HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 16-KA LUULYO 2019-KA

0
Tuesday July 16, 2019 - 09:40:37 in Wararka by
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 16-KA LUULYO 2019-KA

    WASIIRKA WAXBARASHADA OO XARIGGA KA JARAY QEYB KA MID AH XARUNTA AKADE MI YADA, CILMIGA, FANKA IYO SUUGAANTA Wasiirka waxbarashada XFS C/hi Goo dax Barre ayaa Shalay xariga ka jaray qe yb ka mid ah Xar un ta Akademiya d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASIIRKA WAXBARASHADA OO XARIGGA KA JARAY QEYB KA MID AH XARUNTA AKADE MI YADA, CILMIGA, FANKA IYO SUUGAANTA Wasiirka waxbarashada XFS C/hi Goo dax Barre ayaa Shalay xariga ka jaray qe yb ka mid ah Xar un ta Akademiya da, Cilmi ga, Fan ka iyo Suugaanta oo dayactir lagu sa meynayo, isla mar kaana ay maalgeli nay so Midowga Yurub.

Munaasabada xarig jarka ayaa lagu soo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka Soom aaliyeed oo runtii astaan u ah sharafka iyo qiimaha ummadda Somaaliyeed.Wasii rka Goodax ayaa ka hadlay Soo nooleyta ciyaaraha Hiddaha iyo dhaqanka Somaliy eed."Waxaanxariga ka jaray qeyb ka mid ah Xarunta Akademiyada, Cilmiga, Fa nka iyo Suugaanta oo dayactir lagu same ynayo, isla markaana ay maalgelinayso Mi dowga Yurub. Waxaa goobtaasi lagu soo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka Soom

xarigjar

aaliyeed oo runtii astaan u ah sharafka iyo qiimaha ummadda Soomaaliyeed.

Muhiimad gaar ah ayey inoo leedahay dayactirka xaruntan oo howla muhiim ah u haya bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda waxbarashada XFS waxa ay mar waliba u taa gantahay Horumarinta waxbarashada dalka iyo soocelinta Hidda ha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

SOMBANK OO XARUNTII U HORREYSAY EE SOOMAALIYA KA FURAY M/GAROOWE

sombank SomBank oo ah Bangi si gaar ah loo le eyahay ayaa furay laanta 1aad ee Soo ma aliya oo laga furay M/Garoowe iyada oo maalmaha soo socdana la furi doono xar unta weyn ee Muqdisho. "Hadafka SomBa nk waxaa ka mid ah soo gu dbinta waayaaragnimo bangiyeed oo sar reysa iyo door muhiim ah oo ay ka gasho bixinta adeeg yada bangi oo la jaan qaadaya hababkii u gu hormarsanaa ee bangiyeed, welibana dadaal dheeri ah gelin doona sidii uu uga qayb qaadan lahaa kobcinta ganacsi iyo adeeg ee macaamiisha." ayaa lagu yiri war uu soo saaray bangiga.

Inkasta oo adeegyada bangiyeed ee So omaaliya uu weli ku jiro marxalad dhisme, hadana waxaa jira heer koritaan caafima ad qaba oo si cad u muujineysa baahida sii weynaaneysa ee badeecadaha iyo ade egyada looga baahan yahay in ay bixiyaan bangiyadu sida; Horumarinta Beeraha, Ho rumarinta Xoolaha, Ganacsiga iyo Deega ameynta kuwaasi oo noqonaya meelaha ugu muhiimsan ee ay tahay in uu daboolo SomBank. Maareeyaha SomBank, Mr. Garaad Kh aliif Nuur, waxa uu xusay inay xawaalad uhu si kooban u buuxinayeen ka shaqeynta lacagta ee gudaha iyo sidoo kale dibeddaba intii uu maqnaa adeeg ba ngi oo dhammaystirani iyaga oo loo aqo onsaday in ay ahaayeen kuwo hufan, kals ooni leh, la isku hallayn karo isla markaas na qiimegal ah. Waqtigan xaadirka ah, ba ngiyada Soomaaliya waxa ay leeyihiin tar tan kooban maadaama tirada bangiyada diiwaan gashani ay aad uga yar tahay ba ahida adeegeed ee bangi ee suuqa dalka Soomaaliya.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxa uu ku jiraa doorka hay'ad qarameed muh iim ah oo lagu dhisayo isla markaana dhid ibada loogu dhigayo horumarinta iyo dhii rrigelinta bangiyada si ay u bixiyaan ade egyo bangiyeed waafaqsan sharciga isla markaana loogu faa’iideeyo dadweynaha aan weli helin adeegyada bangiyeed ee waddanka gudihiisa.

Dhinaca kale, waxaa suurto galay in la helay wacyi gelin macaamiisha ee adeegy ada muhiimka ah ee bangiyada Islaamiga iyo sidoo kale adeegsashada kanaalada Digitalka ah kaas oo noqon doona meel aha uu sida goonida ah muhiimadda u sa arayo SomBank isaga oo macaamiishiisa ugu diyaariyey in uu ka haqab tiro,sida ay sheegeen mas'uuliyiinta.SomBank waxa uu bixinayaa adeegyo bangiyeed khaas ah oo loogu talagalay maalgelinta ganac siyada xiriirka la leh fikradaha ganacsiya da yaryar iyo kuwa dhexe. "SomBank isa ga oo adeegsanaya kanaaladiisa digitalka ah sida TPlus waxa uu diyaar u yahay in uu adeegyad aada kuugu fuliyo hab digital ah si loola jaan qaado geeddi socodka ca sriga ah ee tiknoolojiyada iyada oo laguu soo gaabinayo muddada shaqo qabasho si ku dheehan hufnaan iyo ammaano." Ay aa lagu yiri qoraal ka soo baxay bangiga. Adeegyada Macaamiisha muhiimka ah ee SomBank waxa ka mid ah;

− Mass Affluent

− Mass (General Retail)

− SMEs

− International Customers

− NGOs

Productska SomBank waxaa ka mid ah:

− Islamic Current Accounts

− Islamic Saving Accounts

− Murabaha Financing

− Ijara Financing

− Investment Accounts

− Digital Wallets

− International Travel Cards

SomBank waxa uu qorsheeyey in sannad kaan 2019 gudihiisa in uu furo laamaha Gaalkacyo, Galdogob iyo Boosaaso.

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA OO LA KULMAY DHIGGIISA IRELAND

wasiirka Wasiirka wasaaradda arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Md. Axmad Ciise Cawad oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Jamhuuriy adda Ireland ayaa si maqaamkeedu sarreeyo waxaa loogu soo dhawe ey ay DublinIrel and, isagoo mar kuu garoonka diyaaradaha ka soo degay ba wasiirka iyo wafdigiisaba loo galbiyay xarunta wasaarada arrimaha dibadda Irela nd, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisul was aare ku xigeenka (The Tánaiste) ah na wasiirka arimaha dibadda dalka Irel and, Simon Conveney.

2da wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka 2da dal iyo sidii loosii xoojin lahaa, iyadoo wasiir Cawad uu u fidiyay dhigiisa Irishka casuumaad uu ku yimaado dalka Sooma aliya. Sidoo kale wasiirka ayaa intuu joog ay Dublin kulamo la yeeshay hay'adaha sa mfalka Ireland kuwooda Somaliya ka sha qeeya sida Trocare iyo Concern.Gaba gab adii,wasiir ku wuxuu la kulmay Jaaliyadda Soomaaliy eed ee dalka Ireland, kulan ka as oo si he er sare ah loosoo agaasimay ayay Jaaliy addu uga warbixisay wasiirka noloshooda iyo caqabadaha haysta ee ay doonayaan in dawladda Soomaaliya ka ca awiso, sida arrimaha la xiriira helitaanka Baasaboora da iyo cadaymaha jisniyayde ed. Arimah aas oo wasiirku kasiiyay Jaaliy adda jawaa bo ay ku wada qanceen.

Kulanka wasiirka iyo jaaliyadda ayaa ku soo dhammaaday casho furan, farxad iyo is macsalaamayn loo wada dhanyahay.

khyre vs waareRW KHEYRE OO LA KULMAY MADAXWEY NAHA HIRSHABEELLE

R/Wasaaraha XFS Md.Xasan Cali Khe yre oo maalmahaan ku sugan M/Dhuusa mareb kulan kula yeeshay Madaxweynaha DG/Hirshabeelle iyo Madaxa Xukumadda Maamulka Galmud ug.Mas’uuliyiintan ayaa ka wada Arr imaha dib u hishiisi in ta Beelaha daga Galmudug iyo Hir shabeelle oo dhow aan dagal uu ku dhex maray deegaano hoostaga degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Intaasi kadib WasiirDowada W/ Ar/ Gudaha DFS Md.C/hi Faarax Wehliye iyo Madaxa Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa ay Garoonka diy aaradaha Dhuusamareeb kasoo sagootiy een Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

GUDDIYADA MAALIYADDA GOLAHA SHACAB KA SOMALIYA & RWANDA OO KULAN YEESHAY

rwandM/Kigali ee dalka Rwanda ee Caasimadda dalka Rwanda waxaa Shalay kulan ku ye eshay Guddiga Maaliyadda Golaha Shaca bka Barlamanka FS iyo dhigiisa dalka Ruwanda. Guddi ga Maaliyadda G/ Sha cabka ayaa warbix in la xiriirta xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda sanadkii 1994tii waxaa ay ka dhageysteen dhigooda dalka as qaabka loo xaliyay iyo sida ay uga soo kabteen hadda.

Xildhibaan Mahd Maxamed Salaad oo ka mid ah xubnaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ee kulanka ka qeyb gal ay ayaa sheegay in sidoo kale ay warbixin ka siiyeen qaabka shaqo ee Goleyaasho oda Sharci Dejinta oo labo Aqal ka kooba an sida Soomaaliya oo kale.

Gebagabadii kulanka ayaa waxaa leys kula soo qaaday sidii xoojin lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta Goleyaasha Barlama anka labada dowladood, iyo sidoo kale in Soomaaliya ka gacan siiyaan khibradoo da la xariirta dhismaha hay’ado dowlade ed ee dal kasoo kabanaya burburiyo dag aalo sokeeye.

JUBBALAND OO KA DIGTAY IN LA SIYAASAD EEYO AMNIGA

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan shee gay in marnaba maamulka Jubbaland uus an gorgortan ka galeyn amniga deegaana da Mamulkaas.

Waxa uu sheegay in dhammaan heegan la geliyay Ciidamada kala duwan ee dow lad Goboleedka Jubbaland,waxaana uu ka digay in la siyaasadeeyo amniga deegaa nada Jubbaland,isaga oo sheegay in mar naba Jubbaland ogolaan doonin.

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa imaanaya xilli Gelinkii da mbe ee Jimcii weerar ku bilaawday qarax yo lagu qaaday Hotel Cascasey oo ku ya alla M/Kismaayo,weerarkaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah

MAXAA KA SOO BAXAY KULANKII MADAX WEYNAHA JUBBLAND & WAKIILKA QM?

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Shalay Aqalka Mar tida ee M/Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Q/Midoobay u qaabilsan So omaaliya James Swan iyo xubno kale oo ka socday Hay”adaha QM.

Kulankan oo lagaga hadlay qodobo kala duwan ayaa marka uu soo dhamaaday Waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Danjiraha Q/Midoo bay.iyagoo sheegay in kulanka lagaga hadlay guud ahaan Siyaasada Soomaali ya halka ay marayso iyo si gaar ah Arima ha Doorashooyinka Jubbaland Madaxwey nahu wuxuu sheegay in ay isku raaceen in waxa wadanka lagu kala hagi karo uu yah ay dastuurka dalka u yaala oo lagu dhaq mo mar uu ka hadlayay arimaha doorasho oyinkana wuxuu sheegay in la isku raacay in Arimahaas looga danbaynayo gudiga doorashooyinka iyo odayaasha dhaqanka.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in goobta ay ka dhacayso doorashada iyo amnigeedaba la isku raacay in ay tahay masuuliyad u taala Jubbaland.

Danjiraha QM ayaa dhankiisa ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay waxaana uu Jubbaland uga Tacsiyeeyay weerarkii lagu qaaday Hotel Madiina waxaa Safiirku uu sheegay in QM ay garab taagan tahay Dowlada iyo shacabka Jubbaland oo xan uunka ay la qabsanayso. Waxaa kale oo danjirahu uu sheegay in kulanka isaga iyo Madaxweynaha lagaga hadlay kobcinta dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga arimaha asna ay QM ka tageerayso Jubbaland.

Waxaa uu intaas ku daray inay doona yaan in Jubbaland ay ka dhacdo doorasho xalaal ah oo aan meela laga faragalin isla markana masuuliyadeeda ay leedahay D GJ wuxuu xusay inuu sidoo kale uu la kul may gudiga doorashooyinka Jubbaland iyo Xildhibaanada laga soo doorto Jubbal and ee BF ah oo uu aragtidooda ka dhag aystay.

GUDDOOMIYIHII HORE EE DEGMADA KAXDA OO XIL CUSUB LOO MAGACAABAY

ex-g-kaxd Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudd oomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho ayaa wa xaa xil Cuusb loogu Maga caabay Guddoomiyihii hore ee degmada Kaxda Maxam ed Ismaaciil.

Wareegtada oo la ogeysiiyay Waaxyaha kale ee Maamulka G/Banadir ayaa waxaa Maxamed Ismaaciil loo Magacaab ay la taliyaha Maamulka G/Banaadir ahna Xu bin ka mid ah guddiga Dacwooyinka dhul alka Guryaha la isku heysto ee G/ Bana adir.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabi sta oo dhameystiran.

Magacaabis


WASIIR BEYLE OO SHIR GUDDOOMIYEY KULAN MUHIIM AH

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_8903BF-EDC817-D2D5C7-B83821-379329-4CF0BC.jpg Wasiirka W/Maaliyadda XFS Md.C/iraxm aan Ducaale Beyle ayaa Shalay shir gudd oomiyay shirka dib u habeyn ta dhaqaalaha iyo hufnaanta Maaliyadda dalka Soomaali ya. Shirka oo 7baadkii mar la qabto ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin deyn cafinta iyo horumarka dhaqaale ee la gaaray, iya da oo Xubnaha Shirkaasi ka qeyb galay ee XFS ku bogaadiyeen horumarinta Dhaqaalaha dalka.

"Deyn cafis iyo horumar dhaqaale waa mid dhamaanteen noo wada taalo, waana sababta ay muhiim noogu tahay inaan si wadajir ah u shaqeyno ayuu yiri Wasiirka Bayle.XFS ayaa horay u sheegtay inay ku dadaaleyso sidii loo kobcin lahaa dhaqaal aha dalka si Soomaaliya looga cafiyo dey nta lagu leeyahay,waxaana kobcinta dha qalaha dalka soo dhaweeyay hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF.

MADAXWEYNAHA KGS OO GAARAY CEELBAR DE & MAAMUL LOO SAMEYNAAYO DEGMADAAS

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_E7748C-BA0292-51DF55-709E20-C79F88-CC5470.jpg Madaxweynaha DGK/Galbeed iyo Waf di isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano Ka ka la Tirsan DFS iyo KG oo uu hogaamina ayo MdLafta_gareen ayaa Shalay si diiran loogu soo Dhoweeyey D/Ceelbarde ee G/ Bakool.

Soo dhoweynta ka dib Madaxweynaha DGKG uu daah Furey Xaflada maam ul u samaynta Degmada Ceelbarde,iyada oo Odayaasha & Waxbaradka degamada asi ay soo dhaweeyeen qorshaha Maamul u sameynta ah.

Gudoomihyaha Mamulka G/ Bakool iyo kan Degmada Ceelbarde ayaa hadalo koo ban ka jeediyey Munaasabadda wax aa aysheegeen inay soo dhoweynayaan maam ul u samaynta degma da Ceelbarde ,sidoo kale Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Dowlad goboleedka KG Maxamed Abuukar Cabdi iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arimaha gudaha DFS ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la sameeyo mamul degmo iyo sida Bulshada ay fa’iido ugu tahay.

Ugu Dambeyn Munaasabada waxaa ka hadlay Madaxweynaha Dowlad GKG Lafta gareen,waxaana uu sheegey in Maa mulk iisa ay ka Go’antahay sidii Degmooyinka ay u gaarsiin lahaa Adeegyada Aas Aas iga Iyo u samaynta Maamul ay u dhanyihi in Bulshada,waxaana sidoo kale u mah adceliyey Shacabka Ceelarde soo dhawa ynta ay u sameeyeen.

ETHIOPIAN AIRLINE OO DUULIMAADKII U HORREEYAY KU TIMID GAROOWE

https://www.hiiraan.com/images/gallery/2019/july/201971563698788472438727366879615_692249064521950_714103708132048896_n.jpg Shirkadda duulimaadyada ee Ethiopi an Airline ayaa Shalay duulimaadkii u horreeyay ka billowday M/Garoowe ee xarunta Puntland. Munaasabad daahfur ah oo lagu qabt ay garoonka diyaaradaha Jen M.Abshir ee M/Garoowe ayaa lagu soo dhawaayay rakaabkii u horreeyay ee Puntland ay keentay shirkadda Ethiopian Airline.

Madaxweynaha Puntland, Siciid C/hi Da ni ayaa ku tilmaamay billowga duulimaad ka Ethiopian Airline inuu gacan ka geysa nayo isku xirka Puntland iyo dunidda kale, wuxuu sheegay dedaallo ay sameeyeen inay ku suragashay duulimaadyada ay billowday Ethiopian Airline.

Waa duulimaadkii u horreeyay iyo mid kii 3aad ee shirkaddan ka sameynayso Soomaaliya, waxaana lagu wadaa 7aadkii 3 mar inay timaado Puntland.

SOOMAALILAND OO SHAACISAY CIDDA SIIDE YSAY MARKABKII SIDAY XOOLAHA

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/07/soomaliland.jpg Saacadihii la soo dhaafay ayaa Warb aahi nta dalka qaarkood waxa ay tebisay in amar kasoo baxay R/Wasaare ku xigeenka Soomaali ya lagu siidaayay Markab sida Xoolo farabadan oo uu ka qaaday deka dda M/ Berbera, haye eshee sacuudiga uu ku xayiray dekad ku taalla dalkaas.

Hayeeshee waxaa warkaasi sicad u be eniyay Maamulka Soomaaliland oo sheeg ay in Markabkaas aan lagu siideyn amar kasoo baxay R//Wasaare kuxigeenka Soo maaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khad ar), isla markaana wararka ay baahiyeen Warbaahinta uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrima ha Dibada Soomaaliland C/dir Cumar Jaa mac ayaa sheegay in Dowladda Soomaal iya ay Soomaaliland kula jirto dagaal Gan acsi oo adag,isla markaana Markabkii xool aha siday ay wadahadal kusii daayeen dad Ganacsato waaweyn oo Reer Sooma aliland ah.

Waxa uu sheegay in D/Soomaaliya ay haatan tahay mid dooneysa in Soomaa liland ka soo xirto meelo badan,hayeeshee taasi aysan soconeyn, isaga oo sicad u sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in R/Wasaare kuxigeen ka Soomaaliya uu siidaayay Markanka Xo olaha siday ee ku xayirnaa dekadad ku taalla dalka Sacuudiga.

XUKUUMADDA SOMALILAND OO CAMBAARAY SAY WEERARKA SIYAASADEED IYO DHAQAALE EE DAWLADDA SOOMAALIYA KU SOO QAADAY

Golaha wasiiradda Somaliland ayaa Shalay kalfadhi aan caadi ahayn iskugu yimid sidii ay iskaga difaaci lahaayeen dag aalka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay ku soo qaaday dawlada Soomaaliya sida ay sheegeen .

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_EA80D4-2C91DF-1296C3-306449-10E311-71FAE3.jpg Shirkan aan caadiga ahayn waxa shirgu doominayey madaxweyne Muuse Biixi, wa xaana ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylici, kuwaas oo cambaareeyey Weerarka Siyaasadeed iyo Dhaqaale Ee Ka Soo Yeedhaya Soomaal iya "Kalfadhi aan caadi ahayn oo ay gol aha wasiirradda Somaliland, Shalay yeesh een oo uu shir gudoominayey Madaxwey naha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey ku xigeenkiisa Md.C/r axmaan C/hi Ismaaciil (saylici), ayaa lagu lafoguray weerarka siyaasadeed iyo dhaq aale ee maamulka muqdisho ku hayo Som aliland, oo ay ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xool aha Somaliland u dhoofi lahayn, taasoo markhaati cad u ah carqaladaynta dhaqaa laha Somaliland, balse dedaal dheer oo dawladda Somaliland ka gashay sii daynta xoolahaasi ay ka degeen dalka sucuudi ga.”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Waxaana intaas lagu sii daray "Golaha wasiirrada Somaliland waxa uu cambaara ynayaa weerarrada joogtada ah ee maa mulka Xamar ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland, taasoo muujinaysa cadaawadda aan gabbashada lahayn ee ay shacbiga Somaliland u hayaan.

Waxa aan marnaba qarsoonayn is horta aggii badheedhka ahaa ee ay maamulka Muqdisho isku dayeen in xoolo ka dhoofa dekeddaha Somaliland aanay ka degin dal ka Sucuudiga. Balse waxa ayaandarro ah inay guuldarradaas ka dib sheegato Xa mar, guusha Somaliland xoolaheeda ku geysay dalka Sucuudi Carabiya.

Dawladda Somaliland waxay si ballaa dhan ugu mahadnaqaysaa dawladda boqo rtooyada Sucuudi Carabiya tallaabada gee sinnimada leh ee ay ka qaadatay dejinta markabkii siday xoolaha ka dhoofay Soma liland kuna garawsatay muhiimadda isu socodka ganacsiga labada dal.”

Sidoo kale, waxa golaha wasiiradda la gu go’aamiyey in suuqyo ganacsi oo kale oo cusub loo raadiyo iibgeynta laf dhabar ta dhaqaalaha ee xoolaha nool.

Si kastaba ha ahaatee, markab Xoollo ka qaaday dekada Berbera ayaa dhawr maalmood ku xayirnaa dekadda Jidda ee Sucuudiga ka dib markii dawladda Sooma aliya amartay in aan xoolahaasi sidan rusq adii caafimaad ee dawlada Soomaaliya, taasina ay keentay muran ah in la soo cel iyo inaan la soo celin, ugu dambeynta Shalay la fasaxay in laga dajiyo xoolaha asi.

MADAXWEYNE WAARE OO KULAN LA QAA TAY HOGGAANKA AHLUSUNNA WALJAMEECA

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/07/C-14.jpg Madaxweynaha DG/Hirshabeelle Dr Ma xamed Cabdi Waare oo Shalay gaaray M/ Dhuusama reeb ayaa Booqday hoyga uu degan yahay Guddoo miyaha Guud ee Ahlusunna Waljameeca Macalin Maxa muud Sheekh Xasan.

Madaxweyne Waare ayaa Macalin Max amuud ugu tagay salaan iyo booqasho, isla markaana waxaa intaasi ka dib dhex maray kulan looga hadlay arrimo kala du wan. Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulankaas looga hadlay xaaladda Guud deegaanada Galmudug iyo dagaal beeleedyada ka soo Cusboon aday deegaano ka tirsan Degmada Mat abaan ee Gobolka Hiiraan iyo arrimo kale.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa inta uu ku sugan yahay waxaa uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaar aha XF Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

CANADA OO KU DHAWAAQDAY GO'AAN HALIS KU AH ALSHABAAB

R/Wasaraaha dalka Canada Justin Trud ea ayaa ku dhawaaqay in DFS ay dowl addiisu ka taageeri doonto dagaalka adag ee haatan lagula jiro dhaq dhaqaaqa AlShabaab. Justin Trudea oo ka hadlay wee rarkii Kismaayo ayaa sheegay in aan indh aha laga laaban karin falalka guracan ee ay geysanayaan AlShabaab, sida uu had alka u dhigay.

R/W Canada ayaa carabka ku dhuftay in DFS ay kala shaqeynayaan, sidii nabad buuxdo loogu soo dabaali lahaa Soomaal iya. "Anaga oo kaashaneyno Beesha Caal amka ayaan ka shaqeyn doonaa sidii xidi dada loogu siibi lahaa xagjirnimad.”ayuu yiri Mr.Justin Trudea.

Dhinaca kale wuxuu Tacsi u diray Ehel lada ay dadkoodu ku dhinteen weerarkii sabtidii ka dhacay Kismaayo, kuwaas oo ay ku jireen muwaadiniin u dhashay dalk iisa. AlShabaab ayaa dhabarka u ritay w eerarkaasi oo ay ku dhinteen 26 Qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 56 kale oo u badan dad rayid ah

RAG HUBEYSAN OO DIL IYO XARIG LOOGU GEYSTAY MAGALADA MUQDISHO

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo guddoomiyey shirka Amniga Caasimadda ayaa bogaadiyey olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan ee dhibaataynaya amniga Caasimadda.

Taliyeyaasha Amniga Gobolka ayaa la wadaagay Guddoomiyaha warbixin ku saabsan hawlgallo ka dhan ah rag hubaysan oo horey ay ugu daba jireen, kuwaas oo dhibaatooyin ka geystay degmooyinka Kaaraan, Cabdicasiis, Yaaqshiid iyo Deyniile. Taliska ayaa sheegay in cusbitaalka Madiina uu ku naf waayey mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee shacabka ku dhibaateyn jiray degmadooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis kaas oo waaran Maxkamadeed horey loogu soo jaray, dhaawaca uu ku naf waayeyna waxa uu ka soo gaaray dagaal uu ku wajahay Laamaha Amniga. Eng.Yariisow ayaa faray Maamulka Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Ciidanka in ay si adag uga hortagaan qof kasta oo dhibaato ku haya shacabka, waxyeellana u gaysanaya amniga Caasimadda. "Waan wadeynaa ololahan, waxaanna si adag uga digeynaa kuwa caadeystay in ay iska indho tiraan nidaamka iyo awaamiirta lagu sugayo amniga. Nidaam iyo dowladnimo ayaa na wada deeqa." Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumar iyo amniga, ayna ula wadaagayaan Laamaha Amaanka xogta burcadda caadeystay dhibaataynta iyo baadda shacabka.

XUBNO KA SOCDA SHIRKAD KA SHAQEYSA DHISMEYAASHA WADOOYINKA OO YIMID MUQDISHO

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) ayaa Shalay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Madaxda Shirkad laga leeyahay wadanka Turkiga oo qaabeysa Dhismeyaasha Magaalooyinka.

Shirkaddaan oo lagu Magacaabo DDOGA Company ayaa can ka ah Dalka Turkiga,waxaana la aasaasay 1990,waxaana xarun u ah Magaalada Ankara,iyadoo ka shaqeysa Dhismeyaasha Wadooyinka, Tareenada, Buuxinta Gododka iyo Adeegyo kale.

Shirkadaan ayaa shantii sano ee la soo dhaafay waxaa ay sameysay ku dhawaad 1000 KM oo Labo Jibaran, waxaana ay Nashqadeyn{Mapping} ku sameysay ka badan1530KM.

Shirkadda DDOGA waxaa ay ku shaqeysaa GPRS iyadoo xoogga saarta Qorsheyaasha Magaalooyinka {City Planning}, waxeyna ka fakartaa Nolosha Dadka,Caafimaadka iyo Korontada deegaanadaasi ka jira.

Magaalada Muqdisho oo sii fideysa ayaa u baahan in ay ka Faa’ideysato Qorsheyaasha lagu Hormarinayo Magaalooyinka lamidka ah Muqdisho, iydoo uu wada hadal u socdo Shirkaddaan iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

MADAXWEYNE DENI OO U DIGAY DAD UU KU EEDEEYAY FARAGELIN MAAMUL

Madaxweweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay jiraan dad xilligaan faragelin ku haayo arrimaha Puntland,isaga oo digniin u diray.

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_AC8763-99EA2E-86B118-FC2619-305C87-1990D8.jpgWaxaa uu sheegay in ay jiraan dad daneynaya inay wiiqaan horumarka Puntland,isla markaana kicinayaa Dhalinyaron,isaga oo sheegay inaysan aqbaleyn in dhalinyarada lagu kiciyo wax aan munaasab aheyn.

"Waxaan aad ugu digayaa dadka daneynaya inay wiiqaan horumarka Puntland ee dhalinyarada kicinaya,maha in dadka la hareer mariyo oo wax aan jirin loo akhriyo,shacabka waxaan leeyahay ilaashada midnimadiina ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaan sicad u sheegin dadka uu sheegay inay faragelinta ku hayaan Arrimaha Maamulkiisa ee uu digniinta u dirayo.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ayaa u muuqda mid u jawaabaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo dhawaan Gaalkacyo kula hadlayay dhalinyaro soo dhaweysay uu sheegay inaysan dhici Karin in Shacab iyo dowlad in la kala dhexgalo.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALIA OO MAANTA KU WAJAHAN DHUUSAMAREEB

Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud waxaa Maanta ku wajahan Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,kaas oo haatan ku sugan Magalada Muqdisho.

Wasiir Sabriye ayaa horay dhowr maalmood ugu sugnaa Magaalada Dhuusamareb, isaga oo qeyb weyn ka qaatay heshiiskii Madaxda Ahlusunna ee ku biiray Galmudug iyo Dowladda federaal ka,isla markaana uu dadaal u galay xalinta dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Galmudug.

U jeedada wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee Magalada Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in la filayaa in Maalmaha soo socda lagu dhawaaqo Guddiga qabashada Shirka dib u heshiisiinta dadka reer Galmudug.

Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa saakay laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ,waxaana sidoo kale Magalada Dhuusamareeb ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

KENYA OO SHEEGTAY INAY DISHAY XUBNO KA TIRSANAA ALSHABAAB

booliska-Kenya-680x420War qoraal ah oo kasoo baxay Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamadu ay ku dileen Saddex Xubnood oo ka tirsanaa Ururka AlShabaab,xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Kayunga ee xadka ay wadaan Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in xilliga la dilayay Xubnaha ay miino ku aasayeen deegaanka Kayunga,qaraxaas oo ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan Ciidamada ilaalada xaduudka,waxaana is rasaaseyn dhexmratay ciidamada iyo Ragga ka tiursanaa AlShabaab ay sababtay dhaawaca laba ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya.

Sidoo kale Booliska Kenya ayaa sheegay inay hayeen xog ku saabsan Xubanaha ka tirsan AlShabaab ee ku sugnaa deegaanka Kayunga,sidoo kalena ay weli raad joogaan Xubno kale oo ka tirsan AlShabaab.

Dadka deegaanka Kayunga ayay Boolisku sheegeen inay yihiin kuwa had iyo jeer taageera AlShabaab,hayeeshee Ciidamada Kenya ay yihiin kuwa doonaya inay ilaashadaan xaduudkooda,isla markaana ay baacsan doonaan cid kasta oo gacan siisa AlShabaab.

Si kastaba hadalkaan kasoo yeeray Ciidamada Booliska Kenya ayaa imaanaya xilli inta badan deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi bari ee dalkaasi ay mararka qaar ka dhacaan qaraxyo lala eegto Ciidamada Booliska Kenya,,waxaana qaraxyadaas mas’uuliyadooda sheegta AlShabaab.




  



UNOPS


Vacancy Announcement


ADMINISTRATIVE SENIOR ASSISTANT –LICA 5/ ICS 5

UNOPS Somalia Country Office (SOCO) has had a solid and continuous in-country expert presence successfully implementing programs since the mid-1990s, where it is currently undertaking various projects and initiatives in close collaboration with the Federal Government of Somalia (FGS), Federal Member States (FMS) and partners from the global donor community.

UNOPS’ projects in Somalia focus on several key sectors that include infrastructure development, institutional capacity building, project management, advisory services, and procurement services. These projects cut across multiple sectors, including education, healthcare, national security, law enforcement, immigration services, justice, transport, and public works among others. UNOPS work in Somalia is geared towards driving growth and development in the country, a process that requires developing a close relationship with the FGS and the other development partners.

What drives us is a passion to fight inequalities and to provide opportunities to those most vulnerable. This means we often work in the most challenging environments, building foundations for communities to function and people to live with dignity and respect.

To succeed here, he/she need to be able to combine creativity with the organizational skills to manage numerous different projects to tight deadlines simultaneously, as well as working with the different units to meet their expectations.

We are therefore, looking for potentially curious talented Somali citizens with knowledge in Business/Public Administration and good communication skills with stakeholder focus to join the formidable team. Things happen quickly at UNOPS-SOCO and the work culture encourages you to be an enthusiastic team player - a self-starter who can work cross-functionally and isn't frightened to take risks or try out new ways of doing things within UNOPS.

Apply now at:

https://jobs.unops.org/Pages/ViewVacancy/VADetails.aspx?id=18087

The Vacancy Announcement includes: Terms of Reference, required educational qualifications & work experience as well as the contract conditions.

Please note:

·The closing date is midnight Copenhagen time

·This is a local position and only Somali citizens are eligible to apply.

·Applications received after the closing date will not be considered.

·Only those candidates that are short-listed for interviews will be notified.

·Qualified female candidates are strongly encouraged to apply.

·Duty Station: Mogadishu and it is a non-family station.

·UNOPS seeks to reasonably accommodate candidates with special needs, upon request.

·Work life harmonization- UNOPS values its people and recognizes the importance of balancing professional and personal demands. We have a progressive policy on work-life harmonization and offer several flexible working options. This policy applies to UNOPS personnel on all contract types

·UNOPS seeks to reasonably accommodate candidates with special needs, upon request.

·For staff positions only, UNOPS reserves the right to appoint a candidate at a lower level thanthe advertised level of the post

·The incumbent is responsible to abide by security policies, administrative instructions, plans and procedures of the UN Security Management System and that of UNOPS.

All candidates are requested to submit their application online, through the above-mentioned links and following the instruction included in the vacancy announcement. No paper application or any other means of transmission will be accepted.

Application closing date


Thursday, July  25, 2019.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip