HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 18-KA LUULYO 2019-KA

0
Thursday July 18, 2019 - 09:25:06 in Wararka by
  • Visits: 997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 18-KA LUULYO 2019-KA

    MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO WAR KASOO SAARAY NABADOONKII LA DILAY Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa marka hore waxaa uu tacsi u diray Bulshada Reer Gaalkacyo iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO WAR KASOO SAARAY NABADOONKII LA DILAY Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa marka hore waxaa uu tacsi u diray Bulshada Reer Gaalkacyo iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo xalay ay rag hubeysnaa ku dileen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

 


XAAF"waxa uu ahaa nin qiimo badan oo aad uga shaqeeyay nabada Magaalada Gaalkacyo waxa uu ahaa dadkii Galmudug wax ka dhisay alle naxariistii jano haka waraabiyo samir iyo iimaan eebe ha inaga siiyo”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Bulshada ku nool Magalada Gaalkacyo in ay meel kaga soo jeestaan dadka cadawga ku ah jiritaankooda iyo noloshooda waxa uu intaas ku daray in Kooxaha Argagixisada Arxan laawayaasha ah aysan rabin in amniga iyo nabada noqoto Magaalada Gaalkacyo cid walbana ay masuul ka tahay amniga Magaalada Gaalkacyo waa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba inta badan Shacabka kala duwan eek u nool Magalada Gaalkacyo ayaa aad uga walaacsan amnidarrada kusoo korortay Magalada, iyaga oo aad uga xumaaday dilka xalay loo geystay Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa Waxgaradka Gobolka Mudug.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAGACAABIS SAMEEYAY

Madaxwaynaha JFS Md.Maxamed C/hi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland. Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sh. Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Md.Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulw ade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xi geenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah:

1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow).

2. Dr.Cali Siciid Fiqi.

3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse.

4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac{Jangeli)

Guddigan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaal aheenna Soomaaliland, loona xaqiijiyo ma baadi’da JFS ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo Isku duubnida.

Farmaajo-630x420 Sidoo kale, Xeerka uu soo saaray Mada xweynaha Jamhuuriyadda ayaa qeexaya xilka iyo waajibaadka Guddigaan kuwaas oo ah:

1.In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan DF wadahadallada Soomaaliland.

2. Inay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siya asadda,taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wada hadalladan.

3. Inay talo bixin joogta ah ka siiyaan Ma daxweynaha JFS geeddi socodka wadah adalladan.

4. In ay diyaariyaan tubta wadahadall ada.

5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.

RW KU-XIGEENKA DALKA OO SHIR KA FURAY MAGAALADA MUQDISHO

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_1B974C-FC5AC6-F2C204-FDE7E2-0EEBD3-6E46DF.jpgR/wasaare ku-xigeenka XFS, Md.Mahdi Maxam ed Guuleed (Khadar), ayaa Shal ay Muqdisho ka fur ay shirka Dardar-gel inta iyo fulinta qorsha ha dib-u-soo kaba shada iyo u adk aysiga Aafooyinka. Muna asabadda daah-furka ayaa waxaa kasoo qayb galay be esha caalamka iyo mas’uuliyiin ka socday wadamada saaxii bada la ah dowladda ee ka taageera mashaariicda horumarineed iyo bini’aadn inimo. R/Wasaare ku-xige enku ayaa shee gay in abaaaraha soo noq noqday iyo fata haadaha ka dhasha roob abku ay dhibaata badan ku hayaan dhaq aalaha bulshada ayna abuuraan barakay aal cusub, sidaa darteed loo baahanyahay in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo qorsha haan Shalay la daah rogay.

Md.Mahdi ayaa sheeg ay in muhiim ay tahay in si wadajir ah loo ga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha si wanaagsan na loo maa mulo biyaha roobabka si ay u ga wada faa’Iidaan Xoola dhaqatada iyo bulshooyin ka ku nool miyiga iyo mag aalooyinka.

Md.Guuleed ayaa ka qayb galayaasha shi rka ku dhiirri geliyay in ay fikradahooda is ku biiriyaan oo ay soo saaraan xal mira dhal u noqon kara maareynta dhibaat ooyi nka laga dhaxlo abaaraha iyo fatahaada ha.Qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga aafooyinka dalka.

BOQORKA SACUUDIGA OO XAJKA KU MARTI-GELINAYA QOYSASKA MUSLIMIINTII LAGU LAAYAY NEW ZEALAND

Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud waxa uu Dorraad amar ku bixiyey marti-gelinta ilaa 200 oo qof oo ka mid ah Qo ysaskii ay ka shahiideen 51-kii Marxuum ee bishii Maarso 15-dii ee sannadkanla gu xasuuqay Masaajid ku taalla Magaalada Christchu rch ee dalkaasi.

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_1C64B6-5C8092-DE9C61-00A5BD-5D4EE3-9565A5.jpgWasiirka Arrimaha Islaa mka Sacuudiga, ahna Kormeeraha Guud ee Barnaamijkaasi, Sheekh C/ladiif Al-sheekh ayaa sheegay in Tallaabadaasi qeyb ka tahay dadaalka ay Sacuudiga ugu jiraan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagix isadda.

Wuxuuna xusay in Wasaaradiisa iyo Safaaradda Sacuudiga ee ku taalla dalka New Zealand ka wada shaqeyn doonaan dhamaystirka sidii dadkaasi loogu fudu deyn lahaa inay gutaan Waajibaadkooda Xajka ee sannadkan. Dhinaca kale, Boq orka dalka Sacuudi ga waxa uu amray in 1,000 qof oo Reer Falastiin ah iyagana loo fududeeyo inay soo xajiyaan sannadkan, iyadoo uu Boqor ka bixinayo dhamaan Kh arajka Xujeydaasi uu casuumay.

PUNTLAND OO AMAR KU SOO ROGTAY HAY’ ADDAHA CAALAMIGA EE G/MUDUG

puntland-2-750x430 Warqad kasoo baxday Xafiiska Gudd oomiyaha G/Mudug ee dowlad Goboleed ka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa waxaa Amar lagu dul-dhigay dhammaan Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Max aliga ee ka howlgala gudaha Gobolkaas. Qoraalka uu soo saaray maamulka G/Mu dug ay aa waxaa hay’adda ha Caalam iga iyo kuwa gu daha lagu wargeliyay in dha q-dhaqaa qyadooda sha qo la socod siiyaan maamulka Gobolka si loola socodo howlaha ay ka qabanayan Degmooyinka ka tirsan Mudug.

Sidoo kale Hay’addaha ayaa waxaa la gu amray in aysan qaban karin shaqo uu san maamulka G/Mudug ogeyn,isla mar kaana loo baahan yahay in waxkasto ay la socodsiiyaan maamulka.

Ugu dambeyntii Guddoomiyeyaaasha Degmooyinka G/Mudug ayaa waxaa la far ay in hay’addaha Caalamig ah iyo kuwa gudaha ee raba inay ka howlga laan Deg mooyinkooda ku xiraan howlahooda sha qo ogolaanshaha maamulka Gob olka Mu dug.

DIPLOMAASIYIIN TURKISH AH OO LAGU DILAY WAQOOYIGA DALKA CIRAAQ

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_C8CA1E-C50BBC-0CB92D-EC3A27-125733-E5EB74.jpgWasaaradda Arrimaha Dibedda Turkish-ka waxay Shalay xaqiijisay in 3 Muwaadin oo Turkish lagu dilay Baar ay ka cunteynaye en oo ku ya alla M/Irbil ee Maamul-gobal eedka Kurdistaan ee Waqoyiga dalka Iraq.

Wasaaraddu waxay shee gtay in Ku-xige en kii Qunusl ka Guud ee Turkiga u joo gay magaala da Irbil ka mid a haa dad kii lagu dilay Toogashad da ka dhacday Baar ka lagu weeraray. Wargeys ka Daily Sab ah ee ka soo ba xa Turkiga ayaa qoray in ay Dabley aan la aqoonin ta cshiirad ku fu reen halka ay Diplomaasiyiin ta Turkish-ka ku qade ynayeen. Ilo-war eed ayaa sheeg ayo in mid ka mid ah Dab leydii weerarka geysatay la dilay, halka ay Ciiddanka Maa mul-gobaleedka Kurdista anka ku raad-joogaan 2 kale oo ka mid ahaa Maleeshi yada geysatay weerarka, kuwaasi oo bax saday.

Hay’addaha Ammaanka ee Maamulkaa si waxay sheegeen inay dib u eegayaan Kameerooyinka Qarsoon ee ku rakiban gu daha iyo bannaanka Baarka uu weerar ku ka dhacay iyo Waddooyinka ku hareerays an.

Ciiddamo fara badan ayaa la soo dhoobay goobta uu dilku ka dhacay, waxayna Ciiddanka baarayaan Gaadiidka, Goobaha Gnaacsiga iyo Xaafadaha ku dhow goobta lagu dilay Muwaadiniinta Turkishka. Wax aa kaloo la xiray deegaanka ku dhow Gar oonka Diyaaradaha Irbil ee u dhexe ysa deegaanadda Irbil’s Dream City and Em pire neighborhoods, halkaasi oo ka mid ah ayd meelaha ugu ammaanka badan Irbil

MUWAADIN SOOMAALI AH OO KU XIRNAA MAREYKANKA OO DIB ULA MIDOOBAY QOYSKIISA

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_344D04-37EF08-40AE62-3D32F9-3EEBCA-36588B.jpg C/qaadir Maxamed oo muddo 20 bilood ah ku xirnaa Xarun dadka lagu hayo oo ku taalla Maraykanka ayaa la sii daayey, isa goo dib ula midoobay Xaaskiisa oo hays ata Dhalashadda Maraykanka iyo carruu rtiisa oo ku nool Gobalka Ohio ee dalka asi.

Mar uu Suxufiyiinta la hadlay markii la ga soo daayey Xabsiga waxa uu sheegay inuu dareemayo sidii qof ay nolosha mar kale ku soo laabatay oo kale.

Waxa uu markii ugu horreysay isagoo xor ah la kulmay Xaaskiisa, Malyuun Max amed oo aysan is-arkin ku-dhawaad 2-sanno.

C/qaadir Maxamed oo Fiisaha dalkaasi helay bishii June 29-dii ee sannadkii 2017-kii waxa la xiray, isla markii uu ka soo deg ay GaroonkaJohn F. Kenedy ee magaal ada New York, xilli uu sii raaci lahaa Diya arad ku sii jeeday Gobalka Ohio oo ay Xa askiisa deggan tahay.

Qareenadiisa waxay sheegeen in si sharci-darro loo xiray, ka dib, markii lala ye eshay Xog-wareysi socday muddo 15-saa cadood, isagoo aan haysanin Turjumaan, Is-faham la’aan isaga iyo Saraakiishii Waa xda Xuduudaha dalkaasi ee baaritanaka ku hayey, iyadoo laga bixiyey Aragti qal dan.

Qareenadda C/qaadir Maxamed waxay ka hadleen xaalladii uu ku sugnaa mudda dii uu xirnaa, waxayna sheegeen inuu mu ddo 8 bilood lla xanuunsanaa xanuunka Feeraha ku dhaca ee Qaaxadda ama TB-da, isla markaana uu muddo 10-maalmo od ku jiray Isbitaalkii lagu daaweynayey.

"Waxaan dareemayaa inay wax xun ah aayeen wixii igu dhacay, waayo, Aniga wax qalad ah ma samaynin, waxaana Mar aykanka ku imid si sharci ah, balse, wax aan aad ugu mahad celinayaa kuwii taage eradda ii fidiyey” ayuu yiri C/qaadir Max amed oo bilowgii Isbuucan xaaskiisa kula midoobay magaalada Elizabeth ee Gob alka Ohio ee dalkaasi.

Waxa uu markii ugu horreysay indhaha ka qaaday labadiisa carruur oo lagu kala magacaabo Suheyla oo 2-jir ah iyo Suhay ba oo hal sanno jir.

Xaaskiisa, Malyuun Maxamed oo 26-jir ah, haysatana dhalashadda Maraykanka waxay ka shaqeysaa Wershad, waxayna dib u bilaabi doontaa W/barashadda, si ay u hesho Shaahadada Caafimaadka iyo Nabadda Ilkaha (Dental Hygiene).

Si kastaba ha ahaatee, Lammaanah aasi oo nolol cusub dib u bilaabaya Mara ykanka ayaa la sheegay inay isku soo gu ursadeen dalka Koonfurta Afrika bishii June ee sannadkii 2016-kii.

FAAH FAAHIN:-CIIDAMO KA TIRSAN DOW LADDA OO QARAX LALA EEGTAY

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shab eellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegaya an in Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tir san kuwa dowladda Federaalka Soomaal iya qarax miino lagula eegtay deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Ciidamada ayaa waxaa uu qaraxa ku qabsaday xili ay socdaal ku marayeen inta u dhaxeysa deegaanka Nambar 60 iyo Ba riire ee Gobolka Shabeellaha Hoos ,wax aana ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Qaraxaasi oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa uu haleelay gaari noo ca dagaalka oo ay saarnaayeen Ciidam ada,waxaana ku geeriyooday 5 Askari oo gaariga la socday,waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu dhaawac jiro.

War qoraal ah oo lagu daabacay bara ha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegt een Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Nambar 60 iyo Bar iire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

DOWLADDA BRITAIN WAXAY SHAACISAY INAY SOO DIRI DOONTO MARKABKII 3-AAD EE DAGAAL

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_9DE21D-450003-96F320-B6548D-E2BCBA-940CCC.jpg Dowladda Britain ayaa soo diri doonta Markabkii 3aad ee Dagaalka iyo Markab Booyadle ah oo ay Ciiddanka Badda lee yihiin, si ay u soo gaaraan Gacanka Beer shiya oo ay xiisado kacsan ka jirto.

Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay inaysan Maraakiibta la soo dira yo aysan wax xiriir ah la lahayn Xiisadda dalka Iiraan. Markabka Dagaalka ee ay Bri tain soo diri doonto oo ah nooca wax burb uriya ayaa lagu magacaabo HMS Duncan waxa uu hubin doonaa Ammaanka Mara akiibta Britain ee marinkooda yahay Gaca nka Bershiya iyo Gacanka Carbeed.

Wasaaradda Difaaca ee UK waxay ka loo sheegtay in sannadkan gudihiisa ay Markabka Dagaalka ee HMS Kent loo soo diri doono Mandiqadda, si uu hawsha uga la wareego Markabka kale ee Britain ee HMS Duncan.

Sidoo kale, Markab kale oo nooca Ca awiyaha ah, laguna magacaabo RFA Wa ve Knight ayaa la filayaa inuu bilowga bisha soo socoto u soo jiheysto Gacanka Bershiya ee ay horey u buux-dhaafiyeen Maraakiibta Dagaalka ee Maraykanka.

Wasaaradda Difaaca ee UK waxay til maamtay in qorshaha Dhaqdhaqaaqa Mar aakiibtooda Dagaalka aysan wax calaam ad ah u ahayn inay Britain xiisad ka dhalin ayso Gobalka, balse uu dhaqdhaqaaqaasi yahay mid iska caadi ah.

Mar sii horreyay, Afhayeenka Ra’isul-wasaaradda Britain ee xilka ka sii dega ysa, Theresa May ayaa sheegay in xiisad da colaadeed ee ka dhex aloosan dalalka Reer Galbeedka iyo dalka Iiraan inaysan dan u ahayn qofna.

Hadalkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii ay dowladda Iiraan ku hanjabtay in ay Britain ka aar-goosan doonaan Markab kii shidaalka Iiraan ee ay bilowgii bishan July gacanta ku dhigeen Ciiddanka Britain.

WAQOOYIGA KUURYA OO KA DIGTAY WADA-XAAJOODKII HUBKA NUKLIYEERKA

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Waqooyiga Kuurya ayaa sheegtay inuu Wada-xaajoodkaasi wajihi karo khatar, haddii ay Milliteriga Maraykanka iyo kuwa Koonfurta Kuurya sii wadaan Carbiska Milliteri ee ay sida wadajirka ugu sameey aan Gacanka Kuurya.

Wakaalladda Wararka Waqooyiga Kuur ya ee KCNA oo baahisay warkan ayaa sheegtay inaysanis-qaadan Karin inay iyaga joojitaan Tijaabaddii Nukliyeerka iyo Gantaalladda Balaastikada ee iska kala gudbi kara Caalamka, isla markaana ay Maraykanka iyo K/Kuurya sii wadaan Dhoolatuska Milliteri.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Waqooyiga Kuurya waxay xustay inay Diy aar-garow Dagaal u qaadan doonaan had dii ay Milliteriga Maraykanka iyo K/Kuurya sameeyeen Dhoolatuska Milliteri ee Dong Maeng e dhici doona Xilligan Xagaaga.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Waax da Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegay inay diyaar garow ugu jiraan Dho olatuskaasi, inkasto ola dhimayo tirada Cii ddanka labada dal ee ka qeyb geli doona.

SHIRKA MADASHA SHAQO ABU URKA QAR AN EE DOWLADDA FEDERAALKA IYO DOWLAD-GOBOLLEEDYADA OO WARMURTI YEED LAGA SOO SAARAY

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_D9A7FF-334907-DE6178-98A6EE-CF5520-608367.jpg Shirka madasha Shaqo Abuurka Qaran oo saddexdii maalin ee u dambeysay ka socday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa Shalay la soo gabagabe eyay warmurtiyeedna laga soo saaray.

Shirka oo uu guddoominayay muddada uu socday wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa wa xaa ka qaybgalay wasiirrada Shaqada ee dhammaan dowlad-gobolleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

War-murtiyeedka shirka laga soo saaray oo 11 qodob ka koobnaa ayaa lagu cadde eyay in shaqo abuurka uu yahay muhiim ada koowaad ,iyada oo muddada uu shir ka socday dooddo laga yeeshay mashruu ca shaqo abuurka dhallinyarada iyo sida kor loogu qaadi karo shaqaaleysiinta.

HOOS KA AKHRI WARMURTIYEEDKA SHIRKA KA SOO BAXAY;

Madasha Shaqo Abuurka Qaran

Warmurtiyeed Garoowe, Puntland, Soomaaliya

14-17 July 2018 Kullankii 1aad ee mad asha Shaqo Abuurka Soomaaliyeed oo ay ka soo qayb-galeen Wasaaradda Shaqa da iyo Arrimaha Bulshada ee DFS , Was aaraddaha Shaqada ee Dowladaha Xubn aha ka ah DF ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad-gobolleedka Puntland, intii u dhaxeysay 14ka illaa 17ka Luulyo 2019 ka.

Madasha waxaa ka soo qaybgalay Was iirrada,Agaasimeyaasha Guud, Agaasime Waaxeedyadda,Khuburada Wasaaraddaha iyo Guddoomiye ku-xig eenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirku intuu socday waxaa lagu fallanqee yay Arrimaha badan oo muhiim ah, oo la xiriira xoojinta dadaallada, Jiheynta Dhalli nyarada iyo Shaqo Abuurka.

Shirka waxaa ka soo baxay Go'aam adda hoos ku xusan;1- In Shaqo Abuurka yahay muhiimada koowaad ee Qaranka.2- Waxaa qiimeyn dhab ah lagu sameeyay mashruuca shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed oo gabo gabo maraya, waxaana la isla gartay in caqabadihii jiray si wada jir ah loo xalliyo, guulihii mashruu cana la boggaadiyo.

3. In la ballaariyo mashaariicda Shaqo Abuurka, lana gaarsiiyo dhammaan qayb aha kala duwan ee Dalka.

4- Si looga jawaabo baahiyaha ka jira xirf adaha in la soo nooleeyo dugsiyadii farsa mada Gacanta ee Dowladda Gacanta ku haysay, lana hirgaliyo kuwa cusub.

5. In la xoojiyo hab-maamulka Shaqo Abu urka Dalka, Lana mideeyo dadaallada kala duwan ee Shaqo Abuur.

6. In la dhiirrigaliyo Ganacsiyada Waaw ayn, Yar yar iyo hal-abuurka Dhallinya rada.

7. In Maalgashi dhab ah lagu Sameeyo, fursado shaqana laga abuuro qaybaha kala duwan ee wax soo saarka Dalka.

8. In Dowladda Federaalka iyo Dowladda Xubanaha ka ah iyo Maamul Gobolka Ban aadir si joogto ah uga wada-shaqeeyaan, Mashaariicda Shaqo Abuurka.

9. Madashu waxay uga Mahadcelineysaa Dowlad-gobolleedka Puntland, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha, Dhal linyarada iyo Ciyaaraha soo Dhaweyn ta,Marti-gelinta iyo Dadaallada ay Galisay Guusha Shirka.

10. Madashu waxay sidoo kale u Mahad-naqaysaa, Hay'adaha Qaramada Mido obay ee Qaybta ka ah Mashruuca Shaqo Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed.

11. Gabagabadii, Madasha waxay ay uga danbayn u Mahadcelineysaa Deeq-bixiya yaasha,kaalintuu mugga lahayd ee ay ka qaateen Hirgalinta Mashruuca Shaqo Abu urka Dhallinyarada Soomaaliyeed, Waxay na Madashu ka Codsatay inay sii wadaan taageeradaas.

Dhammaad

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN OO KULAN LA QAATAY SARAAKIISHA HAY'ADDAHA SAMAFALKA KA HOWLGALKA GOBOLKA

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiir aan Cali Maxamed Caraale ayaa Shalay kulan kula la qaatay xafiiska xarunta ma amulka saraakiisha hay'addaha samafal ka ka howlgala gobolka Hiiraan.

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_44616B-56B014-28F9AE-09A4C7-B4E37B-E8699D.jpg Kulanka oo intiisa badan ahaa is bar asho iyo sidii wada shaqeyn buuxda loo yeelan lahaa, ayaa si gaar ah looga wada hadlay howlaha samafalka iyo in hay'ad uhu dardar-galiyaan caawinta dadka taba aleysan, waxaana uu guddoomiyuhu si ga ar ah diirada u saaray in ay xoogga saari doonaan sidii hay'addaha loogu gacan siin lahaa fulinta iyo socodsiinta howlahooda la xiriira samafalka iyo gargaarka loo fid inayo dadka u baahan.

''Wuxuu ahaa kulan is barasho iyo xoo jinta wada shaqeynta xafiiska maamulka gobolka Hiiraan iyo hay'addaha samafalka oo runtii howl-weyn oo haya bulshada ga ar ahaan kuwooda taagta darran ee u baa han in la caawiyo, Annagana ka maamul ahaan waxaa naga go'an in aan joog-te ynokulamada noocan oo kale ah'' ayuu yiri gudddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale.

Guddoomiyaha ayaa dhinac kale ka codsaday hay'addaha samafalka in ay gargaar garsiiyaan dadka ku dhaqan deeg aannadii dhawaan lagu dagaalamay ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan dadka ku bar akacay dagaallada.

Saraakiishii hay'addaha samafalka ee kulanka ka qeyb-galay ayaa dhankooda ku boggaadiyay guddoomiyaha cusub sida uu u daneynayo wada -shaqeyn dhaxmar ta iyo in si wada jir ah looga wada shaqee yo howlaha samafalka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiir aan Cali Maxamed Caraale ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay kulamo kala duwan lahaa qeybaha kala duwan ee bu lshada oo ay ka mid yihiin waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, waxaana kulamad an ay noqonayaan kuwo qeyb ka ah tallaa booyinka uu maamulka cusub ku doonayo in lagu dardar-galiyo howlaha ay

bulshadu ka sugayaan.

DAD SHACAB AH OO LAGU DILAY WEERAR LAGU QAADAY GAARI AY LA SOCDEEN DULLEEDKA DEGMADA BALCAD

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_AD3B50-BCD61E-BB662E-E14CFD-FFBCEC-0066B2.jpg Inta la xaqiijinayo Afar ruux oo labo ka mid ahaayeenDumar ayaa ku dhintay we erar lagu qaaday gaari ay la socdeen dul leedka degmada Balcad ee gobolka Shab eellaha dhexe.

Gaarigan la rasaas eeyay oo ahaa Hoo meey ayaa xiligaa marayaymarayay Tuulada Xoonshool eey ee dulleedka de gmada Balcad ee go bolka Shabeellaha Dhexe sida ay shee geen dadka deegaanka.

Qof ka mid ah eheladda dadka weerar kan ku dhintay ayaa sheegay in malee shiyaadka ay marka hore Darawalka Gaa riga ku amreen in uu joojiye, balse uu ka dhaga-adeygay, taasoo keentay ay rasaas ku furaan.

Dhinaca kale iska horimaad hubeysan oo ku dhex maray deegaan u dhexeeya M/Muqdisho iyo degmada Balcad ee go bolka Shabeellaha dhexe maleeshiyo hub eysan ayaa sababtay geerida labo ruux ka dib markii muran ka dhashay laha anshaha dhulka.

Waddada isku xirtay Muqdisho iyo Jo whar ayaa inta badan dadka iyo gaadiidka isticmaala waxaa ay la kulmaan weerar rada noocan ah oo ay geystaan malees hi yaad hubeysan iyo kooxo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

WAKIILKA GAAR AH EE QARRAMADA MIDOOB EY OO JOWHAR KULA KULMAY MADAX WEYNAHA HIRSHABEELLE

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_9E867B-5A78CA-F4EE04-372B30-D5B440-1E40C0.jpg Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hir shabeelle ayaa magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay wakiilka gaar ah ee Qarram ada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.

Madaxweyne Waare iyo mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeelle oo uu ka mid yahay madaxweyne ku-xig eenka ayaa garoonka diyaaradaha maga alada Jowhar siweyn ugu soo dhaweeyay wafdiga wakiilka Qarramada Midoobey.

Wakiilka ayaa kulan la qaatay madaxda Hir-Shabeelle, iyada oo lagawada hadlay xoojinta wada shaqeynta howlgalka Qaramada midoobay iyo maamulka Hir shabelle,waxaana sidoo kale kulanka go ob joog ka ahaa wakiila howgalka Qarra mada Midoobay ee Hir-Shabeelle Mr Benjiamin.

Booqashada James swan ee Hirsha belle ayaa noqoneyso safarkiisa saddexa ad ee uu ku tago sowlad Goboleed,iyada oo uu horay u tegay dowlad goboleedya da Puntland iyo Jubbaland,isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO DALACSIIYAY SARAAKIIL BOOLIS

Madaxweynaha Soomaaliya , Max amed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsi iyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ,iyada oo arrintaa lagu sheegay inay ka dambeysay talo soo jee din ka timid Taliyaha Booliska Soomaali yeed Jen. Bashiir Ameeriko.

Munaasabad Habeen hore ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaa hiye ayaa waxaa lagu dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska gobolka Bana adir, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah taliyeyaasha Booliska degmooyinka,Taliye qeybeedyo iyo Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Saraakiisha munaasabadan lagu dala csiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidan ka Booliiska Soomaaliyed Ex-G/Sare Sa adaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiq aadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/ Sare iyo sarkiil kale.

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_A91A89-7F2158-927D70-48944E-E270D6-ABEAAB.jpg Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guul eed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah na Duqa Muqisho Eng. Cabiraxamaan Yar iisoow, Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soo maaliya Cabdullaahi Xaamud iyo Taliya asha Ciidammada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliy eed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) ayaa sheegay in sidoo kale sannadkaan gudihiisa ay dalacsiin doonaan in ka ba dan 500 oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khdar) oo darajooyin ka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishaan sababaha loo dalacsiiyay ay keentay inay qeyb weyn ka qaateen sugida Amniga magalada Mu qdisho.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA SARAAKI ISHA DHALLINYARADA AH EE LA DALACSIIYAY;

Mahad Korow (Gaashaanle)

Axmed Qadar (Gaashaanle)

Taliye Mooshin (Gaashaanle)

Yuusuf Xundubey(Gaashaanle Dhexe)

Bashiir Durqun (Gaashaanle)

Farxaan Maxamuud (Gaashaanle)

Yaasin Nuur Khayre (Gaashaanle)

Moha Jeego (Gaashaanle Sare)

Jeneraal Saadaq. (Sareeye Guud).

AQALKA CONGRESSKA MAREKANKA OO CAM BAAREEYAY HADALLADII TRUMP

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_ADFF4A-85A976-4F73F1-CCF685-F0AB18-CB0E6E.jpg Aqalka Congresska dalka Marekanka ayaa si adag u cambaareeyay hadallo la is ku raacay inay ahaayeen cunsuriyad oo madaxweynaha Marekanka Donald Tru mp uu ku yiri dumar aan caddaan ahayn oo ka tirsan Congresska.

240 xubnood oo aqalka Congresska ka tirsan ayaa qaraarka lagu cambaareey ay ugu codeysay Ha, halka 187 xildhib aan ay ka soo horjeedsadeen,taas oo ka dhigan in 4 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Trump iyo waliba xildhiba anka kaliya ee madaxa bannaan Justin Amash ay codkooda ku biiriyeen dimoqora adiyiinta.

Congresska ayaa hadallada Trump ku sheegeen inay sharciyeeyey, sarena u qa aday cabsida iyo naceybka loo hayo dad ka Maraykanka ah ee cusub iyo dadka midabka leh.

Afhayeenka Aqalka hoose ,Nancy Pel osi ayaa ugu yeedhay Aqalka inuu u mido obo, sida ay hadalka u dhigtay, cambaar eynta farriimaha twitterka ee cunsuriyadda ku saleysan ee madaxweynaha.

Trump ayaa Axaddii soo daayay tiro far iimo ah oo dhanka Twitter-ka ah ayaa afar ta hablood ee kala ah Alexandria Oca sio-Cortez , Ilhaan Cumar, Ayanna Press ley iyo Rashida Tlaib u sheegay in ay isa ga laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, hal kii ay dowladda Maraykanka u sheegi laha ayeen sida ay tahay in wax loo sameeyo.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SHEEGTAY IN LA HUBIYAY ADEEGYADA AY HELAYAAN XUJE YDA SOOMAALIYEED

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_0E79C1-ADE3EA-627870-96E6CF-4C635E-620BD9.jpg Dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan gu danaya waajibaadka xajka inay heli doo naan adeegyo iyo farsamo la hubiyay.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Awqa afta xukuumadda Soomaaliya,Cismaan Aa dan (Dhuubow)ayaa xaqiijiyay in iyaga oo ka fakaraya ineysan soo laaban culeysyo horey ay ula kulmi jireen xujayda ay waqti badan galiyeen sidii loo dhameys tiri lahaa adeegyada muhiimka u ah xujeyda.

Wasiir Dhuubow ayaa inta ku daray in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanad kan si siman ay u tartameen, islamarkaa na tayadooda lagu soo kala xushay.

Waxaa jiray guddi ka kooban culumada iyo bulshada Rayidka, qeybna ay ka aheyd wasaaradda oo horey usoo saaray shuruucda looga baahan yahay shi rkadaha bixinaya adeegyada xajka, kuwaas oo loogu talo galay in meesha ay ka saaraan dayac la sheegay in ay la kul mi jireen xujeyda Soomaaliyeed.

HAWEENEYDII U HORREYSAY OO LOO DOOR TAY MADAXWEYNAHA GUDDIGA MIDOWGA YURUB

Haweenay u dhalatay dalka Belgium, ayaa noqotay qofkii u horreeyay ee dumar ah oo loo doorto madaxweynaha guddiga Midowga Yurub, kaddib codeyn qarsoodi ah oo ay sameeyeen guddiga.

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_FD5C33-4F6F0D-8079C9-25409B-731250-43B588.jpg Madaxweynaha cusub ee guddiga Mid owga Yurub,Ursula Von Der Leyen ayaa heshay codad gaaraya 383 cod waxayna ubaahneed codad gaaraya 374 ka mid ah 747 xubnood ee codadka dhiibanayay ee xubnaha Baarlamaanka ee Midowaga Yurub oo doorashadaasi sameeyey.

Ursula von der Leyen ayaa u mahadc elisay Baarlamankii doortay iyadoo ku tilmaantay Shalay kalsoonida ay xubnaha asi siiyeen inay ka tarjumayso midnimada Midowga Yurub qeybaha bariga ,Koonf u rta galbeedka iyo Waqooyiga Yurub.

Madaxweynaah cusub ee Midowga Yurub ee la doortay Mrs Ursula Von Der Leyen waxay ku dhalatay magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium, waxayna leedahay 7 carruur ah,waxay ahayd haw eeney dhakhtarad ah ka hor inta aysan ku soo biirin siyaasaddda, waxay ballanqaad ay in ay xoogga saari doonto sidii loo heli lahaa daryeel bulsho guud.

Sidoo kale waxaa la filaya in bisha soo socota ee November la beddelo guddoom iyaha guddigaasi ee haatan talada haya Jean-Claude Juncker ,kaasi oo la hadal ha yo in uu baddelo wasiirka Gaashaandhig ga dalka Jarmalka.

NABADDOON HABEEN HORE LAGU DILAY GAALKACYO

Waxaa Habeen hore Koonfurta Maga alada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mu dug lagu dilay mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Mudug.

Suldan Cabdulahi suldaan Cabdirax man ayaa lagu magacaabi jiray Nabado onka la dilay, waxaana dilka u geystay ko ox ku hubeysan Bastoolado.

Dadka Degaanka ay u sheegay Warba ahinta in Ciidamada ammaanka ay soo ga areen goobta uu dilka ka dhacay, marka ay baxsadeen raggii Bastooladaha ku hub eysnaa ee dilkaasi gaystay.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalk acyo ayaa walaac ku abuuray dilka Su ldan Cabdulahi suldaan Cabdiraxman , ma adaama uu ahaa Oday si weyn looga gar anayay halkaasi.

Dilka Nabadoonka, ayaa ku soo beegm aya, xilli toddobaadyadii la soo dhaafay di lal Qorsheyan ay ka dhacaayeen Koonfur ta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/07/1-104.jpgDOWLADDA SOOMAALIYA OO QALABEYSAY CIIDAMO CUSUB

Ururka Dal-dhis ee Guutada 14 Okto obar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soom aaliya ayaa Dawladda Federaalka Sooma aliya waxa ay u dhameystirtay Qalabkii ay ku Howlgali lahayeen Ciidanka, sida Hubka, Gaadiidka dagaalka iyo Agabyadii kale ee ay ku howlgali lahaayeen, si dalka ay uga Xoreeyaan Al-Shabaab.

Ku-Simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye Ku-Xiggeenka XDS S/g aas Cabdi Xasan Maxamed ayaa Booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagay Ciidan kaan oo ku jira Xerada General Gordan ee Magaalada Muqdisho.

Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa Ciidanka ururka Dal-dhis kula dardaa rmay in ay si wadajir ah uga qeyb qaataan Howlgalada Dalka Ka socdo.

KHAYRE OO KU BAAQAY IN WADAJIR LOOGA QEYB QAATO DIB-U-DHISKA GALMUDUG

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2018/10/Khayre-1-2-696x464.jpg Bulshada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa duleedka magaalada qado sharaf mahad celin ah ugu sameeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soom aaliya (XFS) Md. Xasan Cali Khayre oo de egaannada Galmudug u jooga dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Qada Sharafta oo ay soo agaasimeen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo xil dhibaanadda deegaanka laga soo doorto ayaa dhammaan dadkii ka hadlay waxa ay Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyeen dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixina yo dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo u adeegta dhammaan reer Galmudug, wa xa ayna ballan qaadeen in ay dowkooda qaadanayaan.

R/Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahad celiyay qado sharafta, Soo dhawe ynta iyo wada-shaqeynta ballaaran ee dha mmaan reer Galmudug u muujiyeen ayaa bulshada Dhuusamareeb ka codsaday in ay soo dhaweeyaan dadka reer Galmudug ee kasoo qayb gelaya gogosha dib-u-he shiineed ee magaalada taalla, ayna muujiy aan in caasimaddu tahay magaala madax loo simanyahay, tanaasulaan, cid kasta oo tabasho qabtana ay fadhigeeda ugu taga an oo ay qanciyaan.

Md. Xasan Cali Khayre ayaa mar kale ugu baaqay dhammaan dadka reer Galmudug ee wali hubku uu gacantooda ku jiro in hu bka ay ku wareejiyaan dowladda oo ciid amada la diiwaan geliyo si loo helo ciidan xooggan oo ka qayb qaata xoreynta dalka iyo ilaalinta sharafta iyo karaamada umm adda Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip