Golaha Wasiirada oo kulan gaar ah ka yeeshay dib u eegista Dastuurka KMG

0
Sunday February 14, 2016 - 20:23:42 in Wararka by
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada oo kulan gaar ah ka yeeshay dib u eegista Dastuurka KMG

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay galabta yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlayay geeddi socodka iyo dib u eegista Dastuurka KMG, kaasoo maraya heer gabo gabo ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shalay galabta yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlayay geeddi socodka iyo dib u eegista Dastuurka KMG, kaasoo maraya heer gabo gabo ah.

Kulankan oo shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa Golaha sharaxaad dheer ka siiyay Wasiirka Dastuurka Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo tilmaamay guulaha ay rabto inay gaarto dawladda Federaalka sanadan 2016, isagoo soo bandhigay qaar kamid ah qodobadii isbadalka lagu sameeyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey shaqada ay sida wadajirka ah u hayaan Wasaaradda Dastuurka, guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka, waxana uu dhanka kale sheegay in Xukuumadda ay muhiimad gaar ah siineyso dhameystirka dib u eegista Dastuurka oo hadda maraya heer gaba-gabo ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in marka la dhamaystiro dib-u-eegista Dastuurka KMG ah loo gudbin doono Baarlamaanka isla markaana loo bandhigi doono shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan u mahadcelinayaa Guddiyada ka soo shaqeeyey howshan baaxadda weyn ee dib-u-eegista Dastuurka KMG ah. Waxaan rajeynayaa in dhawaan ay dhamaystirmi doonto dib-u-eegistu loona gudbiyo Baarlamaanka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

unnamedunnamed1unnamedw




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip