Eedeyn kulul oo loo jeediyay dowladda Iiraan

0
Thursday July 11, 2019 - 22:22:16 in Wararka by
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eedeyn kulul oo loo jeediyay dowladda Iiraan

    Dowladda Britain ayaa maanta sheegtay in doonyo ay leedahay Iran ay isku dayeen in ay is hortaag ku sameeyaan markab shidaal oo uu Ingiriisku leeyahay xilli uu marayay marin biyoodka Hormuz. Bayaan kasoo baxay xukuumadda Britain ayaa lagu sheegay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Britain ayaa maanta sheegtay in doonyo ay leedahay Iran ay isku dayeen in ay is hortaag ku sameeyaan markab shidaal oo uu Ingiriisku leeyahay xilli uu marayay marin biyoodka Hormuz. Bayaan kasoo baxay xukuumadda Britain ayaa lagu sheegay in dhacdadani ay ku lug leeyihiin saddex doon oo ay Iran leedahay. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in doonyahaasi ay dib u gurteen kaddib markii ay digniin ka heleen markab dagaal oo uu Ingiriisku leeyahay. Ciidanka ilaalada kacaanka Iran ayaa beeniyay eedda uga timid Ingiriiska. Wakaaladda wararka dalka Iran ee Fars, ayaa sheegtay in doomaha Iran ay marinka Hormuz ee u dhaxeeya Iran iyo Khaliijka ay ka sameeyaan roondo maalinle ah, isla markaana aysan jirin wax maraakiib ama doonyo ah oo ay isku dhaceen gaar ahaan maraakiibta Ingiriiska. Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa Arbacadii uga digay Britain in ay wajahi doonto cawaaqib, kaddib marki ay Ingiriisku qabteen markab shidaal oo ay Iran leedahay kaasoo looga shakisanyahay inuu saliid u waday Suuriya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip