SAWIRO:-Guddoomiye Cusmaan Barre oo kulamo ka bilaabay Baladweyne xilli la hadal haayay mooshin ka dhan ah

0
Thursday July 11, 2019 - 22:23:53 in Wararka by
  • Visits: 422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Guddoomiye Cusmaan Barre oo kulamo ka bilaabay Baladweyne xilli la hadal haayay mooshin ka dhan ah

    Xilli warar soo baxayay ay sheegayeen in Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Hir-Shabeelle ay wadaan diyaarinta mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa gudoomiyaha waxaa uu Maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaannada Hi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli warar soo baxayay ay sheegayeen in Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Hir-Shabeelle ay wadaan diyaarinta mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa gudoomiyaha waxaa uu Maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaannada Hir-Shabeelle. Cusmaan Barre Maxamed oo ku sugan Magalada Baladweyne ayaa Maanta waxaa uu kulan la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaannada hir-Shabeelle eek u sugan Magalada Baladweyne, isaga oo kala hadlay arrimno dhowr ah. "Waxaan Maanta Magaalada Beledweyne kulan Qado ah oo aan uga hadleynay xaaladaha kajira Hirshabelle gaar ahaan Gobolka Hiiran la qaatay Qaar kamid ah Xildhibaanada DG Hirshabelle ee kusugan Beledweyne,waxaan uga mahadcelinayaa talooyinkii wanagsanaa ee kusaabsan xal uhelida Gobolka Hiiran iyo sida ay uga go'an tahay samata bixinta xaaladaha murugsan ee kajiray Gobolka Hiiran ayuu yiri Gudodomiye Cusmaan Barre. Weli sirasmi ah uma soo shaac bixin mooshinka la sheegay in laga wado Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle,hayeeshee qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro diyaarinta mooshinka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip