shacabka, si ay ka ga jawaabaan su’ aalaha Xildhibaanada.

Inkastoo Madaxda Dowladda Somaliya aanay si rasmi ihi ugu dhawaaqin in laga laabtay baarit aanada Xildhibaanada, ayay hadana kulan ay yeesheen isugu waafaqayn in laga noqdo baaritaanad aasi.

Xildhibaanada, ayaa waxay qaarkood si xoogan uga caroodeen in wax baaritaan ihi lagu same eyo, wax ayna taasi ku tilmaameen mid ka dhan ah xasaanadooda Xildhibaanimo.

Dastuurka Qaranka, ayaa waxaa uu amrayaa inaanan la baari karin, lana taaban karin oogada Mudan ayaasha Baarlamaanka, in la baarana waxay Xildhibaanadu u arkaan xadgudub ka dhan ah Dastuurka.

CIIDAMADA CIRKA SOMALIYA OO SHALAY XUSAY SANNADGUURADII 56-AAD EE AASAASKOODA

Ciidamada Cirka Soomaaliya ayaa Shalay u Dabaaldagay Sannadguuradii 56-aad ee kasoo Wareegtay markii la Aasaasay, waxaana Xafladda Dabaaldagga ka qaybgalay RW ku xigeenka Som aliya Maxamed Cumar Carte & Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini.

RW ku xigeenka Soomaaliya oo Hadal ka jeediyay Munaasabadda, ayaa u si gaar ah u ugu ma hadnaqay ciidanka qalabka sida ee Somaliya, gaar ahaana ciidanka cirka Soomaaliya iyo Qoysas kooda.

Sidoo kale, Carte ayaa ka hadlay muhiimadda ay ciidamada Cirku u leeyihiin DFS iyo sida ay u gu baahan yihiin in lasoo celiyo Sumcaddii iyo Sharaftii ay Horay u lahaayeen, isagoo u mahad cal iyay dhamaan sara akiishii Soomaaliyeed ee ka qaybqaatay dhismaha ciidanka Cirka Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay Haweenaydii ugu Horreysay ee Soomaaliyeed oo Duuliye ka noqota Ciida mada Cirka Soomaaliya, Dhamme Asli Calanside.

"Waxaan ka xumahay in Xaruntii Wasaaradda Difaaca Somaliya iyo Xaruntii ciidanka cirka Soomaaliya ay sidan u burbursanaato, waxaan idinka codsanayaa in la dhiso xaruntaas oo Sann adka dambe ay sidaan ka duwanaato, si loo xuso taariikhdii ay lahayd. Dalkaan wixii sababay bur burka dalkan, waxaa ka mid ahaa cadaaladxumo iyo siyaasadxumo, waxaana muhiim ah inay inn aga go’naato inaysan taasoo kale dib inoogu soo laaban,” ayuu yiri RW ku xigeenka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ciidanka Cirka Somaliya ayaa waxaa la Aasaasay sannadkii 1960-kii, iyagoo ka soo Qayb qaatay Halgankii iyo Horumarkii uu Waddankaan lahaa, Waxaana si gaar ah loo xusi ka raa gacantii ay ka gaysteen fatahaadihii dhacday Sannadkii 1962-kii iyo Abaartii dabadheer ee Sann adkii 1974-kii.

MURAN XOOGGAN OO KA DHASHAY GEERIDA XAAKIM KA TIRSANAA MAXKAMADDA SARE EE MAREYKANKA

Muran Xoog leh oo ka dhex Qarxay Madaxweynaha Mareykanka, Barack H. Obama iyo musha rraxiinta Xisbiga Jamhuuriga ah ee Mareykanka, ka ddib markii uu Geeriyooday Xaakim muddo Fog ka Tirsanaa Xaa kimiinta Maxkamadda ugu Sarreysa Dalka Mareykanka.

Antonin Scalia oo 79-sano jir ahaa, ayaa si weyn u diidanaa Dumarka ilmaha iska soo rida iyo Dadka isku Jinsiga ah ee isku Galmooda. Waxayna Geeridiisaan ay ka dhigan tahay in Muxaafidiinta Wadanka Mareykanka oo uu ka mid yahay xisbiga Jamhuuriga ay lumiyeen Aqlabiyaddii ay ka lahaa yeen Maxkamadda Mareykanka ugu sarreysa.

Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay inuu Fulinayo Mas’uuliyadda Dastuuriga ah ee saaran, uuna u magacaabayo Xaakimkii bedeli lahaa Antonin Scalia, laakiin Murashaxiinta Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku baaqay in Magacaabidda Xaakimka cusub dib loo dhigo, illaa ay ka dhacayso Doorashada Madaxnimo ee November dhici doonta.

Sidoo kale, Obama ayaa la filayaa inuu diidmo adag kala kulmo xubnaha Aqalka Senateka Mar eykanka oo ay Hadda u badan yihiin Xubnaha Jamhuuriga ah, kaas oo laga doonayo in uu Ansixiyo Xaakimka uu Madaxweynuhu u magacaabayo xilkaas.

Xaakimka geeriyooday, Antonin Scalia ayaa waxaa loo Magacaabay inuu noqdo Xaakimka Max kamadda Sare ee Dalka Mareykanka Sannadkii 1986-kii, waxaana xilka u magacaabay Madaxweyn ihii hore ee Mareykanka, Ronald Reagan.

Dhinaca kale, Antonin Scalia ay iska dhaleen Hooyo Mareykan ah iyo Aabbe Talyaani ah kasoo jeeda ayaa wuxuu noqonayaa Garsoorihii ugu horreeyay oo Italian American ah oo loo magacaabo Xaakimka Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka.

Jagooyinkii kale ee uu Xaakimkaan horay u soo Qabtay, ayaa waxay kala ahaayeen iyadoo Ma daxweynihii hore ee Mareykanka Richard Nixon uu u Magacaabay Sannadkii 1971-kii la taliyihii is gaarsiinta xafiIskiisa. Waxaana sidoo kale Reagan uu magacaabay garsooraha Maxkamadda Degm ada Columbia, Missouri, Jagadaasoo uu hayay illaa looga Magacaabay Xaakimka maxkamadda sa re sannadkii 1986kii.

Ugu dambeyn, Sclaia oo ay u dhaxday Maureen McCarthy oo 48-jir ah ayaa ifka uga tagay Sag aal Car ruur ah oo uu dhalay iyo 28 Carruur ah oo aysii dhaleen oo uu Awoowe u ahaa, kuwaasoo dhammaantood ku nool dalka Mareykanka.

DIYAARADDA TURKISH AIRLINES OO MAANTA KA SOO DEGATAY GAROONKA DIYAARADAHA MUQDISHO

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa shalay si lama filaan ah uga soo degatay garoonka diyaarad aha Aad an Cadde ee magaalada Muqdisho, 12 maalmood ka dib markii qarax lala eegtay Diyaarad da Daallo Airlines, xilligaasoo siday rakaabkii Diyaaradda Turkish Airlines.

Sida ay sheegayaan wararka diyaaradda Turkish Airlines ayaa waday rakaab iyo xamuul ay ka soo qaaday magaalada Istanbul, waxaana dib u bilaabadeeda duulimaadkeeda Muqdisho ay me esha ka saareysaa wararkii sheegayay inay gebi ahaanba joojisay duulimaadka.

Ammaanka garoonka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo mar kaliya dadku ka war heleen diy aarada oo soo caga dhigatay garoonka.

Afhayeen u hadlay Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa horay u sheegay in diyaarad ooda ay u baaqatay maalintii qaraxa dhacayay cimilada oo xumeyd.

Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay Shirkadda Turkish Airlines oo ku aadan dib u bilaab ida duulim aadka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

AlShabaab oo maalintii shalay ka soo saartay war rasmi ah qaraxii diyaaraddii Daallo Airlines ayaa sheegtay in weerarkaas uu ku wajahnaa diyaaradda Turkish Airlines, ayna bartilmaameed saneysay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka reer galbeedka iyo Saraakiisha Turkiga ee ka tirsan Gaa shaanbuurta NATO.

Turkish Airlines ayaa ah diyaarada kaliya oo caalami ah oo duulimaad rasmi ah ku timaada magaalada Muqdisho, iyadoo sanadkii 2012 ay bilowday duulimaadkeeda.

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, iyadoo ay mag aalada Muqdisho ka howl gasho Safaaradda Turkiga, Hey’adaha kala duwan ee Turkiga, waxaana ay gacanta ku ha yaan Isbitaalo iyo goobo caafimaad ay ka hirgeliyeen Caasimada Soomaaliya

RA’IISUL WASAARE CUMAR C/RASHIID OO MUQDISHO KULA KULMAY WASIIRKA CIIDAMADA EE UK.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa shalay kulan la qaatay Wasiirka Ciidamadda ee Ingiriiska Penny Mordaunt, Safiirka u fadhida Soomaaliya Danjire Harriet Mathews, waxaana ay ka wada hadleen horumarka ay gaartay Soomaaliya iyo doorka muh iimka ah ee dawladda UK ku leedahay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan dhismaha Ciidamadda .

Kulanka Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid iyo Wasiirka Ciidamadda ee Boqortooyada Ingiriiska Penny Mordaunt, ayaa waxaa diiradda lagu saaray sida ay dawladda Soomaaliyeed uga go’an tahay in mar walba ay ka faaiideysato taageerada ay la garab taagan tahay boqortooyada Ingriisku. Wax aana uu Ra’iisal Wasa aruhu tilmaamay in loo baahan yahay marka la tababaro Ciidamadda in loo helo qalab dhamaystiran oo ay ku howlgalaan.

"Waxaan isla soo qaadnay sidii Boqotooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya xiriirka ka dhaxeeya loo adkayn lahaa loona xoojin lahaa taageera dhanka Amniga,hormarinta siyaasada dawladda, iyo Dhagaalaha. Soom aaliya waxay gashay weji cusub oo horumarineed, caalamkuna waa inuu sidaas u ogaadaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo uga mahad celiyay Mordaunt booqashada ay ku timid dalka Soomaaliya.

Waxaana Ra’iisal Wasaaraha oo weheliyey Wasiirka Gaashaandhigga ay xuseen in dawladda Soomaaliya ay ku hanweyntahay in caalamku taageero qorshaha ku aadan Amniga iyo horumarka dalka ee dawla ddu Soomaaliya wado. Waxana uu kulankii labada dhinac ku dhamaaday isfaham buuxa iyo ballanqaadyo ku aadan wada shaqeynta labada wadaan ee UK iyo Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiirka Ciidamadda Boqortooyada Ingiriiska Penny Mordaunt, ayaa u mahad celisay dawladda Soomaaliya sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho, Iyadoona shee gtay in ay ka wada hadleen sidii looga taageeri lahaa Amniga, Cadaalada, iyo Maamulka dhaqaala ha.

QM OO BAAHISAY WARBIXIN GAAR AH OO KA HADLAYSA KHASAARAHA 2015-KII GAARAY RAYIDKA AFGHANISTAN

Qaramada Midoobay ayaa shalay sheegtay in 3,500 oo Shacab ah lagu dilay Sannadkii la soo dhaafay ee 2015-ka oo keliya Dalka Afghanistan, iyadoo la dhaawacay in ka badan 7,500 oo qof, Taasoo Afar jibbaar ka badan tirada dadkii ku dhintay colaadda dalkaas Sanadkii 2014-kii.

Kaaliyaha Madaxa hawlgalka QM ee dalka Afghanistan [UNAMA] ayaa sheegay in tirada shacabka waxyaalladu kasoo gaartay Sannadkii la soo dhaafay Colaadda Dalkaas ay Tahay tii ugu badnayd ee ay Diiw aangeliyaan tan iyo markii howsha Diiwaangelinta dhibaatada soo gaara rayidka ay ka billaabeen dalkaas san adkii 2009-kii.

Sidoo kale, UNAMA ayaa xustay in khasaaraha rayidka gaaray ay inta badan ka dhasheen Qar axyo iyo Weerarro kale oo ay Kooxaha isku haya Dalkaas ka geysteen Magaalooyinka Waaweyn iyo Goobaha ay Shacabku ku badan yihiin.

"Kooxaha kasoo horjeeda Xukuumadda Kapul ayaa geystay khasaaraha rayidka soo gaaray intiisa ba dan. Waxayna 62% ka noqonayaa khasaaraha soo gaaray Raydka, taasoo 10% ka badan khasaarihii shacab ka kasoo gaaray coladda ay ku lug leeyihiin kooxahan sannadkii 2014-kii,” ayaa lagu yiri Warbixinta QM.

QM ayaa intaas ku dartay in Kooxda Taliban ay 10% sababeen Sannadkii hore Khasaaraha soo gaaray shacabka Afghanistan, iyadoo intaa raacisay inay ka dhasheen waxyeellooyinka ugu bad an Qaraxyo iyo iska horimaadyo ka dhacay Dalkaas.

"Xoogagga kasoo horjeeda dowladda waxay Waxyeello u geysteen 1,854 qof oo shacab ah. Taa soo noqonaysa 17% khasaarahan inay sababeen xoogagga kasoo horjeeda Xukuumadda Kabul,” ayuu yiri madaxa xuquuqda aadanaha ee UNAMA, Danielle Bell.

Madaxa hawlgalka UNAMA, Nicholas Haysom ayaa shalay Warfidiyeenka ugu sheegay mag aalada Ka bul ee Xarunta Dalka Afghanistan in Warbixintaan ay soo Bandhigeen ay la wadaageen ka hor intii aysan soo bandhigin dhamaan kooxaha isku haya dalkaas oo ay ku jiraan Ciidamada Xuk uumadda iyo ururka Taliban.

"Ujeeddeena Warbixinta ma ahan inaan ceebeyno ama eedeyno dhinacyada ku dagaallama Dalka Afghanistan, balse waa inaan muujinno khasaaraha soo gaara shacabka iyo kooxaha sababta u ah… waayo hadafkeenna koowaad waa inaan isku dayno inaan wax ka beddelno Waxyaabaha ka dhacaya gudaha Afghanistan,” ayuu hadalkiisa raaciyay Nicholas Haysom.

Dhanka kale, Wrabixinta UNAMA ayaa lagu xusay in 37% khasaaraha soo gaaray Rayidka Afg hanistan ay yihiin Haween, Halka 14% ay yihiin Carruur. Tiradaas inta kasoo Hartayna ay ahaayeen Rag da' walba leh.

Ugu dambeyn, warbixintan ayaan lagu xusin doorka ay khasaarahan Shacabka Afghanistan soo gaaray ku leeyihiin Ciidamada shisheye ee ku sugan Dalkaas.

KANADA OO KA LAABATAY QORSHE MUWADIN SOMALI LOOGU GACAN LAHAA MARAYKANKA

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Federalka ee magaalladda Calagary ee dalka Kanada ayaa laalay qorshe Imaam Cabdi Xersi loogu masaafurin lahaa dalka Maraykanka oo ay ka taallo dacwad la xiriirta fal kuf si oo geystay mar uu ku noolaa Maraykanka.

Eedeysanaha oo ah Hoggaamiye caan ka ah Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalka Kanada ayaa la sheegay inaan xilligan loo gacan gelin doonin Hay’adaha Garsoorka ee Maraykanka, oo iya gu sheegay inuu Nin kaasi 2 haween ku fara xumeeyey mar uu ka shaqeynayey Isbitaal ku yaalla Gobalka Minnesota sannadkii 2006-dii.

Imam Cabdi Xersi waxa uu sheegay inuusan Dembi Lahayn, isla markaana uu mar uu iskiisa u tegay dalka Mraaykanka si uu u wajaho Eedeymaha lagu soo oogay, balse dib loogu soo masafur iyey Kanada.

Dhinaca kale, Dowladda Kanada waxay horey kala laabatay Iimaam Cabdi Xersi Aqoonsigii Qa xootinim adda, balse waxa uu ka qaatay Rafcaan, isagoo ku guuleystay in loo soo celiyo Aqoonsigii Qaxootinimadda uu ku joogay dalka Kanada.

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Federalka ayaa bishan Feberaayo 12-dii ku dhawaaqay inuu sii joogi karo Kanada, waxaana Kiiskaasi go’aan Kama Dambays ah ka gaari doona Xubnaha Gudd iga Qaxootiga iyo Socdaalka ee dalka Kanada,

FINLAND OO DEJISAY QORSHE LAGU SOO CELINAYO QAXOOTIGA DOONAYA INAY DIB UGU SOO LAABTAAN DALKOODA HOOYO.

Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Finland, Päivi Nerg, ayaa shaaca ka qaatay inay socdaalaan Dadaalka lagu maareynayo Duullimaadyadda Dadka Maga ngelyodoonayaashii hore ee iskooda u go’aansaday in ay ku laabtaan dalalkooda hooyo.

Waxay intaasi ku dartay inay Wasaaradda Arrimaha Gudaha haatan isku duwayso Duull ima adyo ay iska kaashanayaan Safaaraddaha Shisheeyaha dadaalka Dib u celinta dadkaasi.

"Weli Xilli Taariikheysan lama dejinin, laakiin, haddii ay wax kasta ku socdaan qaabkii loo qor sheeyey, Duullimaadyada ugu horreeya waxaa laga yaabaa inay bilowdaan Toddobaadka soo soc da” ayey tiri Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Finland, Päivi Nerg.

Waxay intaasi ku dartay in 4,000 oo qof ayaa horey uga soo dhoofeen dalka Finland, kuwaasi oo ay sheegtay inay iska bixiyeen Kharajka Diyaaraddaha.

Mar wax laga weydiiyey Qaxootiga ay sheegtay in Rabitaankooda loogu celinayo dalalka ay u dhasheen, waxay carrabka ku dhuftay inay ka soo kala jeedaan dalalka Somaliya, Afganistan iyo Ciraaq.

"Wada xaajoodiyo Heshiis muddo dheer socday ayaan isla galnay, waxaana aad u dheera aday Wada hadalkii dadka u dhashay Ciraaq” ayey tiri Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrim aha Gudaha ee dalka Finland, Päivi Nerg.

Waxay kaloo sheegtay in inta badan dadka doonaya inay dalalkooda ku laabtaan yihiin Dhall inyarada qaangaarka ee keligooda soo socdaalay, kumana jiraan qoysaska ilmaha leh.

DOWLADDA KENYA OO LOOGU BAAQAY INAY MAG SIIYAAN QOYSASKA ASKARTII LAGU DILAY CEELCADDE.

Hoggaamiyayaasha Degmadda Tran Mara ee Gobalka North Rift Valley ee dalka Kenya, kuna dhow xu duudka dalka Tanzania ayaa baaqaasi ka jeediyey Guriga uu lahaa Sarkaal la oran jirey Elias Kirionki, kaasi oo ka mid ahaa Askartii Kenyanka ee bishii hore ee Janaayo 15-dii lagu dilay Weerarkii Alshabaab ku qaade en Ciiddankii Kenyanka ee ku sugnaa Xero ku taalla Deegaanka Ceel cadde ee Gobalka Gedo.

"Waxaan Dowladda ka codsanaynaa inay sii wadaan bixinta Mushaaraadka Saraakiisha iyo Askarta lagu dilay iyagoo difaacayey dalkooda” ayuu yiri Sarkaalka Adeegga Dadweynaha ugu qaab ilsan Milliteriga Kenya, Leboo Morintat.

Waxa uu intaasi ku daray inay Tallaabadaasi ku dhiirigelinayso saaxiibadooda kale inay noqd aan Wad daniyiin u taagaan inay dalkooda ka difaacaan gardarradda gudaha iyo Dibedda.

Josel Tasur oo ah Siyaasi ka hadlay Munaasabadda ka dhacday Degmadda Tan Maran ayaa u gu baaqay Dowladda Kenya inay il gaar ah ku eegaan Qoysaska gablamay, isla markaana aan dib loo dhigin Taageeradda lagu dhisayo Mooraalkooda.

Waxa uu intaasi ku daray inay Tallaabadaasi tahay tan keliya ee ay Dowladda ku daryeeli karto qoy saska Askarta ay Alshabaab dileen, wuxuuna dhinaca kale sheegay inuu Ajendaha Alshabaab yahay inay khalkhal geliyaan Deganaanshaha dalka Kenya iyo dalalka kale.

Hoggaamiyayaasha deegaankaTran Mara oo u badan kuwa ka soo jeeda Qabiilka Masayga ee Kenya waxay ugu dambeyntii Farriin u direen Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha dalka So maliya oo ay ugu baaq een inay Feejignaan dheeri ka qabaan weeraradda ay Alshabaab habeen iyo maalin ku soo weerari karaan.

(LAYAABKA & SAWIR): MATAANAYAASHA UGU DA’DA WEYN CAALAMKA OO 104 SANNO JIRSADAY.

Somone Thiot iyo Paulette Olivier waa haween Mataano ah oo u dhashay dalka Faransiiska, kuwaasi oo haatan da’doodu tahay 104-jir.

Bishii January ee sannadkii 1912-kii ayey dhasheen labo sanno ka hor inta uusan bilaabaninin Dagaalkii Koowaad ee Caalamka.

Paulette iyo Simone waxay ku dhasheen bartamaha Tuulladda Limeray abaarihii 11:00 barqa nimo ee bishii January 30-dii ee sannadkii 1912-kii.

Hooyadooda oo la oran jirey Marie Lamolie waxay ahayd qof dharka samaysa, halka Aabah ooda Joseph ahaa Faryaamo ama Nijaarle (A carpenter)

Markii ay Mataanayaasha dhasheen, waxay Dhakhaatiirta sheegeen inay fursad kooban u leey ihiin Mataanayaasha si ay ubadbaadaan oo ay sii noolaadaan.

Balse 104 sanno ka dib, weli waa nool yihiin oo si xoog leh u socon karaan.

Mataanayaasha waxay dhawaan u dabaal degeen 104-sanno guuradda dhalashadooda, waxaana u soo hambalyeeyey Maamulka Degmadda iyo Dadka Deegaanka, kuwaasi oo Mataanay aasha ku soo booqday Guriga Dadka Hawlgabka oo ku yaalla Degmadda Onzain ee Bartamaha Faransiiska.

Mataanayaasha waxay sheegeen inay weli nool yahay, isla markaana ay had iyo jeer si dhow iskula joogaan.

Labada Mataane oo aan awlaad dhalin, waxay sheegeen inay yihiin dad da’ ah oo keli u nool, isla markaana aysan jirin dad soo booqda.

Waxay sheegeen inay Laba qol kala seexdaan, oo aydhowrtaan Xorriyadooda, waxa keliya oo aan u baahanahay inaan ka gudubno jidka, si aan isku aragno oo uu midba kan kale ula hadlo.

Paulette iyo Simone waxay inta badan waqtigooda ku bixiyaan inay ka hadlaan Xaalladaha haatan jira, Wax Akhris, Daawashadda Telefishinka iyo dhegeysiga Muusikada.

Ma cabaan Khamriga, waxayna sheegeen markii ay da’da yaraayeeen inay Jimicsan jireen, isla markaana ay wadan jireen Baskiil.

Simone, waxay si caadi ah u qortaa Gabayadda, oo ay ku kaydisaa Buugaagta qoraalka.

Mataanayaasha halka walaal ee la dhashay waxa uu ku geeriyooday shil gaari isagoo 99-jir ah.

WAXAA TURJUMAY: AHMED HAGI UGAASKA



NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARTAXIYAAN 

{SHEEKOTAXANE AH}

Q/67aad

Raxma in yar ayey geed ka mid ah geedihii ku yaalay tiy aatarka qaran ay sal dhigataywaxaana ugu timid saaxiibteed Bushra , inta la isku soo boodayoo la is dhun dhunkadayda badeedna la is marxabbeeyey ayey u soo dhaqaaqeen dhina ca boorkasi loo ogaado habeenkaa riwaayadda socoto iya doo ay habeenkaana tiyaatarka qaranka ay ka socotayriway ad hal ku dhiggeedu yahay {Xuskii Jaceylka}.

Ka dib waxaa la isula dhaqaaqay daaqaddii Tikidhada laga ibsanlahaa waxaayna soo iibsadeen 2 tikidho ah , iyagoo gud aha u gakleen Tiyaatarka Qarankaiyagoo sal dhigtay kuraas tiiTiyaatarka dhex taalay 2 ka mid ah waliba 2 isku dheega noo qeybta dhexda ah .

Xilliga wuxuu socdaba oo ay saacaddii isa soo gurtaba waxaa la gaaray 8:00 habeennimmowaxaana la bilaabay showgii Riwaayadda ka horeeyey.Raxmo iyo Saaxiibteed Bu shrana waxaa isugu baxday sheeko in cabbaar ah ka dibmar kii la dhgeystayC/qaadir ayaa wuxuu soo galay gudaha tiyaa tarka, sidii uu u soo socday wuxuu fariistay kursigii ga badhii Raxmaaheyd ku dhegganaa , Raxmana ma ay fahmini nan ka soo barbar fariistay.

C/qaadir waxaa uu fahmay markii lammaanihiisa Raxmo ay hadashaydurbadiiba salaam buu ku boobay kolii Raxmo la salaama inta faraxd darted is heyn kari weyday ayeylamm aanaheedaC/qaadir dhunkasho ku boobtay ilowdayna saaxi ibteedbushra iney dhinaceeda fadhido. Intaa ka dib waxaa ay is bartaylammaanaheeda C/qaadir iyo Saaxiibadeeda Bu shrain cabbaar ah ka dibwaxaa la bilaabayRuwaayaddii la magac baxday {XUSKII JACEYLKA} oo ay hoboollada qaran ka soomaaliyeed ay dhigayeen waxaana ay habeenkaa libsat ay xalaawiyad iyo macmacaan u badan sida lows,Garaziina, shukulaato,buskud,I cun,ii iyo kuwo kale waxaana in daqaiiq ado ah ka dib lammaanayaashii is Jeclaa ee Raxmo iyo C/q aadirwaxaa u bilowday kaftaniyo haasaawihii macaanaa oo ay isku yaqaaneeniyadoo habeenkaa hadalka uu daah furki isa bilowday gabadhii Raxma aheydiyadoo ku bilowday sida tanwaxayna tiri:

C/qadir Abboowe Macaane Aaad baan kuu Jecelahay oo aan kaaga helayXusuusteeydana kama aad faaruqeydid, hab een walba xilliga jiifka oo adigaa ku brogarameysan miro dheeman la moodyoow.

Waxaa gidaarada wadanaheyga iyo qalbigeygaba ku qor an oo ka dhaqmi waayey hadalladaadamacaan ee aad igula haasaawi jirtaygacaliye C/qaadir, wiil aan si fudud ku ilaawi karo ma aad tihidwaxaana u hiloobay aragtidaada , waxaana cuntada iyo hurdada ila qeybsada xusuustaada farxadda igu igu beertaymarka aan ku soo xusuusto aad baan ula yaabaa dabeecaddada wanaagsan iyo daacadnnimadaada waana ilm eeyaaoo weli arlada kuma aanan arag wiilkula mid ah runtii ilaa iyo maalintii aan caqliga yeeshay ayaan ku fikiray inaan helo wiil ii daacad ahoo aan wada beerno nolol cusub iyo Ub ax Curdin ah oo Fiid Qurx badanla soo baxa.

Sida aroorta waaberiga oo kale nuur indhaha u roonla soo baxay ilaa iyo haddana faraha kuma aan hayo waase jiraan wiilal aan horey u soo wada hadal wadaagnay oo aan rafiiq nay laakiinma eysan aheyn kuwa iidaacad ah. Marka inta aan niyad jan aan ka qaadi lahaa ayaan waxaan door biday in aan isaga haro xabiibkaan jeclaayoow.

Gacaliye C/qaadirAbboowe Macaane jaceylka waxaan u aqaanaa inaan la noolaado shaqsiga aan jeclahay ,iyadoo be en, naf jecleysi iyo qiyaano aan lagu wada socon,Jaceylka no ocaan ahna nafteyda ayaan u hibeeyaa laakiin waa inaan he laa mid u dhigma mana aan rabo inuu igu koobnaado kalig eey .Midda kale Gacaliye C/qaadir,Jceylka xummaankumaku ma sameeyo qalbiga iyo naftaa deris la ah , balsewaa uu qaddariyaa oo aanunoqono kuwo is qaddariya mar walba

Midda kale Mcaane C/qaadir aad baan u aqaannaa qiim aha bani’aadminnimada iyo qaddarinta Jaceylka uu leeyahay mana aan jecli inaankuugu xadgudbo aniga Raxma ah ,wax aana aan jecelahay inaanu noqonno lammaanayaal isku qeyb ,isku quud iyo isku firaash ah, inan iska kaa xummeeyana marnaba ma aan jecli walaaloow, ogoowna maalintaan ku ar ko ineey maalmaha kale iiga qiimo iyo farxad badan tahay, mana aan jecli qof I jecel ama aan jecelahay in aan waddada ugu tago amauu waddada iiga tago haddiise C/qaadiroow shaqsiku jecel uu hortaada ku ilmeeyo jaceyl uu adiga kuu qabo daraaddiis maxaad sameyn laheyd?

Ogoowse inaan ahay qof basher ah oo dareen,damqasho iyodamiir leh,illeyn waa tii la yiri : {kii wax yar beertaa waxa yar buu goosan doonaa , kii wax badan beertaana wax badan buugoosan doonaa}.

Jaceylkana aanu isugu beerno sida beeraha miraha loogu beero oo kale hana igu abuurin macaangooyaheygii aan jec laayoow qalbi jab iyo qiyaano hana igu qiyaameyn hadal mac aan oo raaxo leh inaad qalbigeyga ku brogaraamiso, ogoo wse macaane inaan adiga kuu qabo jaceyl Xad dhaaf ah oo aan la qiyaasi Karin.

Ogoowna inaan raalli ku ahay xaalad walba oo xaggaada igala soo derista,waxaana aan jeclahay inay qalbiyadeeyna isku duubnaadaansida laammaha ubax,miraha bardaha, Tid aca Timaha Dumarka oo kale macaane waxaana igu beeran jaceeyl hibaaqaada ka soo haajiray oo dhammaan xubnaha jirkeyga saameeyey.

Ogoowse jaceylka xiisa xiisaha ka dhasha inuu naceyb ku dhammaado,dullinnimoiyo ceeb. Qaarbaa intay hiigsanaay ee guur iimaankoodii ka anbaday oo waxaa ka soo baxay nabs igii jaceylka, marka gacaliye C/Qaadir iska ilaali in nabsigii jac eylka in sida taajkaama tusbaxa oo kale qoorta laguu suro.

Gacaliye C/qaadir haatana igula raaxeysogeeraarkan mii dda iyo malabka shinnida ka macaan iyo maaxda sonkorta.

GEERAAR

ØMacaan gooyahihii, midki aan jeclaayoow

Øqalbigeyga deeqdee, Dadka dunida joogaan

ØAdaan kaa Asteestee, uunkale ma aan rabo walaal adiga mooyee

ØAdduunyada dhammaanteed kuma arag sidadoo ruux aan ba kula simo lam keenin duniideed uurkeey u roono ow waan kugu ilwaadsaday.

ØInta Awliyaahoo Rabbi Aamineenoo

ØAqriyaan Qur’aankaan kuu awal wacaayoo

ØGuul baan filaayaa iyo go’aan hagaagee guur wacan alahayoow geesigaan jeclaay iyo ani aan wada gorfeynaa ku guuleysto canshaqa mirihiisa gaamuro muddaangar dadinay

ØMa ogtahay macaanoow in aragaagu ii yahay Sida Ugaa dha Duurkoo indhana u roon

ØAyaamahaanjaceylbaa ogadeyda saarane oontii an cun aayiyo anfacii ka soomoooomayoo dartaayeearagaaga mooyee inta kale aduunyada oogadeeda saran uma jeedo anigee indhagey ruux kale arkibamaayaan inan ya hoo wee ma I uur naxeysaakaa oollimaayee

ØAlle waxaan baryaayaa lbadii aroosee aqal wada galaan oo ubada wada dhalaan ayna uba ahaatee aamiin dhe adiguna …….

La Soco Isniinta Danbe Insha Allaah

W/Qoray C/Qaadir Cabdulle Nuur {QalbbiDahab}

Tel: 0618455506


BOGGA CAYAARAHA

NATIIJOOYINKA IYO KALA HOREENTA HORYAALKA ENGLAND – PRLEAGUE

Sunderland 21 Manchester United

AFC Bournemouth 13 Stoke City

Crystal Palace 12 Watford

Everton 01 West Bromwich Albion

Norwich City 22 West Ham United

Swansea City 01 Southampton

Chelsea 51 Newcastle United

Arsenal 21 Leicester City

Aston Villa 06 Liverpool

Manchester City 12 Tottenham Hotspur


 

Team Name

P

W

D

 

F

A

GD

Pts

1

Leicester City

26

15

8

3

48

29

19

53

2

Tottenham

26

14

9

3

47

20

27

51

3

Arsenal

26

15

6

5

41

23

18

51

4

ManCity

26

14

5

7

48

28

20

47

5

ManUnited

26

11

8

7

33

24

9

41

6

Southampton

26

11

7

8

34

24

10

40

7

West Ham

26

10

10

6

40

31

9

40

8

Liverpool

26

10

8

8

38

36

2

38

9

Watford

26

10

6

10

29

28

1

36

10

Stoke City

26

10

6

10

27

32

5

36

11

Everton

26

8

11

7

46

35

11

35

12

Chelsea

26

8

9

9

38

36

2

33

13

Crystal Palace

26

9

5

12

27

32

5

32

14

W/Bromwich

26

8

8

10

24

32

8

32

15

Bournemouth

26

7

7

12

30

44

14

28

16

Swansea City

26

6

9

11

24

34

10

27

17

Norwich City

26

6

6

14

30

50

20

24

18

Newcastle

26

6

6

14

27

49

22

24

19

Sunderland

26

6

5

15

32

50

18

23

20

Aston Villa

26

3

7

16

20

46

26

16


 

 

 

 

 

 

 

 

























NATIIJOOYINKA IYO KALA HOREENTA HORYAALKA ITALYSERIE A

 

Lazio 52 Hellas Verona

Carpi 13 Roma

Empoli 12 Frosinone

ChievoVerona 11 Sassuolo

Juventus 10 SSC Napoli

AC Milan 21 Genoa

Palermo 13 Torino

Sampdoria 00 Atalanta

Udinese 01 Bologna

Fiorentina 2 1 ? Inter


No

koox

P

W

D

L

F

A

GD

Pts

1

Juventus

25

18

3

4

46

15

31

57

<


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip