Diyaaradda Turkish Airlines oo maanta ka soo degatay garoonka diyaaradaha Muqdisho

0
Sunday February 14, 2016 - 17:44:23 in Wararka by
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradda Turkish Airlines oo maanta ka soo degatay garoonka diyaaradaha Muqdisho

    Diyaaradda Turkish Airlines ayaa maanta si lama filaan ah uga soo degatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, 12 maalmood kadib markii qarax lala eegtay Diyaaradda Daallo Airlines, xilligaasoo siday rakaabkii Diyaaradda Turkish Ai

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa maanta si lama filaan ah uga soo degatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, 12 maalmood kadib markii qarax lala eegtay Diyaaradda Daallo Airlines, xilligaasoo siday rakaabkii Diyaaradda Turkish Airlines.

Sida ay sheegayaan wararka diyaaradda Turkish Airlines ayaa waday rakaab iyo xamuul ay ka soo qaaday magaalada Istanbul, waxaana dib u bilaabadeeda duulimaadkeeda Muqdisho ay meesha ka saareysaa wararkii sheegayay inay gebi ahaanba joojisay duulimaadka.

Ammaanka garoonka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo mar kaliya dadku ka war heleen diyaarada oo soo caga dhigatay garoonka.

Afhayeen u hadlay Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa horay u sheegay in diyaaradooda ay u baaqatay maalintii qaraxa dhacayay cimilada oo xumeyd.

Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay Shirkadda Turkish Airlines oo ku aadan dib u bilaabidaduulimaadka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Al-Shabaab oo maalintii shalay ka soo saartay war rasmi ah qaraxii diyaaraddii Daallo Airlines ayaa sheegtay in weerarkaas uu ku wajahnaa diyaaradda Turkish Airlines, ayna bartilmaameedsaneysay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka reer galbeedka iyo Saraakiisha Turkiga ee ka tirsan Gaashaanbuurta NATO.

Turkish Airlines ayaa ah diyaarada kaliya oo caalami ah oo duulimaad rasmi ah ku timaada magaalada Muqdisho, iyadoo sanadkii 2012 ay bilowday duulimaadkeeda.

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, iyadoo ay magaalada Muqdisho ka howl gasho Safaaradda Turkiga, Hey’adaha kala duwan ee Turkiga, waxaana ay gacanta ku hayaan Isbitaalo iyo goobo caafimaad ay ka hirgeliyeen Caasimada Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip